0

geeljire

m l u (-rayaal, m.l/dh)

Nin geela raaca ama dhaqaaleeya. ld geelijir.

0

geelkacabaadis

m dh

Nooc xamaaratada ka mid ah oo in yar roorka ka weyn, madax weyn oo madaxa ku leh midab gaashiyo ah. ld geelkacabaajis.

0

geelkacabaajis

m dh

Eeg: geelkacabaadis

0

geelley

m dh u

Dadka geela dhaqda.

0

geelmaanyo

m dh

Naasley aad u weyn ee badda ku nool oo nibiriga u eg.

0

geelo

m dh

Fiidkii waqtiga geela la maalo.

0

geelrugeeye

m l

Eeg: geeldhugeeye

0

geeltoosiye

m l

Nooc gorgorka waaweyn ka mid ah.

0

geelwaaq

m dh

Geed-nagaar leh laba bariyood oo la cuno. ld geelwaaqis.

0

geelwaaqis

m dh

Eeg: geelwaaq

0

geelxeraad

m l u

Geel loo xerageeyey meel reerka ka fog.

0

geenyo

m dh (-ooyin, m.l)

Faras dheddig.

0

geeraar

f mg1 (-ray, -rtay)

tirin.

0

geeraarid

m f dh

Eeg: geeraar²

0

geeraarshaa

m l

Eeg: geeraarshe

0

geeraarshe

m l

Nin geeraar tiriya. ld geeraarshaa.

0

geeri

m dh

Wed; dhimasho.

0

geeriggo'an

m l

/dh.kh Meel aan dad joojin, aan wax dhaqaaqa joogin; cidla'. ld eeriggo'an.

0

geeriyoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Wax dhintay noqosho (nafley). ld geeryoon.

0

geeriyood

m f l

ld geer-yoomid.

0

geeryoomid

m dh

Eeg: geeryood

0

geeryoon

f mg1 (-oomay, -oontay)

Eeg: geeryoo

0

gees

m l (-so, m.l)

1. Cad sida lafta u adag oo ka baxa maxada raafleyda qaarkood (lo'da, ariga, ugaarta iwm), madaxa raafleyda. 2. Dhinac; hareer. 3. Laba saneeg oo ka baxa madaxa cayayaanka qaarkii; geesdareen.

0

gees-muusaale

m l

Eelada (deerada) kolkaa la soo baxaysa geesa yar yar oo fiiqfiiqan.

0

geesaari

f g2 (-iyay, -isay)

Hilib si degdeg ah dab ugu dubasho. ld geesasaar².

0

geesaas

m l

1. Baroorta naagaha. 2. Baroor-diiq aan dhab ahayn. 3. Ugax gacanta lagu sameeyey. ld geesaasid.

0

geesaasid

m dh

Eeg: geesaas

0

geesacarro

m dh

Neef leh geeso aan jirriddooda lafta madaxa haysan oo marka la taabto ruxanayaan.

0

geesaley

m dh u

Xoolaha iyo ugaarta inta geesaha leh.

0

geesarriyaad

m l

Eeg: geesarriyood

0

geesarriyood

m l

/dh Geed faalala oo leh miro yaryar oo sida geesaha ariga u dhuudhuuban oo la cuno. ld geesarriyaad.

0

geesasaar

f mg1 (-ray, -rtay)

Sac la lisaayo geesaha ka xirid. ld geesasaari.

0

geesasaarid

m f dh

Eeg: geesasaar²

0

geesaxir

m l

/dh ld geesxir².

0

geesdareen

m l (-nno, m.dh)

Labada gees, jiljilicsan, madaxa cayayaanka qaarkii ku yaal, oo ay wax ku dareemaan.

0

geesee

f g

/mg2 (-seeyay, -seysay) 1. (f.g) Wax gees u yeelid. 2. (f.mg) U g.: meel, magaalo iwm dhinac uga xigid.

0

geeseyn

m f dh

Eeg: geesee

0

geesho

m dh

Eeg: gaashi

0

geesi

m l (-iyaal, m.l/dh)

Nin dhiirran oo aan cabsan.

0

geesigelin

m f dh

Eeg: geesigeli

0

geesiggeli

f g2 (-iyay, -isay)

Cid dhiirrin.

0

geesiggelin

m f dh

Eeg: geesiggeli

0

geesinnimo

m f dh

Geesi ahaansho.

0

geesiyad

m dh (-do, m.l)

Haweeney dhiirran oo aan cabsan.

0

geesley

m dh u

Xoolaha iyo ugaarta inta geesaha leh.

0

geesmadow

m dh

Ri' da' weyn.

0

geesmarooq

m l

Orgi da' weyn.

0

geesoole

m l (-layaal, m.l/dh)

1. Cayayaan leh labo gees dhaadheer iyo qolof adag. 2. Miro yicibeed oo aan la dhilin oo labadii qolfoodba leh.

0

geestaan

m dh (daaw.)

