Words starting with 'G'
2,724 Somali words beginning with 'G' — page 23 of 28.
goroyakaxaaris
Gubtahanyo. ld goroyoxaaris.
goroyo
Haadda dunida ku nool midda ugu weyn, aan duulin, sur dheer oo aan dhogor lahayn, baalal qurxoon leh oo hilibkeeda la cuno.
goroyoxaaris
/dh ld goroyakaxaaris.
gorros
Madax hoos u laalaadin (ido).
gorrosid
ld gorros¹ (2).
gorse
1. Miskiin. 2. Neef xoolo ah oo looga tagay jirro ama duqnimo awgeed.
goryaan-u-eke
(c.nafl.) Nooc gooryaanka ka mid ah oo labada afba dhiigga ku dhuuqa. Waxa laga helaa waddamada cimilada kulul, biyaha iyo dhulka qoyan dhexdooda. Qaar ka mid ah waxay dhiigga ka dhuqaan xoolaha iyo dadkaba qaniinyaduna waxay sameysa cuncun mararna caabuq ama infekshin.
goshongol
Geedgaab faalala oo leh bari weyn oo dharka lagu dhaqdo waxna lagu daaweeyo.
goso
Maroodi dheddig. ld qalanjo.
gosol
Wiyil dheddig.
gotin
Meel godan oo biyuhu fariistaan.
gǫw
ąw.
gowdi
Wax aad u raadin.
gowlac
Geed-nagaar yar oo laba bariyood leh (lax iyo wan) oo la cuno.
gowlallo
Geed-quwaax leh dheecaan kharaar oo khadka laga sameysto iyo asal fiican. ld gawlallo.
gowle
Ciyaar jaan iyo or leh oo badanaa haweenku ciyaaraan. 2. Guuxa libaaxa.
gowr
Xubinta taranka haweenka.
gowrac
1. Biraynta xoolaha la qalanayo la bireeyo si hilibkoodu u xalaaloobo. 2. ld gowricid.
gowracan
Wax la gowracay ahaansho.
gowracato
1. Cudur faraha lugaha ku dhaca oo nabarro u yeela. 2. Fin hunguriga ka soo baxo oo badanaa loo dhinto. 3. Geed yar oo leh laamo buurbuuran oo aroorro leh.
gowracnaan
ld gowracnaansho.
gowracnaansho
/dh ld gowracnaan.
gowraco
Neef gowrac ku xalaalaysasho.
gowre
Dabayl qabow oo soo dhacda galabnimada iyo habeennimada xilliga xagaaga.
gowricid
ld gowrac¹ (2).
gowriir
Dul g.: wax ku qandoodsasho; wax ku kor foorarso. ld gowriirso.
gowriirid
ld gowiir¹ (2), gowriirsad, gowriirsasho, gowriirsi.
gows
(c.nafl.) Ilkaha qofka, iligga 6aad, 7aad iyo 8aad oo dhinac walba ee saamanka waxaa la yiraahda gows.
gows-haysasho
ld gows-haysad.
gows-hayso
1. Arrin aan la jeclayn, ka hadalkeed, iska ilaalin, ka aammusid. 2. Ka g.: qof dįiddan ahaansho.
gows-horaad
Ilka gowska ka hormaraya.
gowsdambeed
Gowsaha gowska ugu dambeeya.
gowsdheero
Gows inta debca wax yar kor u soo baxa oo dabadeed wax lala calalin waayo: takhtar yaqaan oo baxsha haddaan loo helin xooluhu waa ku dhibtoodaan.
gowti
Tuur; fiiq.
goxod
Nooc caws yar ka mid ah. ld guxud.
goyn
ld goys, goysmo.
gu'
1. Afarta nur oo sanadu u qeybsanto midkood: wuxuu u dhexeeyaa diraacda (jiilaal) iyo xagaaga, waana xilli roob. 2. 12-bilood; sano.
gu'rin
Neef dheddig oo gu'ga uurowday.
gu'yaal-jire
Dhir jiri karta ama noolaan karta sannada badan oo dhali karta ama aan dhalin sannadka hore.
gub
Dab ku dhejin, qabadsiin.
gubaas
Budo madow oo dhiilaha ama haamaha la culay marka la catireeyo ka soo daata.
gubad
1. ld gubato. Dhul dab geedihii sare ka dhammeeyey. 2. Dab. 3. ld gubasho.
