0

gawaamin

m f dh

ld gawaamis, gawaanin, gawaanis.

0

gawaamis

m l

Eeg: gawaamin

0

gawaan

m l

Dhul didib ah oo adag.

0

gawaani

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: gawaami

0

gawaanin

m dh

Eeg: gawaamin

0

gawaanis

m l

Eeg: gawaamin

0

gawaanraac

m l

1. Cararidda xoolo badani cararaan iyaga oo baydadaya. 2. Lumidda xoolo badani lumaan. ld gawaanraacid.

0

gawaanraaci

f g2 (-iyay, -isay)

1. Xoolo badan didin. 2. Wax dhumin.

0

gawaanraacid

m f dh

ld gawaanraac¹.

0

gawaanraacin

m f dh

ld gawaanraacis.

0

gawaanraacis

m l

Eeg: gawaanraacin

0

gawaari

m dhw

Eeg: gaari¹

0

gawar

m l

1. Raxan gorayo ah. 2. Taag aan geedo lahayn.

0

gawdiid

m l

Taagnaan badan oo meel lala istaago jirro, dhibaato iwm awgeed. ld gawriir¹.

0

gawdiidid

m f dh

ld gawriirid.

0

gaweed

f mg1 (-day, -dday)

U g.: nin iyo naag aan isqabin isu geyn.

0

gawl

m dh

Sumad xoolaha dhegaha looga yeelo ayadoo dhegaha dacalkooda la gooynayo. ld gowl.

0

gawlallo

m dh

Eeg: gowlallo

0

gawnax

m l (-xyo, m.dh)

Labada dhinac ee surka midkood.

0

gawr

m l

Xubinta taranka haweenka.

0

gawrac

f g1 (-cay, -cday)

Neef si loo xalaaleeyo hilibkiisa, cunaha mindi kaga jarid; gowrac, birays.

0

gawracan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax gawrac la mariyey ahaansho.

0

gawracasho

m f dh

Eeg: gawraco

0

gawracato

m dh (-ooyin, m.l)

1. Cudur cunaha ku dhaca oo halis ah. 2. Cudur faraha lugaha jeexjeexa

0

gawracnaan

m f dh

ld gawracnaansho

0

gawracnaansho

m l

/dh ld gawracnaan

0

gawraco

f g3 (-cday, -catay)

Neef xoolaad gawrac marsasho

0

gawre

m l

Dhaxan badan oo marka dayrtu dhammaato dhacda.

0

gawricid

m f dh

ld gawricis.

0

gawricis

m dh

Eeg: gawricid

0

gawriir

m l

Eeg: gawdiid¹

0

gawriirid

m dh

Eeg: gawdiidid

0

gawsii

f mg2 (-iiyay, -iisay)

Ka g.: wax tumid. ld gaw (2).

0

gawsiin

m f dh

Eeg: gawsii

0

gaxandho

m dh

Geed nagaar faalala, xooluhu cunaan, dhalo miro qodax leh oo markay qallalaan muda dadka iyo xoolaha. ld gacandho, gocondho.

0

gaxarataysasho

m f dh

ld gaxarataysi.

0

gaxarataysi

m l

Eeg: gaxarataysasho

0

gaxaratayso

f mg3 (-stay, -satay)

Gaxarato cunid.

0

gaxarato

m dh

Cunto la bisleeyey inta weelka salkiisa ku dhegta; guggub.

0

gaxarbe

m l

1. Dacool midab sharax-sharax ah iyo qaabab kala duwan leh oo badda laga helo. 2. Roob badan oo muddo dhac da'a. 3. Dhagax adag, midab gaduudan leh oo loo isticmaala qurxinta dhismayaasha. ld kaxarbe.

0

gaxash

m l

1. Nooc kalluunka badda ka mid ah. 2. Nagaar geel. 3. Nagaar geelu daaqiddiisa jecelyahay.

0

gayaan

m l kh

G. ah: laba qof oo guurkooda is cuntamo; kuf. ld geyaan.

0

gayax

m l

1. Nooc kalluunka badda ka mid ah. 2. G. ah (nirig): aan weli ababin oo caana keliya ku nool.

0

gayeysii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Eeg: geyeysii

0

gayeysiin

m dh

Eeg: geyeysiin

0

gayi

m l

Eeg: geyi

0

gayoo

f g3 (-ooday, -ootay)

Eeg: geyoo

0

gayood

m l

Eeg: geyood

0

gayoodsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Eeg: geyoodsii

0

gayoodsiin

m dh

Eeg: geyoodsiin

0

gayradaac

m l

Waqti dabayl qaboobi dhacdo oo galab ah.

