0

hormarsad

m l

Eeg: hormarsasho

0

hormarsasho

m f dh

ld hormarsad, hormarsi.

0

hormarsi

m l

Eeg: hormarsasho

0

hormarso

f g3 (-saday, -satay)

Wax hore u qadimasho.

0

hormayn

m f dh

Eeg: hormee

0

hormee

f g2 (-meeyay, -maysay)

1. Wax horin horin u qaybin. 2. Nafley hormo gelin.

0

hormo

m dh

1. ld Horin; ormo. 2. ld horayn.

0

hormoggal

m l (xis.)

Isku xiridda saddex ama dhowr kutirsane oo uu u dhexeeyo xisaabfal labaale (*), taas oo natiijada aan ku xirnayn sida loo kooxeeyo lammaneyaasha kutirsaneyaal. Isugeynta iyo iskudhufashadu waa xisaabfallo hormoggala, kalagoynta iyo isuqaybintuna ma hormoggalaan.

0

hormoon

m l (baay.)

Dhacaan ay qanjirrada jirka qaarkood dhalaan oo dhiigga ku daraan dabadeedna dhaxalsiiya xubno badani inay shaqadooda fuliyaan, korriimada jirkana qayb weyn ka qaata.

0

hormosalaad

m l

Ku soo yaacidda meel wax yaalliin ama wax ka dhaceen lagu soo yaaco. ld qamaan¹.

0

hormosalaadid

m dh

ld qamaamid.

0

hormuud

m l (-dyo, m.l)

1. Qof kulliyad, machad iwm madax u ah. 2. Qof xeerbeegti garwadeen u ah. 3. Madax, hogaamiye.

0

hornaan

m f dh

ld hornaansho.

0

hornaansho

m l

Eeg: hornaan

0

hornaq

m l (c.cimi.)

Waqti xagaaga ama jiilaalka ah marka qorraxdu dul joogto barta ugu fog woqooyiga ama koonfurta badhaha.

0

horniin

m l

Eeg: horayn

0

horo

f g3 (-rtay, -ratay)

Xoolo ooman biyo hormo-hormo ugu sii daysasho.

0

horog

m l

Midab madow oo xooluhu qaarka hore ku yeeshaan.

0

horor

m l kh

H. ah: qof ama dugaag xoog wax ku qaata.

0

hororid

m f dh

Eeg: horor²

0

horraan

m l

H.kiisa, h.keeda. ld horraanti.

0

horraanti

m dh

Eeg: horraan

0

horrad

m l

1. H. ah: neef dhalay oo xeradii ilmuhu ugu jireen u cararaya. 2. ld horrasho.

0

horrasho

m f dh

ld horrad (2).

0

horrayn

m f dh

Eeg: horree

0

horraysii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Wax dhanka hore xijin.

0

horraysiin

m f dh

Eeg: horraysii

0

horree

f mg2 (-reeyay, -raysay)

Ka h.: wax, wax kale hortiisa jirid.

0

horro

f mg3 (-aday, -atay)

Neef ido ah oo ilmihiisu xerada looga reebay, galabnimo dhanka aqalka u soo cararid.

0

horseed

m l (-dyo, m.dh)

Qof marka la degayo hore loo diro oo meesha la degayo sii asteeya.

0

horseedid

m f dh

Eeg: horseed²

0

horseednimo

m dh

Horseed ahaansho.

0

hortaag

f lg1 (-gay, -gtay)

Wax dhanka hore istaajin.

0

hortaagan

f mg4 (-gnaa, -gnayd)

Wax, wax ku hor gudban ahaansho.

0

hortaagid

m f dh

Eeg: hortaag

0

hortaagnaan

m f dh

ld hortaagnaansho.

0

hortaagnaansho

m l

/dh ld hortaagnaan.

0

hortag

m l

Eeg: hortegid

0

hortegid

m f dh

ld hortag¹.

0

horudhalow

m l (-wyo, m.dh)

Fool beenaad xoolaha qabata oo calaamadihii foosha leh.

0

horudhigid

m dh

Saacad iwm hore gayn.

0

horujeed

m l kh (-dyo, m.dh)

1. Qof wax hareerihiisa ka socda aan la socon. 2. Arday quraankii weli wada oo aan naqtiin gaarin. 3. Qof daacadnimo badan.

0

horukac

m l (-cyo, m.dh)

Horumar la gaaro.

0

horukicid

m dh

1. Samaynta horukac la sameeyo. 2. ld horukac.

0

horummar

m l

Eeg: hormar¹

0

horummarin

m dh

1. Gaarsiinta cid horumar la gaarsiiyo. 2. Lacag yar oo cid loo qaddimo.

0

horummarsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Cid horukac gaartay ahaansho.

0

horummarsanaan

m f dh

ld horummarsanaansho.

