galabso
Cid fal xun oo lagu sameeyey istaahilid.
galac
Waran af ballaaran oo birtiisu wada soofeysantahay.
galaclee
Wax iftiin badan oo indhaha dhibeya leh ahaansho.
galaktoos
Sonkor sahlan (C6 H12O6), taas oo dabeeci ahaan ka timaadda mid ka mid ah maxsuulka dheefshiidka insaymeed ee sonkor caanoodda laaktows, asal ahaanna waa xabag carbeed.
galangal
Dabayl qabow oo ka soo horreysa roobka; saxansaxo.
galangalcayn
ld galcad, galcasho.
galangalcee
Xamaarasho.
galangalco
1. Si leexleexasho oo wax xamaaranaya u socod. 2. Dabayl.
galangalcow
Cayil ama dhereg la socon waayid.
galasac
Caano dhaynimadii ka tegay welina aan suusac noqon.
galawkooma
Xaalad cudureed oo cadaadiska isha dhexdeeda uu aad u sarreeyo wuxuuna keeni karaa indhabeel.
galax
1. Caano dhay ah oo la qaboojiyey. 2. ld kalax.
galayax
Wax midabkiisu cad yahay.
galaykojiin
(kiim.) Boolisakarayd ka kooban bolimeer gulukows ah oo faracyo badan leh oo laga helo nudaha xayawaanka, gaar ahaan beerka iyo unugyada muruqyada. Waa kaydka muhiimka ah ee tamarta kaarboo- haydrayd ee unugyada xayawaanka, waxaanay u egtahay rucub xubuub ah oo saxarro yar ah.
galaysan
Wax gal ku jira ahaansho.
galaysnaan
ld galaysnaansho.
galaysnaansho
/dh ld galaysnaan.
galbeed
Dhanka qorraxdu u dhacdo; bogox, bugux.
galbeedi
Wax kastoo galbeed loo nisbeeyo.
galbi
1. Aroos aqalgeyn. 2. Cid meel aadeysa sagootin. ld gelbi.
galbin
ld galbis¹, gelbin, gelbis.
galbis
Ciyaar dumarka u gaar ah oo la cayaaro, sida buraanburka, munaasabadaha aroosyada.
galbo
1. Galab carraabid. 2. Tegid aan soo noqosho lahayn sameyn. 3. Aqalgelid (guur).
galcad
Xamaarad. ld galangalcayn.
galco
Xamaarasho. ld galangalcee.
galda'
Ku g.: cid si ba'an ugu goodiyid.
galdhacsasho
ld galdhacsad, galdhacsi.
galdhacso
Nafley sida mas, abeeso iwm xuubka sare ridid.
galdi'id
'.
gale
1. Cudur ku dhaca xubnaha taranka ee dadka, oo keena dhabar xanuun iyo dhalmo la'aan; jabto. 2. Dabayl xoog leh. 3. Gebi tog.
galee
1. Wax gal ku ridid. 2. Shax badin.
galgaal
1. Xiddig soo baxa, marka dirirku u dhowaado dayaxa. 2. Dheddig gool noqotay (xoolo).
galgaalbixin
Allabari loo sameeyo in looga hortago waxyeelo galgaal ka timid.
galgalasho
ld galangalasho, galangalad, galgalad.
galgalo
Dhulka oo la jiifo hadba dhan isu rogid. ld galangalo.
galiilyo
Walbahaar daran oo ka dhasha xaajo caloolyow leh.
galiilyoo
Walbahaar daran lahaansho.
gallad
Deeq; liibaan; abaal; mahad.
galladaysan
Wax gallad la kulmay ahaansho.
galladaysasho
ld galladaysad, galladaysi.
galladaysnaan
ld galladaysnaansho.
galladaysnaansho
/dh ld galladaysnaan.
galladayso
/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Cid abaal u gelid si abaalgud looga helo. 2. (f.mg) Ku g.: cid nimco weyn siin (Eebbe).
galladid
ld galladayn.
gallayr
Nooc haadda ka mid ah, la bah ah dafada, hilib cun ah, manjo iyo af guduudan leh oo loo adeegsan karo ugaarsiga iyo ilaalinta beeraha. ld gariir¹ (2).
gallayrrayn
ld gallayryayn.
gallayrree
Sida gallayr u qaylin. ld gallayryee.
galley
Geed ka mid ah dalagga la beerto oo leh caleemo balballaaran, dhaadheerna, wuxuuna dhalaa iniino badar oo la cuno lagana miiro saliid; arabbikhi.
galli
Dhagax adag oo aan si sahal ah loo jebin karin oo ceelasha salkooda ku jira.
galliin
U g.: Laba dhinac oo dhibaato dhextaalay heshiisiin; ergayn. ld gelliin².
galmo
1. Isu tegidda ragga iyo haweenka. 2. ld gelid.
galmoo
U g.: nin, naag u tegid.
galoobbar
Bardhul.
galoof
G. ah: ishkin dheddig oo aan irmaaneyn.
galoof-olol
1. Ololidda neef geel ah oo guran oo u olola sida neef irmaan oo ubad u xiranyahay. 2. ld galoof-ololid.
galoof-ololid
ld galoof-olol¹ (2).
galoofaad
Daal iyo dhibaata badan oo lagala kulmo socod dheer.
galoofaadi
Cid galoofaad gayeeysiin.
galoofaadid
ld galoofaadis².
galoofaadin
ld galoofaadis¹.
galoofid
ld galoofoobid.
galoofnimo
Galoof ahaansho.
galool
1. Geed weyn, qaydarka la bah ah, laf adag, mayrax adag iyo asal wanaagsan leh. 2. Duub wareegsan oo liifad, tubaako iwm ka sameysan. 3. Xidid hab gaar ah loo wareejiyay oo sagaarada lagu dabo.
galoolan
Wax la galoolay noqosho.
galoolnaan
ld galoolnaansho.
galoolnaansho
/dh ld galoolnaan.
galow
Labka fiinta.

