0

garaadxumaansho

m f l

Eeg: garaadxumaan

0

garaadxumi

m dh

Eeg: garaadxumaan

0

garaadxumo

m dh

Garasho iyo caqli gaabida cidi ku sugantahay. ld garaad-xumaan.

0

garaadxun

f mg4 (-umaa, -umayd)

Wax aan caqli ku filan lahayn ahaansho.

0

garaadyar

f mg4 (-raa, -rayd)

Qof caqli yar ahaansho.

0

garaadyaraan

m f dh

ld garaadyari, garaadyaro.

0

garaadyari

m dh

Eeg: garaadyaraan

0

garaadyaro

m dh

Eeg: garaadyaraan

0

garaadyeelad

m l

Fil wax lagu kala garto gaarid. ld garaadyeelasho.

0

garaadyeelasho

m dh

Eeg: garaadyeelaad

0

garaaf

m l (-fyo, m.dh)

(xis.) Jaantus muujinaya xiriirka ka dhexeeya laba tiro ama laba xaddi. Waxa la adegsadaa dhidibbo iyo kulanno.

0

garaam

m l

Eeg: garaamme

0

garaam-atam

m l

Eeg: mool

0

garaam-isudhigan

m l (-mmo ..., m.l)

(xis.) Culays isudhiganka walaxi leedahay oo lagu tibaaxay garaamyo.

0

garaamme

m l

1. Kiilo kun meelood loo qaybiyey meel ka mid ah. 2. Raashin, hal meel xaq u leeyahay. ld garaam, garaammo, garaan.

0

garaammo

m l

1. ld garaamme. 2.ld garoomey.

0

garaammurux

m l

Waxyaalo aan isku midab ekayn oo isku darsamay oo midab hor leh oo isku googoo'an yeeshay. ld galaammurux.

0

garaan

m l

Eeg: garaamme

0

garaangar

m dh

Eeg: garangar¹

0

garaangari

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: garangari

0

garaangarid

m dh

Eeg: garangarid

0

garaangarin

m dh

Eeg: garangarin

0

garaangaris

m l

Eeg: garangarin

0

garaangir

m dh (-ro, m.l)

Eeg: garangar¹

0

garaangiri

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: garangari

0

garaangirid

m dh

Eeg: garangarid

0

garaangirin

m dh

Eeg: garangarin

0

garaangiris

m l

Eeg: garangarin

0

garaar

m dh (-ro, m.l)

1.Jileec xusullada gacmuhu yeeshaan oo gadaal gacmuhu u jirdaacmaan. 2.Duuduub iyo mardimo dadka cayilani surka ku yeeshaan. 3.Dhaqdhaqaaq; dikaan.

0

garaari

f mg2 (-iyay, -isay)

Qof suuxay ahaansho. Tus. “Far garaarisa baa laga waayay”.

0

garaarin

m f dh

Eeg: garaari

0

garaash

m l (-shyo, m.dh)

Meesha baabuurta lagu dayac-tiro ama habeenkii la dhigto.

0

garab

m l (-rbo, m.dh)

1. Lafta isu haysa karraysta, sararta iyo gacanta. 2. Baalka shimbiraha. 3. Kaalmo af iyo addin leh. 4. Daruura is haysta oo da'aysa.

0

garab'aydo

m dh

Cudur xoolaha ku dhaca oo garabka ka soo bixiya kasoobbax weyn oo badi ahaan dila neefka uu ku dhaco. ld garaabbiido, garabgooye.

0

garabcad

m dh

Shilin cudurro badan xoolaha u keenta oo korka ku leh baro caddaan ah.

0

garabdaar

m l

Garasho dheeraad ah oo qof wax aan weli dhicin uu ku mala awaalo; uurkubaalnimo.

0

garabdhig

f lg1 (-gay, -gtay)

Isbarbardhig.

0

garabdhigid

m f dh

Eeg: garabdhig

0

garabgal

m l

1. Taakuleynta loo geysto qof tabar yar iyada oo gacanta laga qabanayo. 2. ld garabgelid.

0

garabgelid

m f dh

ld garabgal¹ (2), garabgelyo.

0

garabgelyo

m dh

Eeg: garabgelid

0

garabgooye

m l

'aydo.

0

garabgoroyayn

m f dh

ld garabgoroyays.

0

garabgoroyays

m l

Eeg: garabgoroyayn

0

garabgoroyee

f mg2 (-yeeyay, -yaysay)

U g.: laba qof oo diriraysa midkood si aan toos ahayn ugu hiilin.

0

garabgoroyo

m dh

Si dadban oo laba qof oo dirireysa midkood loogu hiiliyo. ld garbaggoroyo.

0

garabhagooji

f g2 (-iyay, -isay)

Si aan toos ahayn cid garab u siin.

0

garabhagoojin

m f dh

ld garabbagoojis.

0

garabhagoojis

m l

Eeg: garahagoojin

0

garabjiid

m dh

Summad geela lagu dhigo oo ah alif ku jiidan garabka fooddiisa ilaa cududda meesha ay iska galaan.

0

garabkutaaglayn

m dh

Eeg: garabkutaagle

0

garabkutaagle

m l

Awood maammul oo si aan sharci ahayn loo adeegsado. ld garabkutaaglayn.

