0

guurree

f g

/mg2 (-reeyay, -reysay) 1. (f.g) Cid hagardaamayn. 2. (f.mg) Rucleyn (orod).

0

guurreyn

m f dh

Eeg: guurree

0

guurro

m dh

Hagardaamo; luggooyo.

0

guursad

m l

Eeg: guursasho

0

guursasho

m f dh

guurso. ld guursad, guursi.

0

guursi

m l

Eeg: guursasho

0

guursimo

m dh kh

G. ah: naag ku jirta ayaamihii hore ee guurka.

0

guurso

f g3 (-saday, -satay)

1. Naag ama nin xiriir guur cid la samaysasho. 2. Qoraal meel ku qoran meel kale ku naqilasho.

0

guurti

m dh (-iyo, m.l)

Guddi; ikhyaar; duqow.

0

guurto

m dh

1. Hantida qaybaheeda la rari karo, sida xoolaha nool. 2. G. ah: reer miyi xoolo dhaqato ah oo hadba meeshii deegaan leh u guura.

0

guuto

m dh u (-ooyin, m.l)

1. Qaybaha ciidamadu u qaybsanyihiin mid ka mid ah oo gaasna ka yar, ururna ka badan. 2. Dad badan oo wadajira.

0

guux

m l

1. Cod weyn oo cunaha awr, goray iwm ka soo baxa. 2. Codka matoorrada. 3. Cudur geela cunaha ka barariya. 4. ld guuxid.

0

guuxaweyn

m dh

Qoorta geela inteeda hoose.

0

guuxid

m f dh

ld guuxยน (4).

0

guuxo

m dh

Cune; doobbo.

0

guuyo

m dh

1. Maal, xoolo. 2. Nooc sagaarada ka mid ah. 3. Nafley gaaban oo tabar yar. ld guunyo.

0

guwaaniin

m l (baay.)

Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan beysaska nukliyootaydhada iyo asiidh bu'eedyada DNA iyo RNA. Waxa laga soo dhiraan dhirriyey buurin.

0

guxud

m l

Eeg: goxod

0

guxuuman

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: gamuuxan

0

guxuumid

m dh

Eeg: gamuuxid

0

guxuumnaan

m dh

Eeg: gamuuxanaan

0

guxuumnaansho

m l

/dh ld gamuuxnaan.

0

guxuun

m l

Eeg: gamuuxยน

0

guxuushaa

m l

Nin aad u da' weyn.