h
Xarafka siddeedaad ee farta soomaaliga, ahna shibbane.
ha
qr. 1. (nax.) Qurub ka hormara falka wax lagu farayo cid kale. Tus. “Wiilasha buugta ha akhriyeen”. 2. Qurub ka hormara falka wax lagu reebayo (fal amar diidmo). Tus. “Ha keenin!”.
ha'ahaatee
xi. ld hayeeshee.
haa
qr. ld haah.
haabasho
ld haabad.
haabo
Wax in yar durugsan gacan ku laacid.
haaco
Qof aad u garaad yar; qof macangag ah.
haacoonimo
Haaco ahaansho (qof).
haad
Baylah, goldaloolo.
hąad
1. Buunshe. 2. H. ah: qof fudfudud. 3. Xad. 4. (-dad, m.l) Hal turub afartiisa qaybood mid ka mid ah. 5. Inta qof hal mar isku cuno (turub). 6. Dhinaca loo oggolyahay in baabuur waddada ka maro. 7. Cudur maskaxeed geela ku dhaca.
hąad-hąad
Fudfudayd xagga dabeecadda ah.
hąad-hąadid
ąad-hąad².
haad-ka-adag
Shimbir galleyrka u eg oo madax weyn, majo guduudan iyo ciddiyo dhaadheer leh.
haad-kacarar
H. ah: qof fulay ah. ld haad-karoor.
haadaan
1. Dhul jeexan, weyn oo hoos u dheer; qar ama bohol. 2. Geedka dharkeynka.
haadahaade
Cayayaan yaryar, caddaan xigeen ah, baalal jilicsan leh oo meseggeda ku dhasha.
haadey
Erey dareen tilmaama, taah naag murugaysan la qayliso. ld hoohey.
haadi
/mg2 (-iyay, -isay) 1. Badar la tumay buunshe ka saarid. 2. Haad cayrin. 3. Diyaarad kicin. 4. Gacan h.: gacan ruxid oo salaan ama baaq looga golleyahay. ld haati.
haadid
ąad³. ld haadis².
haadin
ld haadis¹, haatin.
haadraac
Warmooge; suufi.
hąadsasho
ąadso.
haadso
Cid dhibaato haysata darteed uga faa'iideysasho.
hąadso
Badar buunsho ka saarasho.
haadun
Dad cayr ah; haawey.
haag
Ka h.: Wax aad uga dhergid.
haah
qr. Qurub tilmaama oggolaansho ama wax ku raacid. ld haa, haaheeyo, hahey.
haaheeyarraac
Qof wixii loo sheego rumaysta.
haaheeyo
qr. ld haah.
haahey
qr. ld haa.
haajir
1. Qof dal durugsan aadaya. 2. ld haajirid. ld haayir¹ (3).
haajirid
ld haajir¹ (2), haayir¹ (3), haayirid.
haaka
Mahadnaq; baga! ld haakaalle, haakah, hakah.
haal
Isxilsaar; aabayeel.
haalaati
Dareenka ku dhasha qof marka uu waayo wax uu caadeystey, sida sigaarka iwm; xaraarad; hamuun. ld halaati, halalaati.
haalbeeg
Meesha nafleydu u nugushahay oo haddii lagu dhufto ay adagtahay in uu ka kaco.
haalhee
Wax isu xilsaarid.
haamanad
Naag naxariis daran oo xalaal iyo xaaraan isugu mid yihiin. ld hamaanad.
haami
Wax si aad ah loo jecelyahay qalbi ku hayn.
haan
1. Galowda, rubadda. 2. Weel yar, saab iyo haruub leh oo biyaha iyo caanaha lagu shubto.
haandawaco
Adaahi.
haandhurwaa
1. Dhoondhurwaa; adaahi; haandawaco. 2. Buulallo weyn oo quraanyada geeedaha dushooda ka samaysata.
haaneed
1. Dhinaca bidixeed ee geela laga istaago marka la lisayo. 2. Hab wanaagsan, habsami.
haaneedi
1. Haaneed ka dhigid; qurxin. 2. Lisid u diyaarin (geed). 3. ld haneed².
haaneedid
ld haaneedis.
haaneedis
Haaneedka iska taagid oo lisid(geel). ld haaneedid.
haaneedsasho
ld haaneedsad.
haaneedso
1. Hal godlan si loo maalo isbahardaadin. 2. Hal haaneedka ka maalid iyada oo dhiilka jilibka lagu hayo ama la saarayo.
haanse
Qaab qurxoon oo wax loo yeelo.
haansee
Wax qurxin.
haanseysan
Wax la haanseeyay ahaansho
haanseysnaan
ld haanseysnaansho.
haanseysnaansho
/dh ld haanseysnaan.
haantaawilif
Dhibaato kala lumisa dad wada nool iyo xoolahooda.
haanyoo
U h.: qof, qof kale kalgacal awgiis u soo ordid.
haar
1. Raadka nabar ama dhaawac bogsooday ku reebo oogada. 2. Meel bannaan oo aan dhir lahayn. 3. Taag, buur gaaban.
hąar
Qaylo, taah, dhaqdhaqaaq iwm oo uu sameeyo qof xanuun badani hayo.
haaraamid
ld haa-raan¹.
haaraan
1. Eedeynta cid wax ayna qabin oo ay ka gubanayso lagu eedeeyo. 2. Ceebayn cid loo jeediyo. ld haaraamid.
haaree
Qof haar u yeelid.
haarguduud
Meel leh xammuuradda maryaha la gasho.
haarid
ąar².
haaruf
Nabarrada ay cadhada iwm ay oogada ku reebaan.
haasaase
Wax la filayo in ay ka dhashaan hawl soconeysa.
haasaawayn
ld haasaawin.
haasaawe
1. Sheeko maaweelo leh oo laba qof ama ka badan dhex marta. 2. Sheeko nin iyo naag isku xodxodanaya dhax marta.
haasaawee
1. Cid sheeko maaweelo leh u sheegid. 2. Nin iyo naag sheeko xodxodasho leh isweydaarsasho. ld haasaawi.
haasaawid
ld haasow¹.
haash
1. Sigaar la cabbay inta ugu dambaysa; gumud. 2. ld qaash.
haashaar
Muuqaal qurux iyo xarrago leh; shoob, mardaadi.habarey-maanyo
haasow
La h.: haasaawe samayn.
haatan
fk. Hadda tan la joogo; amminka, hadda.
haati
/mg2 (-iyay, -isay) ld haadi.
haatif
Wax hadalkooda la maqlo oo aan muuqan. ld haatuf.
haaw
Firo, biddo.
haawasho
ld haawad.
haawey
Dad sabool ah oo ku nool qaraab iyo wixii ay helaan.
haawi
Weel af bannaan dabayl u dhigid.

