0

gaashgaash

m l

Majabbaxsi.

0

gaashi

m dh (-iyo, m.l)

Bar weyn oo midab ah oo ku taal neef xoola ah oogadiisa. ld gaasho, geesho.

0

gaasho

m dh

Eeg: gaashi

0

gaasir

m l kh

Wax, miisaankiisa ama cabbirkiisu aannu dhammayn.

0

gaasiran

f mg1 (-rmay, -rantay, -rmi)

Wax gaasir ah noqosho.

0

gaasirid

m f dh

Eeg: gaasir²

0

gaasirmid

m f dh

Eeg: gaasiran¹

0

gaasirnaan

m f dh

ld gaasirnaansho.

0

gaasirnaansho

m l

/dh ld gaasirnaan.

0

gaastarig-cariye

m l (-gayaal, m.l/dh)

(c.nafl.)Hormoon laga sameeyo qaybta xiidmaha ugu xigta ee caloosha. Soo deyntiisa waxaa fududeeya cunnada caloosha soo gasha; dhiigga ayuu raaca wuxuu fududeeya soo deynta dheecaanka caloosha.

0

gaatamid

m f dh

ld gaatan¹ (2).

0

gaatan

m l

1. Socod dhukis ah oo wax lagu gaadayo (nafley). 2. ld gaatamid.

0

gaatir

m dh

1.Haragga oogada oo adkaada, siiba kan sacabbada iyo cagaha. 2. Harag qolof adag noqday oo shafka, goroflegedka iyo cagaha geelu ku yeesho. 3. Geed-nagaaraad oo yar. ld gaatur.

0

gaatiroobid

m f dh

ld gaaturoobid.

0

gaatirow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Gaatir noqosho. ld gaaturow.

0

gaatur

m dh

Eeg: gaatir

0

gaaturoobid

m dh

Eeg: gaatiroobid

0

gaaturow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Eeg: gaatirow

0

gaawe

m l (-wayaal, m.l/dh)

Haruub weyn oo geela lagu maalo, toobe; haruubgaal.

0

gaaweeto

m dh (-ooyin, m.l)

Weel yar, macdan ah, dheg leh oo ciidanku wax ku shubto.

0

gaax

m dh

1. Caano isgaaray oo candho xoolaad ku baaqday. 2. Wixii waqtigii la soo saari jirey aan la soo saarin ee la urursho oo dib loo dhigo oo dhan.

0

gaaxasho

m f dh

Eeg: gaaxo

0

gaaxi

f g2 (-iyay, -isay)

Candho xoolaad caano ku baajin.

0

gaaxin

m f dh

Eeg: gaaxi

0

gaaxo

f mg3 (-xday, -xatay)

Candho xoolaad caano ku baaqasho.

0

gaaxsad

m l

Eeg: gaaxsasho

0

gaaxsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax caano ku baaqdeen ahaansho (candho xoolaad).

0

gaaxsanaan

m f dh

ld gaaxsanaansho.

0

gaaxsanaansho

m l

/dh ld gaaxsanaan.

0

gaaxsasho

m f dh

ld gaaxsad, gaaxsi.

0

gaaxsi

m l

Eeg: gaaxsasho

0

gaaxso

f g3 (-saday, -satay)

Candho xoolaad caano ku baajisasho.

0

gaayimad

m dh (-do, m.l)

Waraaqo yaryar oo gadaal isaga dheggan oo wax lagu qoro; nootbuug.

0

gab

m dh sh r

Cod lagu muujiyo shanqar

0

gabaabsad

m l

Eeg: gabaabsasho

0

gabaabsasho

m f dh

ld gabaabsad, gabaabsi.

0

gabaabsi

m l

Eeg: gabaabsasho

0

gabaabso

f g3 (-saday, -satay)

Wax sii dhammaanaya oo wax yar ka dambeeyaan noqosho.

0

gabaaddiir

m dh kh

1. Meel dhibaato saameysay oo aan dad iyo duunyo ku noolayn. 2. Dhibaato weyn. ld gabaahiir, gaabahiiro.

0

gabaahiir

m dh kh

Eeg: gabaaddiir

0

gabaahiiro

m dh kh

Eeg: gabaaddiir

0

gabaaraggeddi

m l

1. Gadgeddoonka wax marar badan oo isku xiga sameeyaan. 2. ld gabaaraggeddin.

0

gabaaraggeddin

m f dh

gabaaraggeddi². ld gabaaraggeddi¹ (2).

0

gabaaran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Eeg: gabran

0

gabaarasho

m f dh

Eeg: gabrasho

0

gabaarnaan

m dh

Eeg: gabranaan

0

gabaarnaansho

m l

/dh ld gabranaan.

0

gabaaro

f mg3 (-rtay, -ratay)

Eeg: gabro

0

gabaayoox

m l

Eeg: gabayre

0

gabac

m l

Hodmid meel ama wax lagu hodmo.

0

gabaddanaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax dhaxan badani hayso ahaansho.

