0

gibin

m l

Eeg: gaban¹

0

gibir

m l

Cashuur dadka laga qaado sannadkiiba mar.

0

gibli

m l (c.cimi.)

Dabayl qallalan oo kulul, kana dhacda dalka Libiya ee Woqooyiga Afrika oo gaarta ilaa Yurub.

0

gidaad

f mg1 (-day, -dday)

Eeg: gadood²

0

gidaadid

m dh

Eeg: gadoodid

0

gidaadsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: gadoodsan

0

gidaadsanaan

m dh

Eeg: gadoodsanaan

0

gidaadsanaansho

m l

/dh ld gadoodsanaan.

0

gidaar

m l (-rro, m.dh)

Dhisme ballac leh, dhagax, shamiinto, iwm ka samaysan, oo wax celiya, ama waxyaabo lagu kala qoqobo; derbi.

0

gidaar-unug

m l (baay.)

Lakab sare oo adag oo ku wareegsan xuubka unugga ee dhirta iyo bakteeriyada laakiin unugga xayawaanku maleh. Gidaarka unuggu waxa uu ilaaliyaa qaabna u yeelaa unugga dhirta maacila'da ama wuxuu siiyaa taageero makaanikeed.

0

giddi

m l

Wax aan kala maqnayn; wadajir; dhammaan.

0

giddicune

m l (-nayaal, m.l/dh)

Noole cuna hilib iyo miro iwm.

0

giddiquute

m l

Eeg: giddicune

0

gidir

m dh

Dheddig aad u naasa yaryar oo aan ilmaheeda caano deeqsiin karin.

0

gifin

m dh

Eeg: gaban²

0

gigtir

f g1 (-ray, -rtay)

Maro iwm si laalaabka loo bi'iyo aad u kala jiidid.

0

gigtiran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Wax la gigtiray ahaansho.

0

gigtirid

m f dh

ld gigtir¹.

0

gigtirnaan

m f dh

ld gigtirnaansho.

0

gigtirnaansho

m l

/dh ld gigtirnaan.

0

giig

f mg1 (-gay, -gtay)

1. Ka g.: wax ka dhergid. 2. Ka g.: wax ka joogsasho iyada oo laga cabsanayo.

0

giigid

m f dh

Eeg: giig

0

giigsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax aad loo giijiyey ahaansho (xarig, maro, iwm). ld giijisan.

0

giigsanaan

m f dh

ld giigsanaansho, giijisanaan, giijisanaan-sho.

0

giigsanaansho

m l

/dh ld giigsanaan.

0

giiji

f g2 (-iyay, -isay)

Xarig iwm xoog u togid.

0

giijin

m f dh

ld giijis.

0

giijis

m l

Eeg: giijin

0

giijisan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Eeg: giigsan

0

giijisanaan

m dh

Eeg: giigsanaan

0

giijisanaansho

m l

/dh ld giigsanaan.

0

giijisasho

m f dh

Eeg: giijiso

0

giijisnaan

m dh

Eeg: giigsanaan

0

giijisnaansho

m l

/dh ld giigsanaan.

0

giijiso

f g3 (-stay, -satay)

Xarig, maro iwm si tognaan ah u qabasho u xirasho.

0

giindho

m dh

Nooc lo'da ka mid ah oo geesa yaryar.

0

giir

m l

1. Madow iyo caddaan si isle'eg isuga jira; jiir. 2. Dhogor dhaadheer oo orgida, dameeraha, biciidka iwm tunkooda ka baxda. 3. Wejitub; biriir; u furuqdhoon.

0

giiran

f mg1 (-rmay, -rantay)

Wax midab giir ah leh ahaansho.

0

giirasho

m f dh

Eeg: giiro

0

giirbaq

m l

Midab giir ah oo midabbo kale ku dhafanyihiin.

0

giircad

m l

Midab madow oo caddaan badani ku dhafanyahay.

0

giircas

m l

Midab guduudan oo caddaan yari ku dhafanyahay.

0

giirgiir

m l

Midab ay yeeshaan lo'da iyo riyaha oo baro dambas madow ah oo meelo kala duwan oogada kaga yaal.

0

giirgiiran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Wax la giirgiiray ahaansho.

0

giirgiirid

m f dh

ld giirgiiris.

0

giirgiiris

m dh

Eeg: giirgiirid

0

giirgiirnaan

m f dh

ld giirgiirnaansho.