0

geb

m dh sh r

Eeg: gab¹

0

gebaggebee

f g2 (-beeyay, -beysay)

Eeg: gabaggabee

0

gebaggebeyn

m dh

Eeg: gabaggabayn

0

gebaggebeysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Eeg: gabaggabeysan

0

gebaggebeysnaan

m dh

naan.

0

gebaggebeysnaansho

m l

/dh ld gabagga-beysnaan.

0

gebaggebo

m dh

Eeg: gabaggabo

0

gebbagebeysasho

m f dh

ld gebaggebeysi.

0

gebbagebeysi

m l

Eeg: gebaggebeyso

0

gebbagebeyso

f mg3 (-stay, -satay)

Ciid ku weysaysasho.

0

gebedgalool

m l

Eeg: kebedgalool

0

geber

m dh

Eeg: gabar²

0

gebi

m l (-iyo, m.dh)

1. Qar; jar; daan. 2. Meel qar hoostiis ah oo roobka, qorraxda, dhaxanta iwm laga galo. 3. G. ahaan: giddi; gebigood; giddigood.

0

gebid

m dh

Eeg: gabid

0

gebidhac

m l

1. Dalambaabiyidda wax socda sabbaynaya sameeyaan. 2. Wax dhulka hoostiisa u sooda oo hadba gebi ku sii dhaco.

0

gebidhaclayn

m f dh

ld gebidhacle.

0

gebidhaclays

m l

Si habjaq ah u socosho. ld gebidhaclayn.

0

gebidhacle

m l

Socod dalambaabi ah oo hadba dhan loo dhaco. ld gebidhaclayn.

0

gebidhaclee

f mg2 (-leeyay, -laysay)

1. Si dalambaabi ah u socosho. 2. Wax hadba dhinac ku dhicid.

0

gebiib

m dh

Eeg: gabiib

0

gebikayeer

m l

Codka ay soo celiyaan qararka iwm. marka u dhowi dhawaaqsan.

0

gebin

m l

Qalab lagu dabo shimbiraha siiba dagiiranka oo xidid geed ka samaysan.

0

gebiyandhoorre

m l

Nooc shimbiraha ka mid ah oo dhoor dhaca madaxa ku leh. ld gobyahandhoorre.

0

gebsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Weel afka u rogid. geddiyid; daadin.

0

gebsiin

m f dh

Eeg: gebsii

0

ged

m dh (-do, m.l)

1. Dhaqanka iyo baxaalliga qof leeyahay; dabeecad. 2. G.diisa: caadadiisa.

0

gedaad

m l

Eeg: gadoodid

0

gedaadid

m dh

Eeg: gadoodid

0

gedaadsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: gadoodsan

0

gedaadsanaan

m f dh

Eeg: gadoodsanaan

0

gedaadsanaansho

m l

/dh ld gadoodsanaan.

0

gedaawe

m l

Eeg: gadaawe

0

geddi

m l (-iyo, m.dh)

1. Webi, tog, iwm labadooda dhinac mid ka mid ah; daan; gebi.

0

geddicadsad

m l

Eeg: geddicadsasho

0

geddicadsasho

m f dh

ld geddicadsad, geddicadsi.

0

geddicadsi

m l

Eeg: geddicadsasho

0

geddicadso

f mg3 (-saday, -satay)

Caloosha oo sarraysa, seexasho (qof).

0

geddin

m f dh

ld geddiyid.

0

geddis

m l

1. Rogrogis; ganacsi. 2. ld geddiyid. ld gaddis.

0

geddisad

m l

Eeg: geddisasho

0

geddisan

f mg4 (-snaa, -snayd)

1. Wax afkiisa hoos la mariyey ahaansho. 2. Wax isbeddel ku dhacay ahaansho. 3. Kala g.: wax aan isku nooc ahayn ahaansho.

0

geddisasho

m f dh

ld gaddisad, gaddisasho, geddisad.

0

geddisley

m dh u

Dad hawshoodu tahay iibinta iyo gadidda badeecooyinka kala duwan; ganacsato. ld gaddisley.

0

geddisnaan

m f dh

ld geddisnaansho.

0

geddisnaansho

m l

/dh ld geddisnaan.

0

geddiso

f g3 (-stay, -satay)

1. Wax meel ku jiray, meel kale ku shubasho. 2. Badeeco ganacsi ku samaysasho.

0

geddiyid

m dh

ld gaddin, gaddis, gaddiyid, geddin, geddis.

0

geddoomid

m f dh

ld gaddoomid, gaddoon¹, geddoon¹.

0

geddoon

f g1 (-oomay, -oontay; -oomi)

1. Wax dhinac u dhicid. 2. Muruqyo, xanuun, caro iwm awgeed isbeddelid (qof). 3. Dib u noqosho (wax). ld gaddoon².