gamuuxnaan
ld gamuurnaan, gamuurnaansho, gamuux-naansho
gamuuxnaansho
/dh ld gamuuxnaan.gannad¹
gan
1. Dhogorta nafleyda oogadeeda ka baxda. 2. Farqaha dhan-hoosaadka dermada, kebedda iyo raarka. 3. Heer dhaqaale, bulsho ama siyaasad.
ganaax
Ciqaab maaliyadeed oo cid xeer jebisay lagu xukumo in ay bixiso.
ganaaxan
Wax la ganaaxay ahaansho.
ganaaxnaan
ld ganaaxnaansho.
ganaaxnaansho
/dh ld ganaaxnaan.
ganac
(c.nafl.) Xubin dhuuban oo ku taalla caloosha hoosteeda; waxay ka laallaaddaa oo dhacaankeeda ku shubtaa godanta (xiidmaha madaxdooda hore oo caloosha xiga).
ganacjaban
Wax raqiis ah ahaansho.
ganacjabnaan
ld ganacjabnaansho.
ganacjabnaansho
/dh ld ganacjabnaan.
ganacjebi
Badeeco qiimaheeda hoos u dhigid.
ganacsasho
ld ganacsad, ganacsi (2).
ganacsato
Dad meheraddooda tahay ganacsi.
ganacsi
1. Xirfad ku saleysan is dhaafsi badeeco, lacag iwm. 2. ld ganacsasho.
ganacso
Ka g.: ganacsi sameyn.
ganaf
Gafuur.
ganan
1. Wax la tuuray ahaansho. 2. Wax fallaari ku dhacday ahaansho. ld genan.
ganasho
ld genasho.
ganato
Dad ku nool ugaarsi.
gandaal
Harag laga bixiyo weylaha dhinta oo inta si gaar ah loo dhiso lagu godliyo sacii dhalay.
gandab
Nafley jirran, si tartiib ah socosho.
gandabi
Nafley jirran tartiib u socodsiin.
gandabin
ld gandabis.
gandabis
Daal iyo dhibaata badan oo lagala kulmo socod dheer. ld gandabin.
gandoobnaansho
/dh ld gantoobnaan.
gane
Bir, qori, iwm qaroofan oo wax la suro.
gangaamid
ld ganguumid.
gangaan
Wax si wacan u dhisid (aqal).
gangeeti
Nooc jaadka ka mid ah oo tuulada Gangeeti ka baxa.
ganguuman
Geed iwm wax jirridda laga jaray ahaansho.
ganguumnaan
ld ganguumnaansho.
ganguumnaansho
/dh ld ganguumnaan.
ganguun
Geed iwm jirridda ka jarid.
ganid
ld gamid, ganiin, gemid.
ganjabsan
Neef xoola ah wax jirro ka muuqata ahaansho.
ganjabsanaan
ld ganjabsanaansho.
ganjabsanaansho
/dh ld ganjabnaan.
ganjidh-tarmeed
(c.nafl.) Organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.
ganley
(c.nafl) Dir ka mid ah faylam hoosaadka siliyofaara; xubnaha dirkana noloshooda oo dhan waxay leeyihiin gan.
gannaan
ld gannaansho, gennaan, gennaansho.
gannaansho
/dh ld gannaan.
gannad
1. Cayayaan u eg gendiga oo xoolaha dhiigga ka nuugta ayadoo geela ku reebta cudurka dhukaanka. 2. Caatoobidda xoolaha siiba geela marka dhukaanka ku dhaco ama abaari hesho; jaynaf. 3. ld gannadid.
gannadid
ld gannad¹ (3).
gano
Ugaar fallaar ku dhufsasho. ld geno.
gantaal
1. Wax la ganay oo fallaar iwm. 2. Qalab ama hub halis ah oo meel fog wax ka dila. ld gentaal¹.
gantoob
1. Xijaab ka samaysan kebed ama dermo oo kala qaybiya aqal gudihiisa. 2. Wax la soo gaabshay; aan la dhammaystirin. ld gandoob¹.
gantooban
Wax gantoob loo yeelay ahaansho. ld gandooban.
gantoobid
ld gandoobid.
gantoobnaan
ld gandoobnaan, gandoobnaansho, gantoobnaansho.
gantoobnaansho
/dh ld gantoobnaan.
ganuun
1. Haruub yar oo xoolaha lagu maalo (ari). 2. Ceel, meel salkiisa ka mid ah oo biyo ka soo maaxdaan.
ganuuni
Haan, dhiil iwm haruub ku daboolid.
ganuunin
ld ganuunis.
ganuunsan
Wax ganuun loo yeelay ahaansho (haan, dhiil iwm).
ganuunsanaan
ld ganuunsanaansho.
ganuunsanaansho
/dh ld ganuunsanaan.
ganuunso
Ganuun u yeelasho.
gar
1. Timaha ka baxa dhabannada iyo daamanka ragga. 2. Halka ay isaga yimaadaan labada daan. 3. Garraarka haweenka guntintiisa. 4. Dhan, dhinac. 5. Xarig adag oo awrta lagu raro. 6. Wadnaha intiisa adag oo baruurta yeelata. ld ger.
gar-allee
“Gar-alle” ku helin.
garaabbiido
'aydo.
garaabbiidow
Garaabbiido qaadid (neef geel ah).
garaac
1. Ku dhufashada wax si xoog iyo noqnoqosho leh wax kale loogu dhufto. 2. Nuugid badan. 3. ld garaacid.
garaacan
Wax la garaacay ahaansho.
garaacid
ld garaac¹ (3), garaacis.
garaacnaan
ld garaac-naansho.
garaacnaansho
/dh ld garaacnaan.
garaad
Kartida maskaxdu u leedahay waxgarashada; caqli; dhug.
gąraad
Nin qolo madax u ah; ugaas; wabar.
garaadlaawe
Qof aan fahamsanayn xaaladda lagu suganyahay; aan lahayn garaad fiican.
garaadley
Duul ka tirsan naasleyda oo ay ka mid yihiin daayeerada iyo dadka.
garaadsasho
ld garaadaysasho, garaadsi.
garaadso
Da' wax lagu fahmi karo gaarid. ld garaadayso.
garaadxumaan
ld garaadxumaamsho, garaadxumi, garaadxumo.

