0

garruuman

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Wax timihii laga xiiray ahaansho (qof). 2. Wax baarka sare laga jaray ahaansho.

0

garruumasho

m f dh

Eeg: garruumo²

0

garruumayn

m f dh

ld garruumays.

0

garruumays

m l

Eeg: garruumayn

0

garruumee

f g

2 (-meeyay, -meysay) Cid garruun la dhicid.

0

garruumid

m f dh

Eeg: garruun²

0

garruumo

m dh

Abaahi aan dhammaystirayn (geel).

0

garruun

m l (-nno,/-ummo, m.dh)

Bur weyn oo madax buuran leh.

0

garruunnaan

m f dh

ld garruunnaansho.

0

garruunnaansho

m l

/dh ld garruunaan.

0

garsaqaf

m l

Gar dhuuban oo daamanka ku dhan.

0

garsasho

m f dh

Eeg: garso

0

garsheegasho

m f dh

Eeg: garsheego

0

garsheego

f mg3 (-gtay, -gatay)

Cid in dhib lagu falay ka warramid.

0

garsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Cid wax ay ka cabanayso uga garaabid.

0

garsiin

m f dh

Eeg: garsii

0

garsoor

m l

1. Si aan eex lahayn oo wax loo xukumo; cadaalo. 2. ld garsoorid.

0

garsoore

m l (-rayaal, m.l/dh)

1. Nin sharci yaqaan ah oo u idman inuu dadka u garnaqo. 2. Ninka ciyaaraha kubbadda dhexdhexaadiya.

0

garsoorid

m f dh

ld garsoor¹ (2).

0

garsoornimo

m dh

1. Garsoore ahaansho. 2. (fk.) Si xaq u ah.

0

garsuge

m l (-gayaal, m.l/dh)

Nin xabsi ku jira oo aan xukunayn; rumaan.

0

garsurrayn

m f dh

Eeg: garsurree

0

garsurre

m l

Meel sare oo inta laga boodo gacmaha lagu qabsado oo xoog kor laysugu qaado taniyo inta meel astaysan garka laga soo surto.

0

garsurree

f mg2 (-reeyay, -raysay)

Garsurre sameyn.

0

garuddambays

m l

Eeg: guruddambays

0

garwaan

m dh

Ugaarsi.

0

garwaansad

m l

Eeg: garwaansasho

0

garwaansasho

m f dh

ld garwaansad.

0

garwaanso

f g3 (-saday, -satay)

Wax ugaarsasho.

0

garwaaqsad

m l

Eeg: garwaaqsasho

0

garwaaqsan

f g4 (-naa, -nayd)

Wax, dhibaato, arrin, iwm in ay jiraan xusuusan ahaansho.

0

garwaaqsanaan

m f dh

ld garwaaqsanaansho.

0

garwaaqsanaansho

m l

/dh ld garwaaqsanaan.

0

garwaaqsasho

m f dh

ld garwaaqsad, garwaaqsi.

0

garwaaqsi

m l

Eeg: garwaaqsasho

0

garwaaqsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Cid in ay wax garwaaqsato gayeysiin.

0

garwaaqsiin

m f dh

Eeg: garwaaqsii

0

garwaaqso

f g3 (-saday, -satay)

Arrin, dhibaato, iwm in ay dhaceen xusuusnaan.

0

garwaax

m l

Jeex harag ah, megdeysan, dacallada farqo ku leh la garwaaxeedsado oo dhallinyaradu ku shirtagaan.

0

garwaaxaysad

m l

Eeg: garwaaxeedsasho

0

garwaaxaysasho

m dh

Eeg: garwaaxeedsasho

0

garwaaxaysi

m l

Eeg: garwaaxeedsasho

0

garwaaxayso

f g3 (-stay, -satay)

Eeg: garwaaxeedso

0

garwaaxeed

m l

Qaab maro, harag, iwm oo la dhuubay oo si gudub ah loogu xiro sararta hal gacan iyo degta gacanta kale.

0

garwaaxeedsad

m l

Eeg: garwaaxeedsasho

0

garwaaxeedsasho

m f dh

ld garwaaxaysad, garwaaxaysasho, garwaaxaysi.

0

garwaaxeedsi

m l

Eeg: garwaaxeedsasho

0

garwaaxeedso

f g3 (-saday, -satay)

1. Maro, harag oo la dhuubay si gudub ah sararta hal gacan iyo degta gacanta kale. 2. Qof fadhiya, jilbaha iyo dhabarka maro isagu xirasho. ld garwaaxayso, garwaaxiidso.

0

garwaaxiidsad

m l

Eeg: garwaaxeedsasho

0

garwaaxiidsasho

m dh

Eeg: garwaaxeedsasho

0

garwaaxiidso

f g3 (-saday, -satay)

Eeg: garwaaxeedso

0

garwadneed

m l (-dyo, m.dh)

(c.nafl) Dhuun dhiigga ugu weyn ee laga helo lafdhabarleyda sare, kaas oo ka qaada dhiigga ogsajiinta leh wadnaha dhinaca caloolyarada bidix.

0

garwate

m l (-tayaal, m.l/dh)

Qof, cid dacwo u qaba; muddaci, eedeeye.

