0

gondaqabsad

m l

Eeg: gondaqabasho

0

gondaqabso

f mg3 (-saday, -satay)

Eeg: gondaqabo

0

gondo

m l

1. Cago; lugo. 2. Dhowaan; ag. 3. eeg gommod.

0

gondol

f g1 (-olay, -oshay)

Wax dumin ama baabi'in.

0

gondolid

m f dh

Eeg: gondol

0

gonfi

m dh

Bir adag oo dhuuban oo sida godinta daab qori ah leh oo ceelasha; xabaalaha iwm lagu qodo.

0

gongomi

f g2 (-iyay, -isay)

Hoor yar oo weel salki ku haray shubid.

0

gongomin

m f dh

Eeg: gongomi

0

gongon

m l

Hoor yar oo weel salkiisa ku haray; goror.

0

gongonsad

m l

Eeg: gongonsasho

0

gongonsasho

m f dh

ld gongonsad, gongonsi.

0

gongonsi

m l

Eeg: gongonsasho

0

gongonso

f g3 (-stay, -satay)

Hoore yar oo weel salkiisa ku jira ka shubasho

0

gonle

m l

Gammuunka aan loogu tala gelin in fallaar la geliyo. Waa lagu toogasho bartaa; kab-genka.

0

goo

f g

/mg2 (-ooyay, -oysay) 1. (f.g) Wax jarid. 2. (f.g) Xaajo go'aan ka gaarid. 3. (f.g)Qaraabo saaxiib iwm xiriir u jarid. 4. (f.mg) Ka g.: tiro mid kale ka jarid (xisaab). 5. (f.mg) Ka g.: ilmo nuugmo ka joojin. 6. (f.mg) Ka g.: wax, wax kale ka leexin. 7. (f.mg) Ka g.: cid dambi ay gashay kajeebid. 8. (f.mg) Ku g.: meel wax ku xannibid. 9. (f.mg) Ku g.: hadal iwm xad gaar ah kujoojin. 10. (f.mg) La g.: wax ka baxsasho. 11. (f.mg) U g.: cida ballan kaga bixid.

0

goob

m l

1. Si wadajir ah oo wax loo qabto (beer). 2. Meesha badarka lagu ururiyo marka beerta laga soo jaro.

0

goob-milixeed

m l (-dyo, m.dh)

(juqr.) God, hore ay ugu jireen biyo, kaas oo tuullimaad cusbo ah looga tegay uumi baxa biyaha ku dhacay awgiis.

0

goob-waqtiyeed

m l (-dyo, m.dh)

(juqr.) Waqtiga bar kasta oo dhulka dushiisa ah kaasoo laga xisaabiyo booska qorraxda.

0

goobaab

f g1 (-bay, -btay)

Xarriiq wareegsan samayn. ld koobaab².

0

goobaaban

f mg4 (-bnaa, -bnayd)

Wax la goobaabay ahaansho. ld koobaaban.

0

goobaabasho

m f dh

ld koobaabasho.

0

goobaabid

m f dh

ld koobaabid.

0

goobaabin

m dh

Eeg: goobaab¹

0

goobaabnaan

m f dh

ld goobaabnaansho, koobaabnaan, koo-baabnaansho.

0

goobaabnaansho

m l

/dh ld goobaabnaan.

0

goobaabo

f g3 (-btay, -batay)

Goobaab samaysasho. ld koobaabo.

0

goobaal

m l

/dh (-layaal, m.l/dh) Raadinta wax maqan la raadiyo.

0

goobada-aartig

m dh (juqr.)

Xarriq marta loolka 66° 32' ee woqooyi oo badanaa loo qaato 66° 30'.

0

goobada-antaartig

m dh (juqr.)

Xariiqda marta loolka 66°32' ee koonfureed oo badanaa loo qaato 66° 30'

0

goobali

m l

Dheddig curad ah oo aan rimmanayn.

0

goobare

m l kh

Nin aan markaa naag qabin waxse horay u soo guursaday.

0

goobasho

m f dh

Eeg: goobo²

0

goobataal

m l

Agagaarka meel la degganyahay.

0

goobayn

m f dh

Eeg: goobee

0

goobdumis

m l kh

G. ah: qof ciyaaraha dhabqiya ama fadqalaleeya.

0

goobee

f g2 (-beeyay, -baysay)

Wax goob-goob ka dhigid.

0

goobi

f g2 (-iyay, -isay)

La g.: beer shaqadeeda u duulid.

0

goobid

m f dh

ld goobis.

0

goobin

m f dh

Eeg: goobi

0

goobis

m dh

Eeg: goobid

0

goobjoog

m l

Qof dhacdo markay dhacday ogaa.

0

goobo

f g

/mg3 (-btay, -batay) 1. (f.g) Wax lumay ama maqan raadsasho. 2. (f.mg) Ku g.: cid si wada jir ah wax u yeelid

0

goobo-hale

m l

/dh (-layaal, m.l/dh) (xis.) Goobo ama kubbad leh gacan dhererkiisu le'egyahay hal halbeeg.

0

goobxaarad

m l

Eeg: goobxaarasho

0

goobxaarasho

m f dh

ld goobxaarad.

0

goobxaaro

f g3 (-raday, -ratay)

U g.: hawl wax ka qabashadeed isu diyaarin.

