0

gaagurre

m l

Inan ku jira da'dii uu qaadan lahaa tababbar ciidan.

0

gaahi

m dh

Meel aan naq lahayn, oomanana ah oo aan cidi joogin. ld gahayr¹ (4).

0

gaahiir

m dh

; gahayr.

0

gaahiirid

m f dh

Eeg: gaahiir²

0

gaajabbeel

m l

Reebidda gaajo ku haysay lagu reebo cunto yar. ld qaajabbeel¹.

0

gaajabbeelid

m f dh

ld qaajabbeelid.

0

gaajaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax gaajo hayso ahaansho. ld qaajaysan.

0

gaajaysnaan

m f dh

ld gaajaysnaansho, qaajaysnaan, qaajasnaansho.

0

gaajaysnaansho

m l

/dh ld gaajaysnaan.

0

gaajo

m dh

Dareen jirku dareemo marka cuntadu ka raagto. ld qaajo.

0

gaajoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Gaajo dareemid.

0

gaajood

m f l

Eeg: gaajoo

0

gaal

m l (-lo, m.dh)

1. Nin aan muslin ahayn. 2. Nin aan raxmad lahayn. 3. ld faranji. 4. ld ceelgeel: Ceel biyo badan oo aan dhano la hayn; ceelgaal. 5. ld geel (haruubgaal, xeryagaal iwm).

0

gaalad

m dh

Haweeney aan muslin ahayn.

0

gaalayn

m f dh

Eeg: gaalee

0

gaalee

f g2 (-leeyay, -laysay)

Cid gaal ka dhigid.

0

gaalib

m l

Nooc fardaha orodkooda ka mid ah.

0

gaalibid

m f dh

Eeg: gaalib²

0

gaalis

m l (-syo, m.dh)

(xis.) Urur tirooyin ah ama baro ah oo ku yaalla habdhis kulan oo qeexaya dhammaan qiimayaasha u dhexeeya laba bar dhammaad. Haddii labada bar dhammaad ay jiraan g.ka waa gaalin oodan, haddii an ku jirinna waa g. furan.

0

gaalis-furan

m l (-syo ..., m.dh)

(xis.) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo aan ku jirin bar dhammaadyada. G.ka f. ee u dhexeeya laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa (a,b). Marka g.ka f. lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada goobo ayaa la geliyaa.

0

gaalis-xidhan

m l (-syo ..., m.dh)

(xis.) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo ay ku jiraan bar dhammaadyada. Gaaliska xidhan ee udhexeyaa laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa [a,b]. Marka gaaliska xidhan lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada waxa ugu calaamadeeyaa goobo gudahooda la madoobeeyay.

0

gaallan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax aan muddo lagu dhaqmin ahaansho.

0

gaallanaan

m f dh

ld gaallanaansho.

0

gaallanaansho

m l

/dh ld gaallanaan.

0

gaallays

m l kh

Waran g. ah: nooc warmaha waaweyn ka mid ah lagu dagaallamo.

0

gaalleef

m dh (-ffo, m.)

1. Nooc ka mid ah toorreyda oo godan. 2. Mindi dheer oo godan oo qaab toorrey leh.

0

gaalli

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax aayar u wadid. 2. Wax yarayn.

0

gaallin

m f dh

Eeg: gaalli

0

gaallisee

f g2 (-seeyay, -seysay)

1. Durbaan la garaacayo tallaabo la helid. 2. Cid ku dul wareegid.

0

gaalliseyn

m f dh

Eeg: gaallisee

0

gaalliso

m dh

Nooc ciyaaraha lagu jaameeyo ka mid ah.

0

gaalnimo

m dh

Gaal ahaansho.

0

gaaloobid

m f dh

Eeg: gaalow²

0

gaalow

m l

Miro ka baxa geed abaareedka qaarkiis.

0

gaalshire

m l

Xabsi.

0

gaameyt

m l (-yo, m.dh)

(baay.) Unug taran oo dhex gala gaamayt kale, si uu u abuuro bacrimane.

0

gaamur

f mg1 (-ray, -rtay)

Aad u xoogaysi (nafley).

0

gaamurid

m f dh

Eeg: gaamur

0

gaan

m l

1. Wax xooggan oo adkaysi leh. 2. Geel aan irmaanayn. 3. G. ah: wax aad u badan.

0

gaane

m l u kh

G. ah: geel aan irmaaneyn.

0

gaannan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax xoog badan yeeshay ahaansho.

0

gaannanaan

m f dh

ld gaannanaansho.

0

gaannanaansho

m l

/dh ld gannaanaan.

0

gaanni

m l (-iyo, m.dh)

1. Yaxaas lab oo dilaa ah. 2. Ugaarta nooceeda waaweyn; ishin.

0

gaantay

m l (-yo, m.dh)

(jool.) Xabuub khafiif oo dhadhaab lakabeed oo ka dhashay dhoobo, waxa laga yabaa iney ku sameysantey cadaadis culeyska dhadhabaha kor saaran dartood, ama sibidhow(cementation), sida nuuradda.

0

gaar

m l

1. Wax cid si gooni ah u khuseeya. 2. Qof loo xilsaaray, inuu ilaaliyo xafiis, dukaan iwm. 3. G. ah: khaas ah.4. Dhaawac callirsan.

