gacalso
Qof gacal ka dhigasho.
gacaltooyo
Is jeclaan iyo is qaddarin dad ka dhexeysa. ld gacalo (2).
gacan
ka goobada ee xoodan halka bar ee xodka.
gacan-adag
Wax, waxbixinta ku adagtahay ahaansho (qof); bakhayl; muudal, dhabcaal.
gacan-adayg
Bakhaylnimo.
gacan-adkaan
ld gacan-adkaansho
gacan-adkaansho
/dh eeg gacan-adkow. ld gacan-adkanaan.
gacan-adkow
Ku g.: wax hanti ku bakhaylay noqosho (qof).
gacandhaaf
1. Faragelinta idan la'aan lagu sameeyo wax qof kale leeyahay. 2. ld gacandhaaf.
gacandhaafid
ld gacandhaaf¹ (2).
gacandhiib
Qof laga dhintay waxa la siiyo.
gacandur
Mudidda xididdada dhiigga celiya midkood (aroore).
gacangal
1. Dhibaato la kulmid. 2. U g.: qof cadow ah ka xoog badan oo aan u tureyn gacantiisa gelid.
gacangeli
1. Cid dhibaato dhaxalsiin. 2. U g.: cid kale oo cadow ah gacantooda gelin.
gacangelin
ld gacangelis.
gacanhaadi
1. U g.: cid gacan u lulid ayadoo salaan loola jeedo. 2. U g.: cid gacan u lulid iyadoo la wacayo.
gacanhaadin
ld gacanhaadis.
gacanhelid
Qof kaalmo u fidiyid.
gacanjiiddo
Cad hilib ah oo yaalla lafdhabarka, misigta korkeeda.
gacankudhiigle
Qof dambi dil ahi ku cad yahay.
gacankutaagle
Nin keligii tashade ah oo aan garqaadan.
gacanqaad
1. Dagaal yar oo gacan la adeegsanayo. 2. Salaan kalgacaltooyo. 3. Siin; waxbixin. 4. ld gacanqaadid.
gacanqaadid
ld gacanqaad¹ (4).
gacanqabasho
ld gacanqabad.
gacanqabo
Cid taageerid.
gacanqabsasho
ld gacanqabsad, gacanqabsi (4).
gacanqabsi
1. Ul ama wax la mid ah oo marka la socdo gacanta lagu qaato. 2. Lacag yar oo lagama maarmaanka lagu iibsado. 3. Lacag yar oo ganacsi lagu bilaabo. 4. ld gacanqabasho.
gacanqabso
1. Faa'iido badan helid. 2. Nin, gabar uu guursaday oo aan ciddeedu dhisin kaxaysasho.
gacansaar
1. Iib qiimaha la bixinayo marka wax la kala gato. 2. Xiriir saaxiibnimo oo dhex mara laba qof ama ka badan. 3. G. ah: lacag caddaan ah oo wax lagu kala iibsado. 4. ld gacansaarid.
gacansaarid
ld gacansaar¹ (4).
gacansarree
Ka g.: wax ka lib keenid.
gacansayr
1. Diidmo. 2. ld gacansayrid.
gacansayrid
ld gacansayr¹ (2).
gacansiin
Gargaaridda, caawinidda.
gacantogaalee
1. Wax durugsan laacid. 2. Ammaano loo dhiibtay ku takrifalid (qof). 3. Hanti si tashiil la'aan ah u isticmaalid.
gacantogaaleyn
ld gacantogaale, gacantogaaleys.
gacantogaaleysasho
ld gacantogaalaysad, gacanto-gaaleysi.
gacantogaaleyso
1. Wax durugsan laacid. 2. Ammaano loo dhiibtay ku takrifalasho (qof).
gacanyare
Kaaliye; hoosjiooge.
gacayr
Geed yar oo laamo jilicsan oo la cuno leh.
gacmadheere
Geed faalala oo leh bari wayn oo xooluhu ku harraadbeelaan.
gacmagelis
Harag, shiraac, balaastig iwm oo gacmaha la gashado.
gacmagooye
Nooc geed oo saaqe ah.
gacnabar
Farabar.
gacnagube
Geed faalala oo geedaha kale isku maro, leh laamo caleemo leh, oo dhecaankiisu jirka guba.
gacnootis
Jiididda qof keligiis ah dowlis labada gacmood ku soo jiido; Nintoocsi.
gad
1. Badeeco lacag ku beddelid. 2. Wax tirid. Tus. “Roob baa raadkii gaday.” 3. Weyso burin.
gadaafee
Cid gardareysasho.
gadaafeyn
ld gadaafays.
gadaafo
Dulmi, gardarro.
gadaal
Docda dhabarka ku aaddan; xagga dambe; dib.
gadaala-aqoon
1. Aqoonta xooluhu u leeyihiin kudmada (awr). 2. Kasmo iyo aqoon u lahaasho xubnaha taranka: isutaggooda iyo sida caruurta loo dhalo ama u dhalato. ld gaadala-aqoon.
gadaalabbar
1. Barashada, qaabka iyo xeeladaha kudmada. 2. ld gadaalabbarid.
gadaalabbarid
ld gadaalabbar¹ (2).
gadaale
s. Dib xiga; gadaaleeya.
gadaalkagaar
Qof dhawaan meherad, balwad iwm bilaabay oo aan waaya-aragnimo u lahayn. ld gadaalmagaar.
gadaalo
1. Waayo dambe. 2. Xubnaha taranka ee dhaddigga.
gadaaman
Wax gadaan loo yeelay ahaansho.
gadaamanaan
ld gadaamanaansho.
gadaamanaansho
/dh ld gadaamanaan.
gadaan
1. Saabka weelasha qaarkiisa kore. 2. Qoriga ku wareegsan saabka fooddiisa sare.
gadaawe
Nooc kalluunka badda ka mid ah. ld geddawe.
gadabad
Nooc badda kalluunka ka mid ah.
gadaf
1. Wax qaab wareegsan leh. 2. Wax lagu qariyo wax kale. ld gedef¹.
gadangatee
Aayar u socosho.
gadangato
Socod aayar loo soconayo ayadoo hadba cabbaar loo nasanayo socodka.
gadawaar
Cirku marka uu qaawan yahay oo uusan daruur lahayn.
gadawaarid
gaggabis
gaddi
/2 (-iyay, -diday/-isay; -iyi) ld geddi².
gaddisnaansho
/dh ld geddisnaan.

