Words starting with 'G'
2,724 Somali words beginning with 'G' — page 26 of 28.
guntiino
Maro ay haweenku xirtaan oo 4 yaardi ama ka badan ah.
guntin
1. eeg gunti. 2. In yar oo maro ama wax kale ah oo meel ku xiran. 3. Siriq.
guntin-dareen
(c.nafl.) Nud dareenwade isku cufan oo ka kooban unugyo jidh iyo xidhiidhiyo dareen wade oo had iyo jeer ku xidhan kiish ka samaysan nudo isku xidhayaal. Lafdhabarleyda badankeeda guntinta dareenwade waxa laga helaa dibadda habdhiska darenwadka dhexe. Waxa ka reebban guntin dareenwadaha salka ah ee maskaxda.
gunto
/mg3 (-taday, -tatay) 1. (f.g) Wax si loo xafido meel ku xirasho. 2. (f.mg) Maro sabarka ku xirasho. 3. (f.mg) U g.: hawl qabashadeeda isu diyaarin.
gunud
Xarig iwm guntin u yeelid.
gunuunuc
Hadal diidmo ku jirto hoos u dhihid. ld dunuunuc², gunuunus², gunuus².
gunuunucid
ld dunuunucid, gunuunsid, gunuusid.
gur
/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Geedo, timo iwm jarid. 2. (f.g) Wax meel yiil ka qaadid. 3. (f.g) Cunto digsi ku jirta ka bixin. 4. (f.g) Miro geed ku yaal ka goyn. 5. (f.g) War qof ka jiibin. 6. (f.mg) ld gųr².
gųr
1. Neef irmaanaa candhadiisa caano ka idlaasho. 7. Ceel biyo lahaa dawrid. ld gur² (6).
guraabbaas
1. Hadal badan oo aan murti lahayn oo qof carraysani ku hadlo. 2. ld guraabbaasid.
guraabbaasid
ld guraabbaas¹ (2).
guraanti
1. Geri dheddig oo weyn. 2. ld guraati.
guran
1. Wax aan caano lahayn ahaansho. 2. Wax aan biyo lahayn ahaansho. 3. Wax weelkay ku jireen laga saaray ahaansho (cunno).
gųran
Geel aan irmaanayn; horweyn.
guranyo
Geedka diirta marka uu laba dhegood dhaafo oo laanna uusan weli yeelan. ld gureeyo.
gurasho
ld gurad.
gurayo
Naag aan nasiib wanaagsanayn.
gurbi
Wax badan oo daadsan midba mar qaadid.
gurbood
Dhallaan; carruur.
gurdamid
ld gurdan¹.
gurdan
Fardo iwm gurdan samayn.
gurdanraac
G. ah: raacidda wax ordaya la raaco iyadoo aan la hubsan.
gurdowalaaq
Orgi aan gaarin da'dii uu riyaha ku rimin lahaa.
gurdowalaaqnimo
Gurdowalaaq ahaansho.
gure
1. Qarsin. 2. Fandhaal.
guree
Gaadiid guro u sameyn.
gureeyo
Geedka digirta marka uu laba dhegood dhaafo laamana uusan weli yeelan.
gurey
Nin gacanta bidixda uga isticmaal badan gacanta midigta.
gureyo
Naag gacanta bidixda uga isticmaal badan gacanta midigta.
gurgur
1. Aqal Soomaaliga inta aan qoriga iyo rarada ahayn. 2. Awr hayin.
gurgurshaa
Rati xoog leh, hayin ah oo gurgurka iyo maxasta la saaro. ld gurgurshe.
gurguurasho
ld gurguurad.
gurguuro
Gacmaha iyo lowyaha ku socosho (qof).
gurguurto
Cudur ummulaha ilmagaleenka kaga dhaca labada toddobaad oo u horreysa dhalmada.
guri
1. Nafley irmaan, maalid iyo nuugid ka dhaafid. 2. La g.: cid xumo wadda la sii wadid, si loo tuso waxyeelladeeda.
guri-kuhar
Dad iyo duunyo inta jilicsan oo aan ka fogaan karin guriga hareerahiisa.
guricas
Xero la degganaa oo markaas laga guurey.
gurid
ld gurniin.
gųrid
ųr². ld gųrniin.
guridambays
Carruur isku hooyo ah kan ugu dambeeya.
guridambaysnimo
Guridambays ahaansho.
guriggal
Laba qof oo isguursaday markii ugu horraysay si rasmi ah guri u wada gelid.
guriggee
Aroos aqalgeyn.
guriggelid
ld guriggal¹.
gurijoog
1. Haweeney aqalkeeda ka shaqaysa oo aan shaqo kale lahayn. 2. Xayawaanka dadka la nool, sida bisadda eeyga iwm.
gurisamaad
Degaan barwaaqo iyo nabad leh.
guriyow
G. ah: cudur guri noqday (nafley).
gurmad
1. G. ah: gargaar degdeg ah oo cid loo fidiyo. 2. G.ka booliska: koox ka mid ah booliska oo heegan u ah meeshii ay rabsho ka dhacdo. 3. Tababar ciidameed oo waajib ku ah dhallinta qaangaarka ah ee dal u dhashay. 4. ld gurmasho.
gurmaggo'an
Wax salka laga jaray ahaansho.
gurmaggo'naan
'an. ld gurmaggo'naansho.
gurmaggo'naansho
/dh ld gurmaggo'naan.
gurmaggoo
Geed iwm salka ka goyn.
gurmasho
ld gurmad (4).
gurmo
Cid gargaar degdeg ah u fidin.
gurnaan
ld gurnaansho.
gųrnaan
ųran². ld gųrnaansho.
gurnaansho
/dh ld gurnaan.
gųrnaansho
/dh ld gųrnaan.
gųrniin
ųrid.
guro
/mg3 (-rtay, -ratay) 1. (f.g) Wax meel yaal ka qaadasho. 2. (f.g) Miro geed ka goosasho. 3. (fg.) Cunto iwm weel ka baxsasho. 4. (f.mg) Kala g.: wax lagu tartamayey kala badin waayid. 5. (f.mg) Kala g.: waxyaalo isku dhex jiray kala saarid. 6. (f.mg) Kala g.: col is-hor fadhiya dib u kala qaadasho. 7. (f.mg) La g.: hadallo qadaf ah isdhaafsasho. 8. (f.mg) Dib u g.: si tartiib ah xeeladi ku jirto gadaal ugu noqosho.
gurood
Wadda yar; wadiiqo; diqdiq.
gurrac
Wax qalloocin.
gurracan
Wax la gurracay ahaansho.
gurracnaan
ld gurracnaansho.
gurracnaansho
/dh ld gurracnaan.
gurran
Qof adeegsiga gacanta bidix ku badsada ahaansho.
gurranaan
ld gurra-naansho.
gurranaansho
/dh ld gurranaan.
gurraysan
Ilmo yar wax niyadda laga dilay ahaansho.
gurraysnaan
ld gurraysnaansho.
gurraysnaansho
/dh ld gurraysnaan.
gurree
Ilmo yar niyadda laga dilay ahaansho.
gurro
Dhibaatada niyadda ka gaarta ilmo ay korisay naag aabbihii qabo.
gurso
Dheri dab saaran, dhul iwm dareere dhuuqid.
gurub
G. ah: digir yar oo ku harta beer la gurtay.
gurubsasho
ld gurub-sad, gurubsi.

