hammi
1. Murugo iyo walaac ka dhasha arrin murugsan. 2. Niyad, laab. ld qammi.
hammisan
Wax walaac iyo murugo hayso ahaansho.
hammisii
Cid hammi ku beerid.
hammisnaan
ld hammisnaansho.
hammisnaansho
/dh ld hammisnaan.
hammiyid
ld hammin.
hammuude
Geed yar oo dhulka ku faalala oo miro la cuno dhala. ld hammuudo.
hammuudo
Nagaar dhulka ku faalala oo dhala miro yar yar, dhanaan oo la cuno. ld hammuude.
hamro
Cid waxtarkeeda u hagar bixid la'aan.
hamsa
/dh (nax.) Shibbane dhawaaqyada hadalka ka mid ah; waa aamus yar, wuxuuna dhashaa kolka xargaha codku si degdeg ah u xirmaan oo xiisadda dabaysha u joojiyaan, degdegna u furmaan; astaan-tiisu waa ('). ld hamse, hamso.
hamuu
Digir duban oo marka la karinayo aan si fiican loo bislayn. ld hamuu'.
hamuudo
Nagaar dhulka ku faalala oo miro yaryar, dhannaan oo la cuno leh.
hamuuman
Qof hammuun qaba ahaansho.
hamuumnaan
ld hammuumnaansho.
hamuumnaansho
/dh ld hamuumnaan.
hamuun
Rabitaan saa'id ah oo cunto loo qabo aroortii.
hamuungorgor
Sugid la'aanta la sugi waayo cunto dab saaran ama bisil hamuun awgeed. ld hamuungorayo.
hamuuntir
Cunto yar oo hamuunta la isaga bi'iyo.
hamuuntirasho
ld hamuuntirad.
hamuuntiro
Hamuun iska bi'in.
han
Isla weynaan aan kibir ku jirin; qab.
hanaayo
Cadaawad, nacayb.
hanacun
1. Cunidda boolida. 2. (-no,mdh.) Qof boolida cuna.
hanad
Nin karti iyo hufnaan dheeraad ah isku darsaday; diric.
hanano
Danaano; hiilo.
hanaq
Dhuunta meesheeda hoose oo godan; galaw; halaw.
hanaqaad
1. H. ah: qof filka mas'uu-liyad lagu hanan karo gaaray; tabargal. 2. Diric, geesi. 3. ld hanaqaadid.
hanaqaadid
ld hanaqaad¹ (2).
handaawad
Ubbo tolay ah oo weesada lagu qaato.
handabo
/dh Xaalad nafsaani ah oo qofka ku qasabta waxa uu jecelyahay in uu falo. Tus. “Cali naaguhuu handabo ku qabaa”.
handad
1. ld hanfad ¹, hanfaf. (-dyo, m.dh) Hinqasho, boodid. 2. ld haddidid. 3. ld handadid.
handadaad
Cabsi gelin cid loo gaysto. ld haddidid.
handadi
Cid sasin. ld hanfadi.
handadid
1. ld handad ¹, hanfadid. eeg handad². 2. ld haddidid.
handadin
ld hanfadin.
handaraab
Bir albaabada lagu qataaro qufulkana lagu xiro.
handaraaban
Albab wax la handaraabay ahaansho
handaraabnaan
ld handaraabnaansho.
handaraabnaansho
/dh ld handaraab-naan.
handaraabo
Albaab handaraab ku xirasho.
handuul
1. Sariir yar oo ilmaha lagu lulo. 2. Naxash. 3. Sariir doomaha derbiyadooda ku dheggan oo ay seexdaan rakaabka qaarkood.
hanfaafurraysasho
ld hanfaafurraysad, hanfaafuraaysi.
hanfaafurrayso
Cunto yar qadada ama cashada ka hor sii cunid.
hanfaafuryo
Cunto yar oo qadada ama cashada ka hor la cuno. ld hanfaafurro.
hanfad
Illaawidda wax la illaawo degdegsiinyo iyo fudayd dartiis. ld handad¹.
hanfade
Qof illow-shiinyo badan oo fudud
hanfariir
Argaggax; didmo; sas. ld anfariir¹.
hanfariiri
Cabsiin, nixin. ld anfariiri.
hanfariirin
ld anfa-riirin.
hanfariirsan
Qof la hanfariiray ahaansho. ld anfariirsan.
hanfariirsanaan
ld anfariirsanaan, anfariirsanaansho, hanfariirsanaan.
hanfariirsanaansho
/dh ld hanfariir-sanaan.
hanfi
Dabayl kulul.
hangaaguryo
Canaan kulul. ld hangaaggurro.
hangaggurree
1. Canaan kulul cid u jeedin. 2. Qof si sir ah u waxyeellayn.
hangaggurreyn
ld hangaggurro.
hangaggurro
1. Canaan kulul oo cid loo jeediyo. 2. Si qarsoodi ah oo cid loo waxyeelleeyo. ld hangaggurreyn.
hangal
Maro cad oo ay in muddo ah xirato haweeney ninkeedii dhintay; asay. ld hengel².
hangalle
Orod hal lug lagu ordo.
hangallee
Hangalle samayn.
hangalleyn
ld hangalleys.
hangaraarac
Cayayaan yaryar oo lugo badan leh, oogadiisuna leedahay girgiro, midabkiisuna yahay madow. ld hanqaraarac.
hangaralle
Harraan, dibqallooc, hanraar.
hangool
Qalab qori oh oo labo gantood iyo gar soo godan leh oo reermiyigu xoolaha ku ootaan. ld hankool.
haniye
Labada carrab oo yaryar oo ku yaal qalalka wadnaha: dhiigga wadnaha soo gelaya ayay soo daayaan oo soo wareegaan inuu dib u noqodana u diidaan.
haniye-seddex-faraale
Gufka u dhexeeya qolqolka sare ee midig iyo qolqolka hoose ee midig, wuxuu leeyahay saddex farood oo u sii daaya dhiigga ka yimaada qolqolka sare in uu ku shubmo qolqolka hoose, wuxuuna celiya in dhiigu kor u soo noqdo.
hanjab
U h.: qof u cagajuglayn. ld hanjan.
hanjabaad
Ereyo iyo cagajuglayn cid lagu cabsi gelinayo. ld hanjabid.
hanjabid
ld hanjabaad, hanjabo, hanjamaad, hanjamid, hanja-mo.
hanjaleeli
Hanjaleelo ama diliq ka keenid (carrurr).
hanjaleelin
ld hanjialeelis.
hanjaleelo
Matag yar oo sida badan carruurta caananuugga ah ka yimaada; diliq.