0

garweyn

m dh (-nno, m.dh)

Qalab bir ah oo af fiiqan iyo af ballaaran leh oo dhexda daab qori ah ku leh oo dhulka lagu qodo.

0

garxiir

m l

Nin weyn oo aan gar lahayn.

0

garxir

m l

Eeg: garraar

0

garxirasho

m f dh

Eeg: garxiro

0

garxiro

f g3 (-rtay, -ratay)

Guntiino iwm dacalladeeda sare ee degta ku beegan isku xirid.

0

garyaqaan

m l (-nno, m.dh)

1. Nin xeerarka iyo dhaqammada bulshada ku xeeldheer. 2. Qof sharciga dawliga ah aqoon u leh.

0

gas

m l

/dh.u Timo ama dhogor dheer oo aan la daryeellin. ld gasaas.

0

gas-xidid

m l (-dyo, m.dh)

Kor ka bax hal unugley ah oo dhuumaysan oo ka soo baxa dubka sare ee unugga xididka. Waxa uu leeyahay derbi dhuuban oo had iyo jeer deris la ah carrada. Tiro badan oo gas xidid ah ayaa ka baxa dub duleedka, marka uu xididku sii dheeraadana waxa baaba'a gas xididka gaboobey waxaana soo baxa mid cusub.

0

gasaaro

m dh

Noocyada lo'da jaad ka mid ah oo gaagaaban, caal aan lahayn, lehna geeso yaryar iyo caano badan.

0

gasaas

m dh (-syo, m.dh)

Eeg: gas

0

gasangas

m dh

Geed gaab leh laamo jilicsan oo faalala iyo bari weyn oo dharka lagu mayrto.

0

gasar

m l

Cudur ku dhaca xiriirta lafdhabarta oo qaarka sare isku jajabiya oo dadka tuur u yeela; faje.

0

gasariir

m dh (-rro, m.dh)

Ceeb weyn.

0

gąsariir

m l

1. Abaar daran. 2. Turriinsho la'aan; naxdiin la'aan. ld geseriir¹.

0

gąsariirid

m f dh

ąsariir². ld geseriirid.

0

gasayar

m dh

Bilaha dayaxa tooda siddeedaad oo soonqaadka ka horraysa; shacbaan.

0

gasayn

m f dh

Eeg: gasee

0

gasaysan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax gaso la geliyay ahaansho (xoolo).

0

gasaysasho

m f dh

Eeg: gasayso

0

gasaysnaan

m f dh

ld gasaysnaansho.

0

gasaysnaansho

m l

/dh ld gasaysnaan.

0

gasayso

f g3 (-stay, -satay)

Xoolo gaso ku xaraysasho.

0

gasee

f g2 (-seeyay, -sesay)

Xoolo gaso gelin.

0

gash

m l

Eeg: gesh

0

gashaan

m l (-nno, m.dh)

Nin, naag uusan qabin ula dhaqmo sida ooridiisii.

0

gashaanti

m dh (-iyo, m.l)

Gabar da' ahaan u bisil aqalgal ama aroos. ld gashaan² (2).

0

gashaantinnimo

m dh

Gashaanti ahaansho.

0

gashad

m f dh

Eeg: gasho

0

gashan

f g4 (-naa, -nayd)

Wax shay la fasilay ama la tolay xiran ahaansho.

0

gashanaan

m f dh

ld gashanaansho.

0

gashanaansho

m l

/dh ld gashanaan.

0

gashi

m l (-iyo, m.dh)

1. Shaati. 2. Qaan; mag.

0

gąshiisho

m dh

Galley shiidan oo la kariyey; soor. ld geshiisho.

0

gashin

m l

Eeg: geshin

0

gasho

f g

/lg3 (-shaday, -shatay) 1. (f.g) Wax la fasilay xirasho. 2. (f.g) Wax la tolay xirasho (kabo iwm). 3. (f.lg) Wax gudihiisa, wax ku ridasho. Tus. “Jeebka lacagta gasho”.

0

gasiimasho

m dh

Eeg: gesiimasho

0

gasiimo

f g3 (-iintay, -iimatay)

Eeg: gesiimo

0

gąsiin

m l

Cunto; calaf; dheef; dhuuni. ld gesiin.

0

gąsiir

m l

Eeg: gesiir

0

gaso

m dh (-ooyin, m.l)

1. Raarta xerada xoolaha. 2. Xera xoolad. 3. Meel siman, dhir badan leh, biyabaxo ah oo buuro u dhow.

0

gastiriite

m dh (daaw.)

Halamacoodka xuubka daboola caloosha gudaheeda.

0

gaw

m dh

1. Isku g.: isku jin ah, isku jaan go'an. 2. (sh.r) ld gawsii. G. ka sii: cod lagu muujiyo wax tumidda. ld gow.

0

gąw

m l (-wyo, m.dh)

1. Jar dheer; qar. 2. Weel afkiisa sare. ld go(ø)w.

0

gawaad

m l (-dyo, m.dh)

Nin, rag iyo haweenka isu geeya; rufiyaan.

0

gawaadad

m dh (-do, m.l)

Haweeney, rag iyo naago isu geysa.

0

gawaadid

m f dh

Eeg: gawaad²

0

gawaami

f g2 (-iyay, -isay)

Ku g.: wax dhul ku dhufasho. ld gawaani.