0

gedef

m l

1. ld gadaf². 2. Maro yar oo uu madaxa ku xirto ugaarsaduhu.

0

gedfan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: gadfan

0

gedfanaan

m dh

Eeg: gadfanaan

0

gedfanaansho

m l

/dh ld gadfanaan.

0

gedfid

m dh

Eeg: gadfid

0

gedgeddi

f g1

/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Wax hadba dhinac u rogid. 2. Badeeco ganacsi ku sameyn. 3. Eray fal ah rogrogid. ld gadgaddi.

0

gedgeddin

m dh

Eeg: gedgeddiyid

0

gedgeddis

m l

Eeg: gedgeddiyid

0

gedgeddiyid

m f dh

ld gadgaddin, gadgaddis, gadgaddiyid, gedgeddin.

0

gedgeddoomid

m f dh

ld gadgaddoomid, gadgaddoon¹, gedged-doon¹.

0

gedgeddoon

m l

Isrogrogidda wax hadba dhinac isu rogaan. ld gedgeddoomid.

0

gediir

m l

Eeg: gadiir

0

gedmad

m l

Eeg: gadmasho

0

gedmasho

m f dh

ld gedmed.

0

gedmi

f g2 (-iyay, -isay)

Tiro, xisaab iwm cid ka khaldid.

0

gedmin

m f dh

ld gedmis.

0

gedmis

m l

Eeg: gedmin

0

gedmisan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax gadmaday ahaansho.

0

gedmisanaan

m f dh

ld gedmisanaansho.

0

gedmisanaansho

m l

/dh ld gedmisanaan.

0

gedmo

f mg3 (-maday, -matay)

Tiro, xisaab iwm khaldamid.

0

gedo

m l kh

G. ah: isku fil ah. ld ged (2).

0

gedood

m l

Eeg: gadood¹

0

gedoodid

m dh

Eeg: gadoodid

0

gedoodsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: gadoodsan

0

gedoodsanaan

m dh

Eeg: gadoodsanaan

0

gedoodsanaansho

m l

/dh ld gadoodsanaan.

0

gedow

m l

Eeg: gadow

0

gee

f g

/mg2 (-eeyay, -eysay) 1. (f.g) Wax meel yiil ama joogay meel kale gaarsiin. 2. (f.mg) Isu g.: laba wax ama ka badan isku darid.

0

geed

m l (-do, m.l)

Nooc dhirta ah oo leh jirrid oo iskeed isu taagi karta iyo laamo leh oo dhulka ka kacsan.

0

geed-abaareed

m l

Dhirta inteeda had iyo jeer cagaarka ah.

0

geed-abow

m l

Durbaan. ld geed-awow.

0

geed-adari

m l

Dhir cuntada lagu daro si ay udgoon ama kulayl u siiso.

0

geed-adayg

m l

1. Geed jirrid adag leh oo ayan birtu sahal u karin; geedlab. 2. G. ah: qof dhibaatada u adkaysta.

0

geed-awow

m l

Eeg: geed-abow

0

geed-dhallaan

m l

Geed dhirta la baaseysto ka mid ah oo caruurta lagu daaweeyo, lana aaminsanyahay in la gooyo cawaweerka.

0

geed-hindi

m l

Geed dheer, xididdo dhaadheer, hoos weyn oo aan xooluhu daaqin; mirimiri.

0

geed-hoosaad

m l u

Geedaha intooda aan bixidda dheere yeelan.

0

geed-lab

m l (-byo, m.dh)

Geed-adayg.

0

geed-qaaqle

m l u

Dhirta inteeda sunta leh.

0

geedaggable

m l

Cayayaan duula, qolof adag, oo cuna qoryaha iyo alwaaxda.

0

geedaggoo

f mg2 (-gooyay, -goysay)

1. Wax sixrid. 2. Laamo u jarid, si ay u daaqaan caleenta ku taal (xoolo).

0

geedaggoosasho

m f dh

ld geedaggoosi.

0

geedaggoosi

m l

Eeg: geedaggoosasho

0

geedaggooso

f mg3 (-stay, -satay)

1. Sixir ama faal wax dheefsi awgeed u samayn. 2. U g.: xoolo, laamo caleen leh u jarasho.

0

geedaggooyn

m f dh

ld geedaggoys.

0

geedaggooyo

m dh

Aqoonta loo leeyahay sida geedaha wax loogu sixro ama loogu daweeyo.

0

geedaggoys

m l

1. Qof yaqaan sida geedaha la isugu daweeyo ama la isugu sixro. 2. ld geedaggoyn.

0

geedakaris

m l

1. Aqoonta isku daridda iyo diyaarinta geedaha laysku daweeyo. 2. Qof yaqaan geedekariska.

0

geedamaal

m l u

Dhirta faleenka, shalabowga, waabaayada leh dadka ka shaqaysta. ld geedmaal.

0

geedaqor

m l

/dh Xallfato. ld geedqor, geedqorid.

0

geedaqorid

m dh

Habka loo farsameeyo geedaha.

0

geedatiris

m dh

Nooc daayeerka ka mid ah, aad u yaryar, leh dhego dhaadheer iyo dabo dheer oo buul badan oo geedaha dushooda kora; kore.

