Words starting with 'G'
2,724 Somali words beginning with 'G' — page 12 of 28.
gariirad
Qeybta kor iyo hoos u loodsami karta ee kor u haysa qeybta sare ee baabuurka; moollo.
gariiri
Gariir ku ridid.
gariirid
ld gariir¹ (3).
gariiriso
Qandho, xummad iyo gariir badan oo duumo keento.
gariirshe
Qori yar kankoonsan, af dhuuban, oo caruurta sibirka ku wareejiyaan iyaga oo xarig la dhacaya; dhulmad.
garlibaax
Bulka uu geedka galleydu soo rido inta uusan sabuulka yeelan.
garmaal
G. ah: geel la dhaqayo caano dartiis.
garmaamayn
ld garmaame (3).
garmaame
1. Orod iyo durduro farduhu sameeyaan waqtiga barwaaqada ah. 2. Dhoollatusad. 3. ld garmaamayn.
garmaamee
1. Garmaame samayn (faras). 2. Dhoolla-tusad samayn.
garmadow
Nin da'diisu u dhaxeyso soddon ilaa afartan jir. ld garmadoobe.
garmalleyti
garqaadad
garmalleyto
/dh Nin weyn oo aan gar u soo bixin. ld garmalleyti.
garmaqaate
1. G. ah: qof madax adag oo aan gar qaadan. 2. Bud gaaban, xooggan, labada dhinac ka fiiqan, oo wax lagu halgaado.
garmari
Cid, cid kale gar ka dhexeysa kala doodid.
garmash
G. ah: rooti aad loo bisleeyay.
garnaq
1. Dhexdhexaadin loo sameeyo dad wax isku haya. 2. ld garniqid.
garnayl
Bambo yar oo gacanta lagu tuuro.
garni
Qalab yar oo ka sameysan gees lo'aad, oo lagu garaaco xargaha shareerada.
garniqid
ld garnaq¹ (2).
garo
Riyo.
garoob
Haweeney la furay ama ninkeedu dhintay.
garoobbee
Haweenay garoob ah isqurxin.
garoobnimo
Garoob ahaansho.
garooc
1. In yar oo wax is haysta laga gooyay. 2. Wax aan kaamil ahayn.
garoocan
1. Wax, wax in yar laga gooyay ahaansho. 2. Wax, wax ka maqan.
garoocnaan
ld garooc-naansho.
garoocnaansho
/dh ld garoocnaan.
garooco
Wax is haysta in yar ka goosasho.
garooman
Wax aan geeso lahayn ahaansho (neef riyo ama lo' ah).
garoomanaan
ld garoomanaansho, garoonnaan, garoon-naansho.
garoomanaansho
/dh ld garoomanaan.
garoomato
Dhacarato; xayawaanka daaqa dhacarta.
garoomey
G. ah: gabar yar, hanaqaad galeen ah oo aan weli timatidcan. ld garaammo.
garoomo
Madax, timo ka muldhisasho.
garoon
Barxad weyn, bannaan oo siman. Tus. “G.ka kubbadda; g.ka dayuuradaha”.
garoonnaansho
/dh ld garoomanaan.
garoonshiid
Go' darbaal ah oo askartu huwadaan ama gogladaan.
garoor
1. Caano lo'aad ama ari fadhi ah oo aan subag laga saarin. 2. Ciir.
garoori
Garoor ka dhigid.
garoorin
ld garooris¹.
garoorshe
Geedgaab laanlaan u baxa, qodxo yaryar oo miro lacuno leh oo macaan.
garow
1. Badar aan aad u bislaan. 2. Shaah caddays ku yar yahay. 3. Miro aan aad u bislaan.
garowbutaale
Maseggo la kariyey iyadoo goborta laga riday. ld garowbudaale.
garowkari
Hilib, masaggo iwm biyo ku karin.
garowkarin
ld garowkaris.
garowsasho
ld garowsad, garowsi.
garowshiinyo
Oggolaanta wax gar ah la oggolaado.
garowso
Wax inuu daw yahay aqoonsasho.
garqaad
/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Wax hoggaamin. Tus. “Cali baa ragga u garqaaday”. 2. (f.mg) Laba qof ama ka badan oo is haysta u garniqid.
garqaadasho
ld garqaadad.
garqaadid
ld garqaad¹.
garqaado
Cid, gef ay gashay aqoonsasho.
garqayb
U xaqsooridda, laba qof ama ka badan oo wax isku haya loo xaqsooro.
garqaybi
U g.: laba qof ama ka badan oo wax isku haya u garniqid.
garqaybin
ld garqaybis.
garraaddo
1. Murug; qas. 2. Xirid.
garraaddow
1. Murgidda. 2. Adkaan-shada.
garraar
1. Guntinta isu haysa labada dacal ee sare ee guntiino iwm. 2. Dagta laga xirto guntiino iwm. ld garxir.
garraarasho
ld garraarad.
garraari
U g.: cid garraar u xirid (haween).
garraarin
ld garraaris.
garraaro
Garraar xirasho.
garraarsasho
ld garraarsad, garraarsi.
garraarso
Garraar xirasho.
garraarxir
Isku xiridda labada dacal oo garraarka. ld garraarixid.
garraaw
gahayr
garramid
ld garran¹ (2).
garran
1. Dood loogu xaqsooray laba dhinac oo arrin isku haaya. 2. ld garramid.
garransii
Laba qof ama ka badan oo wax isku haya wada hadalsiin.
garraw
1. Nooc cawska xooluhu daaqaan ka mid ah. 2. Gebi leh cusbo xooluhu ka leefaan. ld garrow.
garre
Nooc kalluunka ka mid ah oo badda ku nool.
garri
1. Dhagxan yaryar oo wax lagu dhiso; quruurux; jaay. 2. Turumbo.
garriin
Raadka ay cabbidda iyo cuntada qaarkeed afka ku reebaan. ld karriin.
garruud
1. G. ah: awr xooggan oo rarooyo ah. 2. G. ah: qoryo adadag oo waaweyn. 3. Rag duqow ah oo garta qaada; madax; qaafo.