guban
Dhul-xeebeed, kulul, aan geedo lahayn, cusboole ah oo ku dhereran badda-cas.
gubasho
Falgal kimikaad ee walaxi si dhakhso ah ula falgasho ogsijiin, maxsuulkuna noqdo kul iyo ileys. Falgallada noocaani, badanaaba waa silsiladda falgallada xidiidshaha xorta ah.
gubato
1. Cudur lo'da ku dhaca oo haragga ka guba. 2. ld gubad (1).
gube
1. Maddane. 2. ld guube.
gubid
ld gubis, gubniin.
gubnaan
ld gubnaansho.
gubnaansho
/dh ld gubnaan.
gubnood
Cunta la karinayo inta weelka salkiisa ku dhegta;gugub, qolof.
gubo
1. Dab ku waxyeelloobid. 2. Kulayl dareemid. 3. Ka g.: waxyeello cid loo geestay ka xanaaqid.
gubtahanyo
Geed saar dhirta daawada leh ka mid ah oo dhirta kale isku mara, lehna xaad iyo xajiin aad u daran. ld gubtaanyo.
gubte
Waxyaaba dhaqso u holca.
gubungub
Nooc cawska ka mid ah oo leh fiid xanaf leh oo laga dhigto kashkaash, weelashana lagu deebiyo. ld gubaangub.
gucaad
G. ah: nafley socodka ku gaabisa.
gucaadnimo
Gucaad ahaansho.guddoonso
gucle
Orod gaaban. ld rucle.
guclee
Orod gaaban ordid.
gucleyn
ld gucleys.
gucummaale
1. Libaax lab oo aad u weyn. 2. G. ah: nafley aad u dhogor leh.
gucun
1. Duub yar oo caw, argeeg, qabo iwm oo weelasha la tolayo meerisyada kor iyo hoos laga mariyo. 2. Gas yar oo ku hara weelasha la tolo oo laga jaro inta aan la xoolayn. 3. Cad dun ah.
gud
/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Cid buuryo ka goyn. 2. (f.g) Deyn bixin. 3. (f.mg) Habeen socosho. 4. (f.mg) Ku g.: haweenay daba gurid.
gudaal
/dh Socod habeenkii la socdo; guure. ld gudid.
gudaggal
Hawl iwm u gondadegid.
gudan
Wax la guday ahaansho.
gudban
1. Xiddig u dhexeysa bayaxawda iyo libcasta. 2. Naag madax adag.
gudbanaan
ld gudbanaansho.
gudbanaansho
/dh ld gudbanaan.
gudbe
G. ah: fal wax qabadkii u tallaabo wax kale ama yeele iyo layeele u baahan. Tus. “Cali baa aqalkii dhisay”.
gudbi
/lg2 (-iyay, -isay) G./u g.: wax, wax kale dhaafin.
gudbid
ld gudub¹ (3).
gudbin
ld gudbis (3).
Gudbin-danabeed
(mdh.): maritaanka saldanab dhexmaro walax (gudbiye), marka ay badad danab saamayso walaxdaasi.
gudbin-firfircoon
Socodka walxahu ay kaga gudbiyaan xuubabka unugyo nool, inta badan wuxuu ka soo horjeedaa ribnaanta tiro: waa dariiqad u baahan tamar dheefsasho.
gudbin-gudbiye-milme
Isbedelka kiimikaad ee ka dhasha saldanab danabeed oo la dhexmariyey hoorar gudbiye ah (gudbiye-milmeyaal).
gudbis
1. Meydhaan. 2. Nooc legdinta ka mid ah oo qofka xagga dambe la isu dhaafiyo. 3. ld gudbin.
gudbitaan-danabeed
Rogaalka caabbitaanka (lammaanaha caabbiga P) ee walax. Waxa lagu cabbiraa saymen (S) halkii
gudbitaan-kul
Cabbirka kartida ay walaxi ku gudbiso kul.
gudbiye
(c.nafl) Noole, sida badan cayayaan oo ka qaada deriskunoole qof oo u gudbiya qof kale sidaas darteed ay cudur u keenaan. Sida kaneecadu u tahay gudbiyaha duumada, filaariyasiga iyo qandho dillaanta.
gudboon
1. Wax habboon ahaansho. 2. Wax wax kale la siman ahaansho. Tus. “Marka la joogo ùgarasboorama Xamar iyo Kismaayo waa g.yihiin.”