0

geedbaal

m l

Geed faalala oo dhirta laysku daaweeyo.

0

geedbiciid

m l

Geed ka mid ah dhirta laysku daaweeyo.

0

geeddan

m l

Col yar oo ka dambeeya colka weyn oo loogu taloggalo inuu celiyo cadowga gadaal ka imanaya; raacdareeb.

0

geeddee

f g2 (-deeyay, -deysay)

Eeg: geeddiggeli

0

geeddeyn

m dh

Eeg: geddiggelin

0

geeddeys

m l

Eeg: geeddiggelin

0

geeddi

m l

1. Socod meel la degganaa lagaga guuro oo meel ka durugsan laga dego. 2. Dad iyo xoolo guuraya oo aan weli degin. 3. Fogaan gelin socod ah. 4. Xarig dhuuban oo hal mar raro la mariyo. 5. Duub xirig ah, dhuuban oo rarada lagu sameeyo.

0

geeddiggeli

f g2 (-iyay, -isay)

Cid geeddi ah wadid.; guurin.

0

geeddiggelin

m f dh

ld geeddiggelis, geeddeyn, geeddeys.

0

geeddiggelis

m l

Eeg: geeddiggelin

0

geeddiyid

m f dh

Eeg: geeddi

0

geedee

f g2 (-deeyay, -deysay)

Cunto dhir udgoon ku darid.

0

geedeyn

m f dh

Eeg: geedee

0

geedeysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax dhir udgoon lagu daray ahaansho (cunto).

0

geedeysnaan

m f dh

ld geedeysnaansho.

0

geedeysnaansho

m l

/dh ld geedeysnaan.

0

geedgaab

m l u

Dhirta inteeda in yar dhulka ka kacsan ee aan hoos dadku harsan karo lahayn.

0

geedgoleed

m l

Sanduuq gaar ah oo shinnida lagu xannaaneeyo.

0

geedgool

m l (-llo, m.dh)

Geed weyn oo ku yaal meel geedgaab keliya leh.

0

geedjinni

m l

Nagaar weyn, leh caleemo balballaaran, miro kulkulucsan oo qodxo dusha ka leh, oo iniinihiisa lagu wareero marka la cuno.

0

geedmaal

m l

Eeg: geedamaal

0

geedmirood

m l u

Dhirta inteeda miraha uu dadku cuno leh.

0

geednugeyl

m l u

Geedaha intooda lafta jilicsan, abaarta u adkeysi yar ee si sahlan loo tallaali karo, mirihiisa dhaqso u bislaadaan.

0

geedo

m l u

1. Bari, xidid, caleen, qolof, dhacaan iwm oo dhir laga soo guray oo daawo ahaan loo isticmaalo. 2. Caleen, miro bari iwm oo dhirta qaarkeed laga soo guro oo cuntada lagu daro si dhadhan loogu yeelo. 3. eeg geed.

0

geedoobid

m f dh

Eeg: geedow

0

geedow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Wax geeda badan yeeshay noqosho (dhul).

0

geedqaad

m l

1. Geeda ka jaridda meel beer ah wax kale laga dhigayo. 2. G. ah: beer hal mar la geedqaaday. 3. ld geedqaadid. ld oodqaad¹.

0

geedqaadid

m f dh

ld geedqaad¹, oodqaadid.

0

geedqodxeed

m l u

Dhirta inta qodaxda leh.

0

geedqor

m l

Eeg: geedaqor

0

geedqorid

m dh

Eeg: geedaqor

0

geedquwaax

m l u

Geedka qasabka.

0

geedsaar

m l u

Dhirta inteeda aan keli u istaagi karin oo geedaha isku marta; saar; saaq.

0

geedsaraad

m l u

Geedaha intooda dhulka aad uga sara-kacda, oo aan saar ahayn.

0

geedxajiin

m l u

Dhirta inta xajiinta leh.

0

geedxamar

m l

Geed nagaar laamo jilicsan leh, udgoon oo lagu shiilo burcadka.

0

geegaali

m dh

Waabaayo aad u daran oo aan la kicin. ld geegali.

0

geegali

m dh

Eeg: geegaali

0

geel

m l u (-lal, m.dh)

Xoolaha la dhaqdo midka ugu weyn, wuxuu leeyahay hal ama labo kurus, addimo dhaadheer, cago balballaaran; gaal.

0

geel-ururugleeye

m l (-yayaal, m.l/dh)

Eeg: geeldhugeeye

0

geelcaacis

m dh

Farabbadan; dhurtaxanyo.

0

geeldhugeeye

m l

Xamaarato yar oo qallajista le'eg oo hadba midab isu yeesha; jirjirroole. ld geelrugeeye, geel-ururugleeye.

0

geeldooje

m l

1. Daruuro madmadow oo cokan oo muuqda badanaa marka roobku da'ayo. 2. Roob badan.

0

geelee

f g2 (-leeyay, -leysay)

Lo' subax maalid.

0

geeleeyo

m dh

Eeg: geeleyn

0

geeleyn

m f dh

ld geeleeyo.

0

geeljir

m l

Eeg: geeljire