Words starting with 'G'
2,724 Somali words beginning with 'G' — page 19 of 28.
go'aamin
'aami.
go'aan
Guddoonsiga xaajo laga dooday meelmarinteeda la guddoon-sado.
go'aangaarid
Isku raacidda la isku raaco go'aan.
go'aansad
'aansasho.
go'aansasho
'aanso. ld go'aansad, go'aansi.
go'aansi
'aansasho.
go'aanso
Go'aan ka dhigasho.
go'an
Xilliga dayrta oo uu da'o roob badan ama yar.
go'doomayn
'doomin.
go'doomee
'doomi.
go'doomi
Cid meel ku xannibid. ld go'doomee.
go'doomid
'doon².
go'doomin
'doomi. ld go'doomayn.
go'doon
G. ah: xaalad cid geyaysiisa in uu meel ku xayirmo.
go'id
'². ld go'niin.
go'naan
'an. ld go'naansho.
go'naansho
/dh ld go'naan.
go'niin
'id.
gob
1. Qof dad la dhaqan wanaagsan oo asluub loo bogo leh. 2. G. ah: inta talada u haysa bulsho meel ku wada nool.
gobannimaddoon
1. Jabhad hubaysan oo u dagaallanta xurriyada gobol ama dal. 2. Qof ka tirsan jabhad.
gobannimo
1. Gob ahaansho. 2. Xurriyad, madaxbannaan. 3. ld gobnimo.
gobnimo
Gob ahaansho. ld gobannimo (3).
gobo'
1. Shay ka samaysan qori ama maqaar oo gammuunada lagu rito; gabooyo; qulux; qonox. 2. Dhibic.
gobo'layn
'lee.
gobo'lee
Hoore, dhibic-dhibic u dhicid.
gobo'maqaar
Gobaha maqaarka ka samaysan.
gobol
1. Qayb, cad. 2. Qaybaha dal u qaybsan yahay middood. ld gabal.
gobol-dabiici
(juqr.) Meel gudaha xuduuddeeda ay ka jiraan darajo sare ee mid ahaansho qaabeed, marka la bar-bar dhigayo meelo kale, ha ahaato xagga kala sarraynta, cimilada, degaanka, sidaas darteed ilaa xad mid ahaansho qaabeed ee xagga dhaqaaqa dadka.
gobol-kulaale-xige
(juqr.) Gobolka u dhexeeya kulaleyaasha iyo gobolka dhexdhexaadka ah. Wuu ka duwanyahay kulaaleyaasha wuxunna leeyahay xilliyo kala duwan oo ay ugu muhiimsanyihiin jiilaalka iyo xagaagu, cimiladuse guud ahaan way ka diirantahay gobolka dhexdhexaadka ah.
gobolaysasho
ld gobolaysad, gobolaysi.
gobolaysi
1. Xiriir kalgacayl oo ka dhexeeya dad isku gobol ah. 2. ld gobolaysasho.
gobolayso
Is g.: cid si gobolaysi ah u raacid.
gocasho
ld gocad, gocosho.
gocgoc
In yar oo hoore ah oo weel salkiisa ku haray.
goco
Dhacdo lahan-reeb ah dib u xusuusasho; tebid; garwaaqsasho.
gocoorre
Nooc kalluunka badda ka mid ah.
gocor
Qof aan waxtar ahayn.
gocoso
Bari yar oo dhulka laga qoto oo geedka xaynxayndhadu dhalo oo la cuno.
gocoyo
G. ah: weel tolliinkiisii la ebyey oo aan weli la xoolayn. ld gocoy.
god
1. (-dad, m.l) Dalool dheer oo hulan oo dhulka ka samysma ama laga sameeyey. 2. Siddeed iyo tobanka hogood ee dayaxa midkood.
god-dhurwaa
God dhurwaagu galo.
godadle
1. Nin naaga guursi badan oo xiisaalow ah. 2. Nin labo naag ama ka badan isku kol qaba.
godadow
Laylo ciyaarid.
godan
Wax la godey ahaansho.
godan-weyn
Dooxo ballaaran oo ku dhacda oogada dhulka. Dooxadaasi waxay fidsantahay fogaansho gaaraysa dhawr boqol oo mayl.
godane
Xeero weyn.
goddawoco
God dawadu gasho; booraandawoco.
godgal
Qof dhintay, habeenka ama maalinta ugu horreysa ee uu qabriga u hoydo.
godgoddo
Nooc libaax badeedka ka mid ah.
godin
1. ld godimmo, gudimmo, gudin. Qalab bir ah oo faaska ka yar oo leh daab gaaban oo qori ah oo geedaha lagu jaro. 2. Xiddigaha raqaha loo yaqaan kuwa ugu horreeya. 3. ld godan¹.
godkucarar
G. ah: dhurwaa iwm oo habeennimo ugaarsi ku daahay oo waagii ku baryey oo baryey oo godkiisii tiigaaya. ld godkuroor.
godkunoole
Kunoole god ama dhagax hoostii.
godlan
Wax godladay ahaansho.
godlanaan
ld godlanaansho.
godlanaansho
/dh ld godlanaan.
godlasho
ld godlad.
godlid
ld godlin, godol¹.
godlo
Neef irmaan godol keenid.
godnaan
ld godnaansho.
godnaansho
/dh ld godnaan.
godo
1. Meel ay doqowda talada gooysaa ku shiraan. 2. Godad yaryar oo shinnidu samayso oo ay malabka iyo ugaxda ay ku hoyiso. 3. Daliig yar oo daruur ah.
godob
Meel weyn oo godan oo dhinacyada ay ka xigaan duullayaal iyo taagag oo caws iyo geeda faalala ay ka baxaan oo jiilaalka la daaqo.
godobreed
gogol-ku-laab
godobsasho
ld godobsad, godobsi.
godobso
Cid godob ka gelid.
godobtir
Gabar la siiyo reer dad laga dilay si heshiis uga dhex dhasho; godobreeb.
gododootamid
ld godootamid.
godol
Neef irmaan si loo maalo candhada ka salaaxid. ld godli.
godootan
Ciyaarta godadowga ciyaarid.
godshinni
Godka shinnidu ku hoyato.
godwaa
Dibad.
gofe
Nooc ka mid ah gorgorka waaweyn.
gog
/mg1 (-gay, -gtay) 1. Wax is haysta, wax ka jarid. 2. Ka g.: Qaan horay loo qabay xoog cid uga godid.
gogan
Wax la gogay ahaansho.