0

giirgiirnaansho

m l

/dh ld giirgiirnaan.

0

giirid

m f dh

Eeg: giir²

0

giirmadow

m l

Midab cad oo madow badani ku dhafan yahay

0

giirnaan

m f dh

ld giirnaansho.

0

giirnaansho

m l

/dh ld giirnaan.

0

giiro

f g

/mg3 (-rtay, -ratay) 1. (f.g) Calaamado kala duwan wax u yeelasho. 2. (f.mg) Ku g.: wax in la fuliyo la isku ogaa iyadoo xanaaq la muujinayo ka bixid.

0

giirre

m l

Neef lo'aad oo midab giir ah leh.

0

giirtaag

f mg1 (-gay, -gtay)

Neef riyo ah oo neef kale la diriraya dhogor kicin.

0

giirtaagid

m f dh

Eeg: giirtaag²

0

giiryaalannimo

m dh

Giiryaale ahaansho.

0

giiryaale

m l

Qof aad fuley u ah.

0

giis

f mg1 (-say, -stay)

Cod gaaban ku heesid; guluulucid.

0

giisid

m f dh

ld giis¹ (3).

0

gilgil

f g1 (-ilay, -ishay)

Wax si xooq leh u ruxid.

0

gilgilad

m l

Eeg: gilgilasho

0

gilgilan

f mg1 (-lmay, -lantay; -lmi)

Wax la gilgilay noqosho.

0

gilgilasho

m f dh

ld gilgilad.

0

gilgilid

m f dh

ld gilgil¹.

0

gilgilmid

m f dh

Eeg: gilgilan

0

gilgilo

f mg3 (-laday, -latay)

1. Awr iwm suu u daadiyo wax korka ka saaran isruxid. 2. Ka g.: xumaan cid lagu samayn lahaa ka horimaansho.

0

gilingil

m l

Shimbir yar oo leh qoor guduudan iyo dhalo cad.

0

gimbiraash

m l

Eeg: gambaraash

0

gingimid

m f dh

ld gingin¹.

0

gingin

f mg1 (-imay, -intay; -imi)

Hab iyo qaab wanaagsan u yeelid (aqal).

0

gini

m l

gobo'lee

0

giraan

m dh (-nno, m.l)

Eeg: garangar¹

0

giraangir

f mg1 (-ray, -rtay)

Eeg: garangar²

0

giraangiri

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: garangari

0

giraangirid

f dh

Eeg: garangarid

0

giraangirin

m dh

Eeg: garangarin

0

giraangiris

m l

Eeg: garangarin

0

giraansan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax qaab wareegsan leh noqosho.

0

giraansanaan

m f dh

ld giraansanaansho.

0

giraansanaansho

m l

/dh ld giraansanaan.

0

girangir

m l

Eeg: garangar

0

girangiri

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: garangari

0

girangirin

m dh

Eeg: garangarin

0

girgir

f g1 (-ray, -rtay)

Wax xariiqid.

0

girgire

m l (-rayaal, m.l)

Shay dhoob ah ama dhagax laga qoro oo qaab mooye leh iyo laba meelood oo la qabsado oo wax lagu karsado; burjike.

0

girgirid

m f dh

Eeg: girgir²

0

girifgirif

m dh sh r

G. leh: cod lagu muujiyo ordidda degdegsan.

0

giriirixi

f g2 (-iyay, -isay)

Is g.: isa soo mataxid.

0

giriirixin

m f dh

Eeg: giriirixi

0

giringir

m dh (-ro, m.l)

Eeg: garangar¹

0

giringiri

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: garangari

0

giringirid

m dh

Eeg: garangarid

0

giringirin

m dh

Eeg: garangarin

0

giringiris

m l

Eeg: garangarin

0

girligaan

m l (-nno, m.dh)

Qori boobe ah oo waayadii hore lagu dagaallami jirey.

0

gisi

m dh u

Naasley lo'da la bah ah oo duurjoog ah; lo'gisi; lo'gesi. ld gesi.

0

giyi

m l

Eeg: geyi

0

go'

f mg1 (-'ay, -'day)

1. Wax meel ka jarmid. 2. Dhimasho. 3. Wax wada jiray qaar, goonni uga soocmid. 4. U g.: niyadda wada siin. 5. Biyo iwm meel ka dhammmaansho. 5. Caano baqid.

0

go'aami

f g2 (-iyay, -isay)

Arrin go'aan ka gaarid.