0

gudboonaan

m f dh

ld gudboonaansho.

0

gudboonaansho

m l

/dh ld gudboonaan.

0

gudcur

m l

1. Iftiin la'aan; mugdi. 2. Bisha dayaxa lagu tiriyo qaybteeda dambe; mugdi.

0

gudcuri

f g2 (-iyay, -isay)

Gudcur ka dhigid.

0

gudcurin

m f dh

ld gudcuris.

0

gudcuris

m l

Eeg: gudcurin

0

guddi

m l

/dh (-iyo, m.dh) 1. Dad loo xilsaaray inay ka arrimiyaan xaajo doodi ka taagantahay. 2. Dad loo xilsaaray inay socodsiiyaan maamul dawladeed, shirkadeed iwm.

0

guddoomi

f g2 (-iyay, -isay)

Guddoon ridid.

0

guddoomid

m f dh

Eeg: guddoon²

0

guddoomin

m f dh

ld guddoomis.

0

guddoomis

m l

Eeg: guddoomin

0

guddoomiye

m l (-yayaal, m.l)

Nin madax u ah guddi. ld guddoonshe.

0

guddoon

m l

1. Go'aan. 2. Maamul guddoomiye madax ka yahay.

0

guddoonsad

m l

Eeg: guddoonsasho

0

guddoonsasho

m f dh

ld guddoonsad, guddoonsi.

0

guddoonshe

m l

Eeg: guddoomiye

0

guddoonsi

m l

Eeg: guddoonsasho

0

guddoonsii

f lg2 (-iiyay, -iisay)

Cid wax u dhiibid.

0

guddoonsiin

m f dh

Eeg: guddoonsii

0

guddoonso

f g3 (-saday, -satay)

Arrin go'aan ka qaadasho.

0

gudgude

m l

Roob habeen da'a oo dhaqso dhul weyn maaruqa.

0

gudguduud

m l

1. Midab, midab guduud ahi meela dhowra kaga jiro. 2. Waabberi.

0

gudid

m f dh

ld gudaal, gudmo (2), gudniin.

0

gudimmo

m dh

(1).

0

gudin

m dh

(1).

0

gudmo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Waddo yar. 2. ld gudid.

0

gudnaan

m f dh

ld gudnaansho.

0

gudnaansho

m l

/dh ld gudnaan.

0

gudniin

m l

Eeg: gudid

0

gudniinka-ragga

m l (daaw.)

Buuryada wiilasha oo la gooyo sida badan waxa loo sameeyaa sabab diimeed ama caado, laakiin mararka qaarkood daweyn ayuu noqdaa.

0

gudo

m l fk

Wax mug leh dhexdiisa.

0

gudo-noqod-dhan

m l (fiis.)

Marka fallaadh ilays kaga dhacdo dusha dhextaal cufnaan obtikaad yar, xagal abbaar ka weyn xagal qirinqiirka, halkii ay uga gudbi lahayd dhextaalka cufnaanta yar ayay dib ugu soo noqotaa dhextaalka cufnaanta badan.

0

gudo-unug

m l u (baay.)

Unugga dhexdiisa, tusaale ahaan: waxqabadka insaymada badankoodu waxay ka dhacaan unugyada dhexdooda.

0

gudoodi

m l

1. Habeen gudihiis. 2. Guure; socod habeen.

0

gudow

m l

Xaflad la sameeyo marka carruurta la gudayo.

0

gudub

m l

1. Hab cayaarta waalada loo dheelo oo laba qof si isweydaar ah gacmaha isu dhaafsadaan. 2. Babac. 3. ld gudbid.

0

gudur

m l

1. Hilib jiir ah oo adag. 2. ld guduri. Nooc gorgorka ka mid ah oo leh qoor diiran iyo midab madow.

0

guduri

m l

(2).

0

guduud

m l kh

Midab dhiigga u eg.

0

guduudan

f mg4 (-dnaa, -dnayd)

Wax midab guduud ah leh ahaansho.

0

guduudane

m l

Bahal bisadda u eg kase weyn oo midab guduudan leh oo ariga cuna.

0

guduudasho

m f dh

Eeg: guduudo²

0

guduudi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax guduud ka dhigid.

0

guduudin

m f dh

Eeg: guduudi²

0

guduudnaan

m f dh

ld guduudnaansho.

0

guduudnaansho

m l

/dh ld guduudnaan.

0

guduudo

m dh

Nooc kalluunka ka mid ah. ld guduudow.

0

guduudow

m l

Eeg: guduudo¹

0

guduudshe

m l

Eeg: guduudi¹

0

guf

m l (-faf, m.l)

1. Cad yar oo maro ah weelasha haruubkooda lagu cufeyo. 2. Hambo. 3. Maro.

0

gufaaco

m dh (juqr.)

