Words starting with 'G'
2,724 Somali words beginning with 'G' — page 11 of 28.
garaysasho
ld garaysad, garaysi.
garayso
1. (f.g) Wax, inuu garyahay qirid. 2. (f.mg) Garays xirasho. 3. (f.mg) Garraar xirasho.
garbab
Cudur lo'da garbaha kaga dhaca. ld garbaggarbow.
garbabbeel
1. Dhaawac gaara garbaha gaadiidka la rarto. 2. ld garbabbeelid.
garbabbeelid
ld garbabbeel¹ (2).gardhalad
garbacad
1. Shilin cudurro badan xoolaha u keenta oo korka ku leh baro caddaan ah. 2. ld curdaalo. Roob bilow ah cordaalo.
garbadduub
G. u qabo/g. u xir: qabashada cid gacmaha gadaal loo qabto ama loo xiro. ld gardadduub¹.
garbadduuban
Cid gacmaheeda gadaal qabasho ahaansho. ld gardadduuban.
garbadduubid
ld gardadduubid.
garbadduubnaan
ld garbadduubnaansho, gardadduub-naan, gardadduub-naansho.
garbadhac
Kala rayn waayidda ay kala rayn waayaan laba qof oo legdemaaya.
garbadheere
Biicid lab oo aan weyneyn.
garbadhicid
(2).
garbaggale
Shaati. ld garbaggashi.
garbaggoroyo
Dhirta faleenka, shalabowga, waabaayada leh dadka ka shaqaysta. ld garabgoroyo.
garbarraar
Bayd faal, oo manjaha iyo tan ka sarreysa min hal ka ah, madaxa iyo tan ka hoosaysana min labo.
garbasaar
/dh (-rro, m.dh/-ro, m.l) Maro jilicsan oo haweenku kor ka qaataan.
garbasaarasho
ld garbasaarad.
garbasaaro
Garbasaar isku dadid.
garbi
Geed cadaadka u eg kase weyn.
garbin
ld garbis.
garbixi
Arrin la isku hayo cid kala doodid.
garbo
Xiddigaha dallaallida u horreeya oo u dhexeeya dirirka iyo bayaxawda.
garcadde
Bariid ama baasto aan sanuunad ama suugo lahayn oo caano ama iidaan kale lagu daray. ld gaarcadde.
garcasho
ld garcad, garcid.
garceesaan
1. Geed boqoshaaga u eg oo badanaaba dundumooyinka ka baxa. 2. Magac loogu yeero qof leh gar dhuubansida midka ceesaanka.
garci
Haweeney meher la'aan uurayn.
garcin
ld garcis.
garco
Meher la'aan uuraysasho. ld garac².
garcuneed
Gar ka baxay cunaha hoostiisa.
gardaad
Xabad; gaaddo; laab.
gardaadi
Si loo xambaaro, ilmo afartan beri jirey lugaha u kala bixin; bannaanbixin.
gardaadin
ld gardaadis.
gardadduubnaan
naan.
gardadduubnaansho
/dh ld garbad-duubnaan.
gardaran
Wax gardarro falay ahaansho.
gardarnaan
ld gardarnaansho.
gardarnaansho
/dh ld gardarnaan.
gardarraysasho
ld gardarraysad, gardarraysi.
gardarrayso
Cid gardarro ku samayn.
gardarro
Xumaan aan la mutaysan oo qof, qof kale ku sameeyo; gef; gaboodfal. ld gardarri.
gardarroo
Ku g.: waxaan gar ahayn qof ku samayn.
gardhalad
Bil bilatay kaddib markay u buuxsameen soddon beri bishii ka horreysay.
gardho
1. Dhogorta geela markaa dhasha. 2. G. ah: timo jilicsan.
gardi
Weel xoola lagu maalo. ld gerdi.
gardiid
1. G. ah: qof aan garta qaadan in lala garramana oggolayn. 2. Rati aan oggolayn in la hoggaamiyo. 3. Neef qof uu yaqaan mooyee qof kala uusan lisi karin.
garduub
Mayrada halka ay ka baxdo buruq macaan oo ku jirta oo la cuno.
gareed
Midabka fiilka iyo caddaanka u dhexeeya.
gareen
Nooc kalluunka badda ka mid ah oo af dubba ah leh.
garfaad
Libaax badeedka jaad ka mid ah ooleh oogo xaleefsan oo u eg shimbir duulaya iyo dabo sida xarig yar u dhuuban.
garfeer
Shanlo yar oo badanaa garka lagu feero.
gargaar
1. Kaalmo wax ku ool ah oo dhaqso leh. 2. G.ka degdegga ah: kalkaalo caafimaadka dhaqsaha leh oo loo galo qofka jirradu ku soo booddo ama shil ku dhaawacma. ld gargaarsimo, gergaar¹.
gargaar-degdeg
Habab takhtareed oo la adeegsado marxaladaha lama filaanka ah dhakhsana u baahan si loogu gargaaro qof dhaawacmay ama buka inta an isbitalka la jiifin.
gargaarid
ld gergaarid.
gargaarsasho
ld gargaarsad.
gargaarso
Cid gargaar ka doonid.
gargeer
/dh ld gargoor.
gargelyo
Garawsashada cid xumaan laga galay la garawsado iyadoo loo hoyanayo.
gargelyoo
U g.: cid xumaan laga galay u hoysasho si loo raali geliyo.
gargeyr
Duqow; guurti.
gargoo
U g.: laba qof ama ka badan oo wax isku haysta dhexdhexaadin.
gargoor
/dh Nooc ka mid ah cawska biyaha ka dhex baxa oo dado aqallada; naqdac. ld gargeer, gargoof.
gargoorre
1. Nooc kalluunka ka mid ah. 2. Magac meel ku yaal Iskushuban u dhow.
gargooyo
Dhexdhexaadinta la dhexdhexaadiyo laba qof oo gar isku haysta.
gargudbi
Webi, war, haro iwm labadooda dhan isaga gudbin.
gargudbin
egg gargudbi. ld gargudbis.
gargudub
Webi, haro, war iwm labadeeda dacal isaga gudbid.
garhay
Awr hoggaamin; dad ama wax kale hogaamin.
garhel
Qof dacwo uga rayn.
gariir
1. Dhaxan ama jirro oo jirku la ruxdo. 2. ld gallayr. 3. ld gariirid.
gariir-cabire
Aalad lagu kaydiyo naxdinta dhulgariirka.