0

gąar

m l

1. Xuub ku dahaaran ilmo dhashay. 2. Dhiil, abxad iwm wax korka looga dahaaro. 3. Urun.

0

gaaraabbidhaan

m l

Eeg: gaaraabbidhood

0

gaaraabbidhood

m l

Cayayaan yar, duula oo qaarka dambe ku leh maaddo iftiin bixisa habeenkii. ld, gaaraabbidhaan

0

gaararro

m dh

1. Nooc kalluunka ka mid ah. 2. Dabada raha.

0

gaarcadde

m l

Eeg: garcadde

0

gaardi

m l

Socod habeysan oo tallaabada la isla helayo oo ciidammada u gaar ah.

0

gaardin

m dh

Eeg: gaardiyid

0

gaardis

m l

Eeg: gaardiyid

0

gaardisii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Cid gaardi ku socodsiin.

0

gaardisiin

m f dh

Eeg: gaardisii

0

gaardiyid

m f dh

ld gaardin, gaardis.

0

gaarhaye

m l (-yayaal, m.l/dh)

Qof loo xilsaaray inuu ilaaliyo guri, xafiis iwm.

0

gaarheyn

m dh

Gaarhaye ahaansho.

0

gaari

m l (-iyo, m.dh)

1. (gawaari, m.dh) Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulka lagu qaado. 2. Gaarigacan.

0

gaarid

m f dh

ld gaarniin.

0

gaariddameer

m l (-rro, m.dh)

Qalab oogo fidsan, laba shaag wax lagu rarto, oo dameer, baqal iwm jiidaan.

0

gaarifaras

m l (-syo, m.dh)

Gaadiid rakaab fuula oo faras jiida.

0

gaarigacan

m l (-nno, m.dh)

Gaadiid dhuleed yar, matoor lahayn, gacanta lagu wado oo hal shaag leh. ld gaarigacmeed.

0

gaarigacmeed

m l (-dyo, m.dh)

Eeg: gaarigacan

0

gaarinnimo

m dh

Gaari ahaansho.

0

gaariwale

m l (-layaal, m.l/dh)

Nin gaaridameer, gaarifaras iwm ku shaqeeya.

0

gaarniin

m l

Eeg: gaarid

0

gaaroodi

m l

Dhul didib ah, bannaan oo ay ka baxaan dhir dhaadheer oo teelteel ah iyo dixin.

0

gaaroodin

m f dh

Eeg: gaaroodi²

0

gaarrax

m l

Ilmo dacdarro iyo arrad ka muuqdaan.

0

gaarsii

f lg2 (-iiyay, -iisay)

1. Ammaano meel loo rabo geyn. 2. Cid meel geyn. 3. Wax, cid si habboon ugu qaybin.

0

gaarsiin

m f dh

ld gaarsiis.

0

gaarsiis

m l

Eeg: gaarsiin

0

gaas

m l

1. Dareere loo isticmaalo ifsashada aqallada iyo cunto karinta. 2. (-sas, m.l) Ciidamo badan oo hal meel laga xukumo; qayb.

0

gaasabbax

m l

1. Kabbixidda nafley ka samatabbaxdo dhibaato jiilaal. 2. ld gaasabbixid.

0

gaasabbixi

f g2 (-iyay, -isay)

Dhibaato iyo rafaad jiilaal keenay cid ka samatabixin.

0

gaasabbixid

m f dh

ld gaasabbax¹ (2).

0

gaasabbixin

m f dh

Eeg: gasabbixi

0

gaashaaman

f mg4 (-mnaa, -mnayd)

1. Wax hubkii uu isku difaaci lahaa u dhanyahay ahaansho. 2. Wax dahaar adag oo aan hub fudud kari karin leh ahaansho.

0

gaashaamasho

m f dh

Eeg: gaashaamo

0

gaashaambuur

m dh

Dad dhawr qolo ah oo ciidamada isku darsaday oo xooggooda mideeyay.

0

gaashaambuuraysad

m l

buuraysasho.

0

gaashaambuuraysasho

m f dh

ld gaashaambuuray-sad, gaashaambuuraysi, gaashaam-buursasho.

0

gaashaambuuraysi

m l

Eeg: gashaambuuray-sasho

0

gaashaambuurayso

f g3 (-stay, -satay)

Cid gaashaambuur la noqosho. ld gaashaam-buurso.

0

gaashaambuursad

m l

Eeg: gaashaam-buuraysasho

0

gaashaambuursasho

m l

/dh ld gaashaam-buuraysasho.

0

gaashaambuursi

m l

Eeg: gaashaambuur-aysasho

0

gaashaambuurso

f g3 (-saday, -satay)

Eeg: gaashaambuurayso

0

gaashaamnaan

m f dh

Eeg: gaashaaman

0

gaashaamo

f mg3 (-aantay, -aamatay)

Ka g.: wax soo socda waxyeeladooda ka tabaabushaysasho.

0

gaashaan

m l (-nno/-ammo, m.dh)

Qalab bir ama harag adag ah, oo looga gabbado riddada warmaha, fallaaraha iwm.

0

gaashaandaduur

m l

Difaac. ld gaashaan-daduurid.

0

gaashaandaduurid

m dh

Eeg: gaashaan-daduur

0

gaashaandhig

f mg1 (-gay, -gtay)

U g.: wax iska daaficid.

0

gaashaandhigid

m f dh

ld gaashaandhig¹ (2).

0

gaashaanle

m l (-layaal, m.l/dh)

1. Darajada ciidan oo u dhexeysa dhamme iyo gaashaanle-dhexe. 2. Biciid lab oo haraggiisa laga sameeyn karo gaashaan.

0

gaashaanqaad

m l (-dyo, m.dh)

Qof qaangaaray oo dagaal ka qaybgali karo. ld gaashaanxajis.

0

gaashaanxajis

m l

Eeg: gaashaanqaad