Gobol cadaadis gibilkiisu hooseeyo, oo kala ah laba nooc. Nooc wuxuu gaar u yahay loolalka cimiladoodu ay tahay meel dhexaadka; nooca kalena waxaa loo yaqaanaa gufaacada kulaaleyda. Labada nooc waa isu egyihiin, sababtoo ah labaduba waxay uga dhac aan galoob-badhka woqooyi si lid saacad wareeg ah, galoob-badhka koonfureedna si saacad wareg ah.

0

gufaacoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Dixiri sanqada geela gudaheeda ka abuurmo neef xoog leh uga soo saarid.

0

gufaacood

m f l

Eeg: gufaacoo

0

gufacaale

m l (-layaal, m.l/dh)

Roob badan oo dabayl xooggani waddo.

0

gufar

m l

Wax yar oo adag oo hoos uga degey hoore meel ku jira.

0

gufaysad

m l

Eeg: gufaysasho

0

gufaysasho

m f dh

ld gufaysad, gufaysi.

0

gufaysi

m l

Eeg: gufaysasho

0

gufayso

f g3 (-stay, -satay)

Meel daloosha guf ku cufaysasho.

0

gufee

f g2 (-feeyay, -feysay)

Meel guf gelin.

0

gufeyn

m f dh

ld cufayn, cufays, gufeys (2).

0

gufeys

m l (-syo, m.dh)

1. Xakab yar oo ka dambeeya xakabka horyaalka ah. 2. ld gufeyn.

0

gufeysan

f mg1 (-smay, -santay; -smid)

Wax la gufeeyey noqosho. ld cufaysan¹.

0

gufeysmid

m f dh

ld cufaysmid.

0

gufeysnaan

m f dh

ld cufaysnaan, cufaysnaansho, gufeys-naansho.

0

gufeysnaansho

m l

/dh ld gufeysnaan.

0

gufi

m dh

1. Jirrid xabaalan oo geed la jaray ka hartay. 2. Sabuul gallay oo mirihii laga finjilay.

0

gugac

f mg1 (-gcay, -gacday)

Eeg: guguc²

0

gugcid

m dh

Eeg: guguc²

0

guggumme

m l

Balal godadka duddumooginka gala oo addimo leh. ld gungume.

0

guggundhaw

m l

Koor hal carrab leh oo jalaqda ka weyn boodaantana ka yar oo geela loo xiro.

0

gugub

m l

Cunto yar oo weelka lagu karinayo salkiisa ku dhegta; gubnood.

0

guguc

f mg1 (-gcay, -gucday; -gci)

Onkod sameyn. ld gugac².

0

gugunto

m dh

Guunto; orgeysguur.

0

guguntoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Neef dheddig oo tabsan abaahi waayid.

0

guguntood

m f l

Eeg: guguntoo

0

guhaad

m dh

1. Baxaalli; dabci. 2. Caro, xanaaq.

0

guhaadi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Qof ka caraysiin. 2. Qof guubaabin.

0

guhaadin

m f dh

ld guhaadis.

0

guhaadis

m l

Eeg: guhaadin

0

guho

m dh

1. Foolxumo. 2. Laabad; goolad.

0

gujee

f g2 (-eeyay, -eysay)

Gujo ku dhufasho (candho xoolaad). ld guji.

0

gujeyn

m f dh

ld gujeys, gujin, gujis (2).

0

gujeys

m l

Eeg: gujeyn

0

gujeysad

m l

Eeg: gujeysasho

0

gujeysasho

m f dh

ld gujeysad, gujeysi.

0

gujeysi

m l

Guro awr hoosin u yeelasho. ld gujeysasho.

0

gujeyso

f mg3 (-stay, -satay)

1. Neef caano yar, caano ka raadsasho. 2. Candho maran caano ka raadsasho

0

guji

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: gujee

0

gujin

m dh

Eeg: gujeyn

0

gujis

m l (-syo, m.dh)

1. Markab dagaal oo quusa. 2. ld gujeyn.

0

gujo

m dh

Gacanta oo duuban oo xoog loogu dhufto candho neef irmaan si loo maalo.

0

gulaal

m l

1. G. ah: awr aan doobbada soo ridi karin; gorayciil; doobbogoray. 2. G. ah: nin aan codkar ahayn. 3. ld gulaalid.

0

gulaalan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

1. Wax doobbo ka soo dhici weyday ahaansho (awr). 2. Wax iin lug ku leh ahaansho (neef geel).

0

gulaalid

m f dh

ld gulaal¹ (3).

0

gulaalmid

m f dh

Eeg: gulaalan¹

0

gulaalnaan

m f dh

ld gulaalnaansho.

0

gulaalnaansho

m l

/dh ld gulaalnaan.

0

gulaan

m l

1. Geedgaab caleemo dhanaan, daranta la bah ah, oo geelu daaqo. 2. Neef ama qof hagaas noqday oo korriimadii ka xumaatay.

0

gulfi

f g1 (-iyay, -isay)

1. Ciidan dagaal gelin. 2. Orod aan xawli lahayn ordid.