0

gabaddanaysnaan

m f dh

ld gabaddanaysnaansho.

0

gabaddanaysnaansho

m l

/dh ld gabaddan-aysnaan.

0

gabaddano

m dh

Dhaxan badan oo dabayl wadata; dayradhaaf.

0

gabaddanoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Gabadano dareemid.

0

gabaddanood

m f l

Eeg: gabadanoo

0

gabadh

m dh (-bdho, m.l)

Eeg: gabar²

0

gabaggabee

f g2 (-beeyay, -beysay)

Wax gabagabo ku samayn. ld gebagebee.

0

gabaggabeyn

m f dh

ld gebaggebeyn.

0

gabaggabeysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax la gabagabeeyay ahaansho. ld gebagge- beysan.

0

gabaggabeysnaan

m f dh

ld gabaggabeysnaansho, gebaggebeysnaan.

0

gabaggabeysnaansho

m l

/dh ld gabagga-beysnaan.

0

gabaggabo

m dh

1. Dhacweyn. 2. Dhameystirka lagu sameeyo hawl, arrin iwm. ld gebaggebo.

0

gabal

m l

Eeg: gobol

0

gaban

m l (-nno, m.dh)

1. Inan yar. 2. Deero yar oo lab ah. 3. G. ah: wax tiro yar. ld gibin¹, gifin¹.

0

gabar

m l

Midab madow oo iduhu dhabarka ku yeeshaan.

0

gąbar

f g

) Cid wax khayaanid. 2. (f.lg) Wax badan meel isugu keenid.

0

gabareymaanyo

m dh

Nafley la rumeysan-yahay inay badda ku nooshahay, taasoo qaarka sarana ka ah gabar qaarka dambena mallay.

0

gabarnimo

m dh

Gabar ahaansho.

0

gabarraale

m l

Nooc kalluunka ka mid ah.

0

gabas

m l

1. Nooc warmaha waaweyn ka mid ah. 2. Hanti.

0

gabax

m l kh

Meel bannaan oo dabayl iyo dhaxan badan.

0

gabaxle

m l

Roob biyo yar oo aan biyo dhig lahayn, muddo dheerna da'a.

0

gabay

m l (-yo, m.dh)

Nooc maansada ka mid ah oo leh qaafiyad, luuq iwm oo aan muusig loo tumin.

0

gabayaa

m l

Eeg: gabyaa

0

gabaye

m l (-yayaal, m.l/dh)

Meel hadba waqti go'an oo lagu heshiiyey ay ganacsatadu wax ku kala iibsadaan; carwo.gabid

0

gabayoox

m l

Eeg: gabaayoox

0

gabayre

m l

1. Meel dhaxan badan oo aan gabbaad lahayn. 2. Dhaxan badan. ld gabaayoox, gabayoox.

0

gabaysii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Ka g.: qof gabay ku beerid.

0

gabaysiin

m f dh

Eeg: gabaysii

0

gabbaad

m l (-do, m.dh)

Wax, wax kale looga gabbado.

0

gabbaadsasho

m f dh

ld gabbaadsi.

0

gabbaadsi

m l

Eeg: gabbaadsasho

0

gabbaadso

f g3 (-saday, -satay)

ka g.: wax gabbaad ka dhigasho.

0

gabbaan

m l kh

G. ah: neef aan caano badan lahayn.

0

gabbaannimo

m dh

Gabbaan ahaansho. ld gibbaannimo.

0

gabbaati

m l

Hanti yar oo laga bixiyo gabar la guursanayo oo yaradka ka horreeya.

0

gabbaatiyid

m f dh

Eeg: gabbaati²

0

gabbad

m dh (-dyo, m.dh)

Xantoobo.

0

gabbal

m l

Qorrax sii dhaceysa.

0

gabbalday

m l

Eeg: gabbaldaye

0

gabbaldaye

m l

Geed-gaab la beero oo leh caleemo balballaaran iyo ubax wareegsan oo hurud ah oo hadba meesha qorraxdu ka jirto u jeesta oo laga miiro mirihiisa saliid. ld gabbalday.

0

gabbaldhac

m l

Waqti qorraxdu sii dhacayso iftiinkeeduna gabaabsi yahay. ld gabbaldhicid.

0

gabbaldhacsad

m l

Eeg: gabbaldhacsasho

0

gabbaldhacsasho

m f dh

egg gabbaldhacso. ld gabbaldhacsad, gabbaldhacsi.

0

gabbaldhacsi

m l

Eeg: gabbaldhacsasho

0

gabbaldhacso

f mg3 (-saday, -satay)

1. Ku g.: ilaa gabbal dhaca meel joogid. 2. U g.: wax samayntooda ilaa gabbaldhaca sugid.

0

gabbaldhici

f mg2 (-iyay, -isay)

U g.: ilaa qorraxdhaca wax meel ku hayn.

0

gabbaldhicid

m dh

Eeg: gabbaldhac

0

gabbaldhicin

m f dh

egg gabbaldhici.