Words starting with 'G'
2,724 Somali words beginning with 'G' — page 17 of 28.
gembisnaan
ld gambisnaan, gambisnaansho, gembis-naansho.
gembisnaansho
/dh ld gembisnaan.
gembiyid
ld gambi¹, gambin, gambis, gambiyid, gembi¹, gembin.
gemboon
Wax afka loo rogay ahaansho.
gemboonaan
ld gemboonaansho.
gemboonaansho
/dh ld gemboonaan.
gendi
Diqsi weyn oo dhiigga dhuuqa oo laga helo Afrika kana tirsan qaybta “golossina” loo yaqaan “tsé-tsé” oo caarad dheer afka ku leh, maalintii ayuu naaslayda dhiigga ka dhuuqaa, waxayna u gudbiyaan deriskunool keena cudurka hurdada badan. ld gąndi.
geni
1. Lacag dahab ah oo Ingiriisku samayn jirey waayadii hore. 2. Lacag waraaq ah oo u dhiganta labaatan shilin. ld gini.
gennaansho
/dh ld gannaan.
gensasho
ld gansasho.
genso
Wax ka shakiyid ama qoonsasho. ld ganso.
gerbi
Naasley cunta xoolaha iyo dadka oo badi ahaan ku nool dalalka qabow.
gerger
1. Xoolo la siiyo qof tol ah oo baahan. 2. Wax sadaqo loo bixiyo; qurbaan.
gerhays
Khidmad laga siiyo geel la iibiyay qof la socda.
geri
1. Naasley ugaarta ka mid ah, laxaad weyn, Afrika laga helo, raamsata, luqunta iyo addimada u dheer, oo leh harag adag oo barbarro leh. 2. Ul yar oo u dhexeysa laanta digirta iyo balagga.
geribbaxan
Naag aan la qabin.
gerqaad
Wax hoggaamin.
gersur
Ciyaar qof meel sare oo uu gacmaha ku hayo garka la surto.
gersurasho
(2): Shax la degay si loo ciyaaro hog u banneyn. ld gersurid
geseriir
ąsariir¹.
geseriirid
ąsariirid.
gesh
Alaab; qalab. ld gash.
geshiinee
Ku g.: meel habeen ku dhixid marka safar dheer lagu jiro.
geshiino
Dhixidda safar meel habeen ku dhexo.
geshiisho
ąshiisho.
geshin
Ladnaan; baraaro. ld gashin, geshin.
gesiimasho
ld gasiimasho.
gesiimo
Cunto cunid. ld gasiimo.
gesiin
Cuntada dadka iyo duunyaduba quutaan. ld gąsiin.
gesiir
Xarig dun ah, si gaar ah loo sooho, cabbaadyo ama kuul yaryar midabo kala duwan leh lagu mardimeeyo oo haweenku dhexda ku xirtaan. ld gąsiir.
gesireeb
Geed weyn oo qodax iyo caleemo yaryar leh iyo salweyn oo xooggan.
gexgex
Cod lagu muujiyo qof lagu qoslayo si joogta ah.
gexgexlee
Si xoog leh u qoslid.
gey
Guur u qalmid.
geydhe
1. Nooc aqab ka mid ah. 2. Qurac iyo maraa mirohooda.
geyeysii
Cid dhibaato badid. ld gayeysii, geyoodsii.
geyeysiin
ld gayeysiin.
geyfan
U. g: hawl qabashadeed, wax u diyaar ah ahaansho.
geyfanaansho
/dh eeg geyfnaansho. ld geyfnaan.
geyfanow
Wax hawl qabashadeeda u diyaar ah noqosho. ld geyfnow.
geyfnaan
ld geyfanaan, geyfanaansho, geyfnaansho.
geyfnaansho
/dh eeg geyfnow. ld geyfanaansho.
geygeysiin
ld gayeysiin, geyoodsiin.
geyi
Dhul; dal. ld gayi, giyi.
geylaami
Wax culus xoog u tuurid.
geylaamin
ld geylaamis.
geylaan
Timo aad u dheer sida kuwa fardaha guudkooda ka baxa.
geyllan
1. Dadaal badan muujin. 2. Si daran u dagaallamid.
geyngeyn
1. Midab lo'da iyo riyaha oo ah midabbo badan oo isku dhafan, meel loo raacana aan lahayn. 2. Baro uskag ah.
geyoo
1. Heer ama si la isgaarsiiyo. 2. Ka g.: dhaqan xun sameyntiisa ka waantoobid. ld gayoo.
geyow
Ka g.: fal dhameystirkiisa awood u waayid.
geyr
Caro badan.
geyrasho
ld geyrad.
geyre
1. Dabeyl qabow oo soo dhacda galabnimada xilliga xagaaga. 2. Neecaw udgoon, muddo yar socota, oo galab-nimada wakhtiga kulaylaha ka timaadda xagga badda.
geyro
Caro muujin.
geyso
/lg3 (-stay, -satay) 1. Wax meel ku sugan meel kale dhigasho. 2. Cid wax gaarsiin. 3. Cid waxtarid.
gibil
Haragga ama maqaarka sare ee dadka iyo xoolaha.
gibil-biyood
Dhammaan biyaha dunida, kuwaas oo ka soocan oogada dhulka, iyo gibilka.
gibilcad
Dadka midibkiisu cad yahay.
gibillo
Daruuro badan oo biyeysan
gibilmadoobaad
Raadka ka muuqda oogada nafley ee ay ku reebto murugo, jirro iwm. ld gibilmadoobaansho.
gibilmadoobaansho
/dh eeg gibilmadoobow. ld gibilmadoobaad.
gibilmadoobow
Wax gibilmadoobaad ku dhacay noqosho.
gibilmadow
Dadka midabkiisu madow yahay.
gibilxeer
Xarig aad u dheer la isticmaalo in geel korkiis rar oo dhan ku xirayo.

