Words starting with 'G'
2,724 Somali words beginning with 'G' — page 27 of 28.
gurubso
Wax meel daadsan mid mid u qaadasho.
guruddambays
Wiil ama gabar hooyo ku dhalmaddeysay oo wax ay dhasho ugu dambaysa. ld garuddambays.
guruf
Qolofta qaraha marka buruqda laga cuno.
gurumo
G. ah: ri' geeso gaagaaban.
guruuructan
Gunuunuc is waydaarasho.
gurux
1. Isha inteeda kuusan ee baararka ka hooseysa. 2. Dhaqdhaqaaqa isha.
gurxamid
².
gurxan
Cod gaar ah oo nafleyda qaarkeed samayso oo badanaa ku lug leh guhaad ama wax doon (libaax, ey, iwm).
gurxasho
ld gurxad.
gurxo
Sal ku socosho (curyaan).
guryamid
ld duryamid.
guryan
Hadal badan oo aan murti lahayn. ld duryan¹.
guryannoqo
Xero laga soo guurey u noqosho (xoolo).
guryonnoqosho
ld guryannoqod.
gus
Xubinta taranka ee ragga.
gusoore
1. Bartamaha guga. 2. Bar-waaqo. ld gu'soore.
guubaabi
Cid inay wax ku tallaabsato ku boorin.
guubaabin
ld guu-baabo.
guubaabo
Hadal loo jeediyo cid la rabo inay arrin ku tallaabsato. ld guubaabin.
guube
Xuub weyn xab ka buuxo oo ka soo horreeya ilmaha dhalashadiisa (geel). ld gube.
guubi
Hal dhalaysa guube keenid
guubin
ld guubis.
guud
1. Aan gaar ahayn. 2. Timaha dheer oo fardaha iwm surkooda, dhinaca kore, ku yaal. 3. Timaha weyn oo madaxa oo dadka deysto. 4. Wax kor u dheer, madaxa ugu korreeya; kore; sare; baar.
guudaan
Geel guudaan haya ahaansho.
guudadley
Qof dumar ah oo guudad leh.
guudey
Sagaarada weyn ee dheddig.
guudfuulid
ld guudfuul¹.
guudlihi
Magac guud oo ay wadaagaan haweenka iyo farduhu.
guudmarid
ld guudmar¹.
guugguule
Shimbir cidiisu “guu-guu” tahay; dhoor buu leeyahay; hud'hud.
guul
Dagaalka ama tartanka oo lagu adkaado; lib; libin; liibaan.
guulaamee
Daruuro badan oo biyeysan cirka heehaabid.
guulaamo
1. Daruuro waaweyn oo biyeysan, madow oo cirka maaxa. 2. Qiiq si xoog leh isu qabsaday. ld guuleeto.
guulallow
Welwel iyo cabsi ku dhasha qofka marka uu ka baqayo dhibaato ku soo fool leh.
guulallowsan
Wax guulallow hayo ahaansho (qof).
guulallowsanaan
ld gulallowsanaansho.
guulallowsanaansho
/dh ld guulallowsanaan.
guulan
Wax isu ururay oo gadaal u gurtay noqosho.
guulato
Naag aan sarriig lahayn oo martidu ku soo dhiirran aqalkeeda.
guuldarraysad
guurti
guuldarraysasho
ld guuldarraysad, guuldarraysi.
guuldarrayso
Guuldarro la kulmid.
guuldarro
Ku fashilmidda dagaal, tartan iwm lagu fashilmo.
guuleysasho
ld guuleysad, guuleysi.
guuleyso
Lib helid.
guuli
Xoolo aroor ama wabax ah meel aan xeradeeda ahayn habeyn ku hoyn.
guulid
ld guul¹ (2).
guulin
ld guulis.
guulle
Ilaah; Eebbe.
guulwade
Mid ka mid ah ciidamada maleesiyada ummadda.
guumeys
Nin da' weyn oo aan weli guursan.
guumeysow
Gummeys noqosho (haweenay).
guumis
Rati qaalin ugubi ku curatay. ld guubis.
guun
/dh.kh Qof fil weyn oo aan da'du ka muuqan.
guunguun
Biito; nooc ciyaar caruureed.
guunso
Surta inteeda adag; gaws.
guunto
G. ah: neef dheddig oo wax rimiya waayey.
guuntoo
Neef dheddig, lab orgeeya waayid. ld guuntow.
guuntood
ld guuntoobid.
guur
1. Xiriir mideynaya nin iyo naag ayadoo wada noolaanshahooda lagu saleynayo heshiis sharciyeysan oo dammaanad u ah xaas inuu unkamo. 2. Meel la degganaa ka tegid (cid, reer, dad).
guurarraac
Bahal wahmi ah oo carruurta lagu cabsiiyo. ld reerguure-raac.
guurasocod
Socodka habeenkii la socdo; dheelmad.
guurayn
ld guurays, guureggelid.
guuraysii
Nafley habeen wadid. ld guureggeli.
guuraysiin
ld guureggelin.
guurdoon
1. Qof in uu guursado diyaar u ah. 2. Qof gaaray da'dii lagu guursan lahaa.
guure
Socodka habeenkii la socdo. ld guureggal¹.
guuree
Habeen socosho. ld guureggal².
guurgal
Gabar gaartay da'dii ay guri iyo nin ku hanan lahayd.
guuri
/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Aroos gelbin. 2. (f.g) Qoraal meel kala ku naqilid. 3. (f.mg) U g.: wiil ama gabar u aroosin.
guurid
ld guuris².
guurin
ld guuris¹.
guurow
Qayb ka mid ah maansada oo gabayga la miisaan ah.
guurre
Orod gaaban; rucle.