Xanuun laga dareemo dhabarka oo raaca dhinaca bowdada, lugta iyo cagta. Waxaana keena cadka labada laf-dhabar ku dhexjira oo qallala ka dibna meeshiisa ka baxa oo ruxa xididdada dareenka e ku yaal moxogga hoose ama araxda sare.

0

geestahanyo

m dh

Cudur sinta dadka ku dhaca oo labada lugood lala gaabiya. ld geestaan¹.

0

geesxir

m l kh

Neef lo' ah oo guri ku xiran oo aan dibad u daaq doonan.

0

geeti

m dh

Qof saarleyda booranaha ugu sareeya.

0

gef

m l

Eeg: gaf¹

0

gefer

f g1 (-fray, -fertay; -fri)

Xarig dheer ceel u tuurid.

0

gefid

m dh

Eeg: gafid

0

gefrid

m f dh

Eeg: gefer²

0

gefsad

m l

Eeg: gefsasho

0

gefsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: gafsan

0

gefsanaan

m dh

Eeg: gafsanaan

0

gefsanaansho

m l

/dh ld gafsanaan.

0

gefsasho

m f dh

ld gefsad, gefsi.

0

gefsi

m l

Eeg: gefsasho

0

gefso

f mg3 (-saday, -satay)

Neef curad ah muddo rimi waayid.

0

geftin

m l (-inno, m.dh)

Gees; gaw; dacal.

0

gegi

m dh (-iyo, m.l)

1. Meel didib ah, bannaan, aan weynayn, oo aan dhir lahayn. 2. Garoon. ld gego, jegi.

0

gego

m dh

Eeg: gegi

0

gelbi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: galbi

0

gelbin

m dh

Eeg: galbin

0

gelbis

m l

Eeg: galbin

0

gelengel

m dh kh

Meel cidlo ah oo aan dhir iyo dhisme midna lahayn.

0

gelgelin

m dh (-lmo, m.l)

Barxad yar oo boor badan oo geela iyo dameeruhu ku galgashaan si ay takarta iwm isaga reebaan.

0

geli

f g2 (-iyay, -isay)

Cid, wax dhaxdii, wax kale gaarsiin, ku ridid.

0

gelid

m f dh

ld galmo, galniin, gelis², gelitaan, gelniin.

0

gelin

m l

1. Maalinta ama habeenka barkooda hore ama dambe. 2. Calal.

0

gelin-dambe

m l

1. Habeenka oo laba meelood loo dhigo qaybtiisa dambe. 2. Maalinta oo laba meelood loo dhigay qaybteeda dambe. ld gelin-dambeed.

0

gelin-dambeed

m dh

1.Lixda saacadood oo maalinta ugu dambeysa. 2.Afarta saacadood oo habeenka ugu dambeeya. ld gelin-dambe.

0

gelindhexaad

m l

Eeg: gelindhexe

0

gelindhexe

m dh

Habeenka oo saddex qaybood loo dhigo qaybtiisa dhexe. ld gelindhexe.

0

gelinhoraad

m l

Habeenka oo saddex qaybood loo dhigay qaybtiisa hore.

0

gelinsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Cid wax ka dhaadhicin.

0

gelinsiin

m f dh

ld gelinsiis.

0

gelinsiis

m l

Eeg: gelinsiin

0

gelinsocod

m l

Qiyaasta la socdo maalin gelinkeed.

0

gelis

m dh

Eeg: gelid

0

gelitaan

m l

1. Irid laga galo meel. 2. ld gelid.

0

gelliimid

m f dh

ld galliimid.

0

gelliin

m l

1. Gelid. 2. Heshiisiinta laba dhinac oo dhibaato dhex taal. ld galliin¹.

0

gelmi

m l

Cayayaan yar oo duusha oo qaniinyo kulul oo dhuurida u eg. ld kelmi.

0

gelmidhabad

m l

Eeg: gelmidhabasho

0

gelmidhabasho

m f dh

ld gelmidhabad, kelmidhabad, kelmi-dhabasho.

0

gelmidhabo

f mg3 (-btay, -batay)

Gelmi saynta isaga cayrin (xoolo). ld kelmidhabo.

0

gelmihaadsasho

m f dh

Eeg: gelmihaadso

0

gelmihaadso

f mg3 (-saday, -satay)

Gelmiga iyo takarta iyo qaniinka kale iska eryid.

0

gelniin

m l

Eeg: gelid

0

gember

m l

Eeg: gambar

0

gembi

f g1

/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Wax afrogid. 2. Dagaal ku kicid. ld gambi².

0

gembin

m dh

Eeg: gembiyid

0

gembis

m l

1. ld gembiyid. 2. G. ah: aqal waxa ku dedani hoos u fooraraan oo biyuhu ka daataan

0

gembisan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax la gembiyey ahaansho.

0

gembise

m l (-sayaal, m.l/dh)

1. Aqal waxa ku dedani hoos u fooraraan oo biyuhu ka daataan. 2. Saab dharka la uuminayo la dul saaro. 3. Sati aabbur leh o hilibka kumbiska ah lagu keydiyo. ld gambise.