0

goobyaal

f mg1 (-yiil, -tiil; -aalli)

Warwareegid iyado wax la sugayo.

0

goobyaalid

m f dh

Eeg: goobyaal²

0

goocaac

f mg1 (-cay, -cday)

Meel dan la'aan u yuururid.

0

goocaacid

m f dh

Eeg: goocaac

0

good

m l (-dad, m.l)

1. Halaq midab guduud-xigeen iyo sun halis ah leh oo madaxa ka madow. 2. Nin ku caanbaxay ciyaar gaar ah.

0

gǫod

m l (-dad, m.l)

Maro; dhar; go'.

0

goodaaddo

m dh

1. Xammaarato qorratada u eg laakiin ka weyn, oo sun halis ah leh oo jilfaha iyo godadka gasha. 2. Laandheyr; siriq.

0

goodali

m l (-iyaal, m.dh)

Tol meyta xusaaya fadhiga uu jilib jilib u kala fadhiisto.

0

goodari

m l

Eeg: joodari

0

goodasho

m f dh

Eeg: goodo

0

gooddi

m l

1. Haddidaad. 2. (-iyo, m.dh) Dacal; dhinac.

0

gooddin

m dh

Eeg: gooddiyid

0

gooddiyid

m f dh

ld gooddin.

0

goodile

m l (-layaal, ml/dh)

Joodari; furaash.

0

goodir

m l

1. Ugaar weyn oo leh geeso dhaadheer oo marooqsan iyo diillimo dhinacyada kaga yaal. 2. G.ah: midab madow-xigeen ah oo geelu yeesho.

0

goodircad

m l

Midab geel oo ah madow caddaan ku badan yahay

0

goodirmadow

m l

Midab geel oo ah caddaan madow ku badanyahay

0

goodo

f mg3 (-ootay, -oodatay)

Roob da'aya soo dhowaasho.

0

goof

f mg1 (-fay, -ftay)

Wax, waxtarkiisi gabay noqosho (beer, ceel iwm).gooni¹

0

goofaadhi

f g2 (-iyay, -isay)

Ubad xoolaad candho aan caano ku jirin nuugid. ld goofaari.

0

goofaadhiyid

m f dh

ld goofaarin.

0

goofaari

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: goofaadhi

0

goofaarin

m dh

Eeg: goofaadhiyid

0

goofid

m f dh

Eeg: goof²

0

goofood

m l

Nooc libaax badeedka ka mid ah.

0

googgaa

e d

Erey la sheegayo markaas googgaale la bandhiggi rabo.

0

googgaale

m l

Halxiraale da'yartu isku maaweeliso, oo ay isku xujeeyaan sheegidda macnaha sarbeebta ah.

0

googgaaleysad

m l

Eeg: googgaaleysasho

0

googgaaleysasho

m f dh

ld googgaaleysad, googgaaleysi.

0

googgaaleysi

m l

Eeg: googgaaleysasho

0

googgaaleyso

f mg3 (-stay, -satay)

Googaa-leysi ciyaarid.

0

googgarad

m dh (-do, m.l)

Maro hoosaad duluc leh dheer oo dumarku qaarka dambe ku xirtaan. ld gorgorad.

0

googgaradayn

m f dh

Eeg: googgaradee

0

googgaradee

f g2 (-deeyay, -daysay)

Googgarad ka dhigid (maro).

0

googgo'

f mg1 (-'ay, -'day)

Cad cad noqosho (wax).

0

googgo'an

f mg4 (-'naa, -'nayd)

Wax cad cad u kala qeybsamay ahaansho.

0

googgo'id

m f dh

'².

0

googgo'naan

m f dh

'an. ld googgo'naansho.

0

googgo'naansho

m l

/dh ld googgo'naan.

0

googgoo

f g

/mg2 (-gooyay, -goysay) 1. (f.g) Wax cad-cad ka dhigid. 2. (f.mg) Wax ka dhuumasho.

0

googgoos

m l

G. ah: harag lagu naqshadeeyay midibbo kala soocan. ld goosgoos (3).

0

googgoosad

m l

Eeg: googgoosasho

0

googgoosasho

m f dh

ld googgoosad.

0

googgooso

f g

/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax qaybo u jarjarasho. 2. (f.mg) Cid hadal la qeybsasho.

0

googgoyn

m f dh

Eeg: googgoo

0

gooh

f mg1 (-hay, -hday)

1. Neef geel ah ololid. 2. Cataabid.

0

goohid

m f dh

Eeg: gooh²

0

gooji

f mg2 (-iyay, -isay)

Sayn kor u qaadid (geel).

0

goojin

m f dh

ld goojis, goojo.

0

goojis

m l

Eeg: goojin

0

goojo

m dh

Kor u qaaddidda saynta uu kor u qaado dheddig geel oo rimman. ld goojin.

0

gǫojo

m dh

Dawo hoore ah oo dhibic-dhibic afka looga qaato.

0

gool

m l (-lal, m.l)

1. Ciyaarta godadowga afar xabbadood oo isku god ku jira. 2. Awr buuran. 3. Waraaqaha maraakiibta iyo dayaaradaha ay u adeegsadaan safarra-dooda.

0

gǫol

m l (-lal, m.l)

Ciyaaraha kubbadda dhibcaha lagu tartamayo oo middood la helo.