0

horummarsanaansho

m l

/dh ld horummar-sanaan.

0

horusocod

m l (siyaa.)

Qofkii haysta fikrad horusocod, oo jecel isbeddel in uu dhaliyo.

0

horusocodnimo

m dh

Horusocod ahaansho.

0

horutibyee

f g2 (-yeeyay, -yeysay)

Eeg: horatibyee

0

horutibyeyn

m dh

Eeg: horatibyeyn

0

horutibyo

m dh

Eeg: horatibyo

0

horutubyee

f g2 (-yeeyay, -yeysay)

Eeg: horatibyee

0

horutubyeyn

m dh

Eeg: horatibyeyn

0

horutubyo

m dh

Eeg: horatibyo

0

horweyn

m l (-nno, m.dh)

1. Geel guran oo badan oo aan cidaha la joogin ee meel kale lagu hayo. 2. Geel badan.

0

horyaal

m l (-llo, m.dh)

1. Madax; horfiiq. 2. Cidda koobka ciyaarta ku guulaysato. 3. (-llo, mdh.) Xakabadda ceelasha kan ugu weyn oo ugu hooseeya.

0

horyaale

m l (-layaal, m.l/dh)

(nax.) Curiye aan doorsoomin oo hawshiisu tahay in layeele dadban uu qabadsiiyo falka weerta. Tus. “Safiya baa salligaas ku tukatay”.

0

horyaalnimo

m dh

Horyaal ahaansho.

0

horyerid

m l

Hoore layiig ah oo ku jira gudaha, ka soo horreeya marka ilmaha naasleydu dhalanayaan.

0

hoteel

m l (-llo, m.dh)

Aqal dadka socotada ahi kiraystaan.

0

hoy

f g2 (-yay, -ysay)

Eeg: hoo³

0

hoyaad

f mg1 (-day, -dday)

Xoolo dad iwm hoyaadid.

0

hoyaadi

f g2 (-iyay, -isay)

Xoolo, dad iwm waqti galab ah hoy u kaxayn.

0

hoyaadid

m f dh

Eeg: hoyaad²

0

hoyaadin

m f dh

Eeg: hoyaadi

0

hoyaatimid

m f dh

Eeg: hoyasho

0

hoyaatin

m l

1. Waqti qorrax dhac ah oo hoy la aado. 2. H. ah: nafley u socota meeshii ay ku hoyan lahayd. 3. ld hoyasho.

0

hoyad

m l

Eeg: hoyasho

0

hoyasho

m f dh

ld hoyaatimid, hoyaatin¹ (3), hoyad.

0

hoyi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: hoo³

0

hoyin

m f dh

Eeg: hoyn

0

hoyn

m f dh

ld hoyin.

0

hoyo

f mg3 (-yday, -yatay)

Habeen meel ku baryid. ld hoyaatin².

0

hu

m l u

1. Dhar la qaato. 2. ld hub¹. ld hub¹.

0

hub

m l u

1. Qalab lagu dagaalamo. 2. ld hu.

0

hubaal

m dh

Xog run ah oo wax la xiriirta; xaqiiq.

0

hubanti

m dh

Wax hubaal ah.

0

hubayn

m f dh

Eeg: hubee

0

hubaysan

f mg1 (-smay, -santay; -smi)

1. Cid qalab lagu dagaalamo haysata noqosho. 2. Cid arrad tiran noqosho.

0

hubaysmid

m f dh

Eeg: hubaysan¹

0

hubaysnaan

m f dh

ld hubaysnaansho.

0

hubaysnaansho

m l

/dh ld hubaysnaan.

0

hubee

f g2 (-beeyay, -baysay)

1. Cid qalab dagaal siin. 2. Cid dhar siin.

0

hubi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax runtooda gaarid.

0

hubid

m f dh

Eeg: hub²

0

hubin

m f dh

Eeg: hubi

0

hubiwaa

m l

Wax aan la hubin; shaki.

0

hubkadhigid

m dh

Qaadidda cid hub laga qaado.

0

hubqaad

m l

1. (-dyo, m.l) Fil lagu dagaal geli karo oo la gaaro. 2. Qaab dharka loo xirto.

0

hubqaadasho

m dh

Diyaar garowga iyo qalab uruursiga cid dagaal geli rabta ay samayso. ld hubqaadid.

0

hubqaadid

m dh

Eeg: hubqaadasho

0

hubsad

m l

Eeg: hubsasho

0

hubsasho

m f dh

ld hubsad, hubsi, hubsiimo, hubsiino.

0

hubsi

m l

Eeg: hubsasho

0

hubsiimo

m dh

U kuurgelidda wax xaqiiqdooda loo kuur galo. ld hubsasho.

0

hubsiino

m dh

Eeg: hubsasho

0

hubso

f g3 (-saday, -satay)

Wax xaqiiq-dooda ogaasho.