0

garabqabad

m l

Eeg: garabqabasho

0

garabqabasho

m f dh

ld garabqabad.

0

garabqabo

f g3 (-btay, -batay)

Cid taageerid.

0

garabqodo

m dh

Nooc ka mid ah xarar lagu sameeyo weelasha wax lagu shubto marka la tolayo; lugdheer; macatab.

0

garabsaar

m l

Maro iwm oo marka culays la qaadayo garabka la saarto si culeyska la iskaga xajiyo.

0

garabsaarid

m f dh

egg garabsaar².

0

garabsad

m l

Eeg: garabsasho

0

garabsasho

m dh

ld garabsad, garabsi.

0

garabsi

m l

Eeg: garabsasho

0

garabsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Cid taakulayn.

0

garabsiin

m f dh

Eeg: garabsii

0

garabso

f g3 (-saday, -satay)

1. Cid garab ka dhigasho. 2. Wax garab saarasho.

0

garabtaag

f lg1 (-gay, -gtay)

Fidinta gorayo, cantalaay iwm ay baalka fidiyaan; is g.: qof taageerid.

0

garabtaagan

f g4 (-gnaa, -gnayd)

Wax, wax taageeraya ahaansho (cid).

0

garabtaagid

m f dh

Eeg: garabtaag

0

garabtaagnaan

m f dh

ld garabtaagnaansho.

0

garabtaagnaansho

m l

/dh ld garabtaagnaan.

0

garabweyn

m dh

Neef ishkin ah oo rimay la'aan ku dhaafay da'dii ay rimi lahayd.

0

garabyeel

m l

Garab u noqod; taageero; hiillo.

0

garabyeelid

m f dh

Eeg: garabyeel²

0

garac

m l (garac/-cyo, m.dh)

Ilmo aan meher ku dhalan; wacal; wecel.

0

garacad

m dh

Gabar aan meher xalaal ah ku dhalan.

0

garad

m l

Eeg: garasho

0

garaddax

m l

Nooc xamaaratada ka mid ah oo leh dabo shanle u eg oo dhadhaabaha gasha; dabasaqaf.

0

garaggaro

m dh

Caws waaweyn oo abjadyada iwm laga sameeyo. ld gargaro.

0

garan

m l (-nno, m.dh)

Hu' hoosaad qafiif ah oo shaatiga laga hoos gashado si uu dhididka uga ilaaliyo.

0

garanayt

m l (-tyo, m.dh)

(jool.) Dhadhaabo wiriqyadeedu waaweynyihiin oo dhulka hoostiisa ku adkaata. Macaadinta “quartz” iyo “feldspar” iyo kuwo kale ayaa dhadhaabtaan laga helaa. G.ku wuxuu ka mid yahay dhadhaabaha ugu adag uguna adkaysi badan, waa kan loogu heli ogyahay dhadhaab shiileedda hoose, waana dhadhaabta ugu badan dhulka.

0

garangar

m dh (-ro, m.l)

1. Bir wareegsan dhexda ka bannaan oo carruurtu ku ciyaarto. 2. Hab loo dego oo aqallada lagu wareejiyo xoolaha. ld garaangar, garaangir, giraan, giraangir, girangir.

0

garangari

f g2 (-iyay, -isay)

Wax wareegsan dilindillayn. ld garaangari, garaangiri, giraangiri, girangiri.

0

garangarid

m f dh

garangar². ld garaangarid, garaangirid, giraangirid, giringirid.

0

garangarin

m f dh

ld garaangarin, garangaaris, garangaris, garaangirin.

0

garangaris

m l

Eeg: garangarin

0

garangoor

m f kh

Malax adag oo dhiig yari ku jiro.

0

garangoorri

m dh

Shilin weyn oo xoolaha waxyeeleysa.

0

garannuug

m dh

Jaad ugaarta waaweyn ka mid ah oo geeso iyo sur dheer leh. ld gerennuug, gerinnuug.

0

garansii

f lg2 (-iiyay, -iisay)

1. Cid wax xusuusin. 2. Cid wax ka dhaadhicin.

0

garansiin

m f dh

ld garansiis.

0

garansiis

m l

Eeg: garansiin

0

garansoon

f g4 (-naa, -nayd)

1. Wax, wax xusuusan ahaansho. 2. Wax, wax fahamsan ahaansho.

0

garansoonaan

m f dh

ld garansoonaansho.

0

garansoonaansho

m l

/dh ld garansoonaan.

0

garanwaa

m l

Wax garasho waayidda.

0

garas

m l

Geed weyn oo ka mid ah geedmadowga ama geed-abaareedka oo leh miro la cuno iyo hoos wanaagsan.

0

garasho

m f dh

ld garad, garowsho.

0

garawaan

m l (-nno, m.dh)

Koob bir ah oo dheg leh oo wax lagu shubto.

0

garawaati

m l (-iyo, m.dh)

Maro dhuuban, xariir ka sameysan oo shaarka kulleetigiisa lagu xirto.

0

garays

m l (-syo, m.dh)

Guntiino midabbo leh oo haweenku xirtaan.

0

garaysad

m l

Eeg: garaysasho