0

higgo

m dh

Eeg: hingo¹

0

higgoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Eeg: hingoo

0

higgood

m l

Eeg: hingood

0

higil

m l (-llo, m.dh)

Muuqaal meel fog laga arko oo aan la sixi karin waxa uu yahay.

0

higley

m l

Eeg: higlo

0

higlo

m dh

Geed dhirta waaweyn ka mid ah oo aan qodax lahayn, weligiis cagaaran, miro la cunana leh. ld higley.

0

higsasho

m f dh

Eeg: higso

0

higso

f g3 (-saday, -satay)

Si degdegsiinyo leh, wax horay u tegey u tiigsasho.

0

hiif

f g1 (-fay, -ftay)

Ereyo huruuf ku jiro cid aan la jeclayn u jeedin. ld huuf².

0

hiifid

m f dh

ld huufid.

0

hiig

f g1 (-gay, -gtay)

Harag, suun iwm hiige ku xoqid.

0

hiigasho

m f dh

Eeg: hiigo

0

hiige

m l (-gayaal, m.l/dh)

Qori, bir iwm oo hargaha, saamaha iwm lagu jilciyo.

0

hiigid

m f dh

Eeg: hiig

0

hiigo

f g3 (-gtay, -gatay)

Meel isku xoqid (xoolo)

0

hiihiile

m l

Mariid waabaayo daran leh.

0

hiijo

m dh

Nac iyo colaad ku dhalata qof wax la gaarsiiyo.

0

hiil

f mg1 (-lay; -iishay)

Eeg: hiili

0

hįil

m dh

Digo xoolaad oo uruurtay.

0

hiilee

f g2 (-leeyay, -leysay)

Dab iwm hiil ku shubid.

0

hiileyn

m f dh

Eeg: hiilee

0

hiileysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax la hiileeyay ahaansho.

0

hiileysasho

m f dh

Eeg: hiileyso

0

hiileysnaan

m f dh

ld hiileysnaansho.

0

hiileysnaansho

m l

Eeg: hiileysnaan

0

hiileyso

f g3 (-stay, -satay)

Dab iwm hiil ku shubasho.

0

hiilgurasho

m f dh

Eeg: hiilguro

0

hiilguro

f mg3 (-rtay, -ratay)

Meel dhow u guurid.

0

hiili

f mg2 (-iyay, -isay)

Qof, qof kale uga danaanin. ld hiil², hiilli.

0

hiilid

m f dh

Eeg: hiilin

0

hiilin

m f dh

ld hiilid, hiilis, hiillin, hiillis.

0

hiilis

m l

Eeg: hiilin

0

hiiliyam

m l (kiim.)

Neef hal atamle ah oo midab aan lahayn; xubinta ugu horreysa neefaha wahsada (ururka 0 ee tusaha kalgalka curiyayaasha).

0

hiilley

m dh

Meesha ay sagaaradu si joogto ah ugu saxarooto.

0

hiilli

f mg2 (-iyay, -isay)

Eeg: hiili

0

hiillin

m dh

Eeg: hiilin

0

hiillis

m l

Eeg: hiilin

0

hiillo

m dh

Eeg: hiil¹

0

hiilyam

m l (kiim.)

Mid ka mid ah neefaha naadirka ah ee ku jira hawada, dhammaantood waxay ka koobanyihiin boqolkiiba .01 ee hawada qallalan; xaddiga hiiliyam mid buu ka yahay 200,000.

0

hiimammow

m l

Waqtiga ay kala guurayaan habeenka iyo maalintu ee aan indhuhu si fiican wax u arkin. ld himahiime, himhimmow, huumammow.

0

hiimammowsad

m l

Eeg: hiimammowsasho

0

hiimammowsasho

m f dh

ld hiimammowsad, himammowsi, huumammowsad, huumammowsi

0

hiimammowsi

m l

Eeg: hiimammowsasho

0

hiimammowso

f mg3 (-saday, -satay)

Wax arki waayid. ld huumammowso.

0

hiimo

m dh (kiim.)

Molikiyuul bir ka kooban, kaas oo ugu xidhan borotiinnada sida kooinsaymyada ama kooxo falgallada dedjiya si ay u sameeyaan hiimoboro-tiinno.

0

hiimofiiliya

m dh (daaw.)

Astaan ama cudur lagu yaqaanno labka, kaas oo awoodda xinjirowda dhiigga ay ka maqantahay.

0

hiimoglobiin

m l (c.nafl.)

Mid la mid ah koox borotiinno ah oo wareegsan oo badanaaba laga helo xayawaanka iyada oo loo adeegsado inay qaadaan ogsajinta dhiigga.

0

hiindo

m dh (-ooyin, m.l)

Hooyo.

0

hiinraac

m l (-cyo, m.dh)

Qof si fudud u rumaysta hadallada naca iyo diradiruhu ku jiro.

0

hiinraag

f mg1 (-gay, -gtay)

Wax meel tuuran noqosho (alaab). ld hinraag².

0

hiinraagid

m dh

Wax meel tuuran ahaansho (alaab). ld hinraagid.

0

hiinsad

m l

Eeg: heensasho

0

hiinsasho

m dh

Eeg: heensasho

0

hiinsi

m l

Eeg: heensasho

0

hiinso

f g3 (-saday, -satay)

Eeg: heenso

0

hiiqley

m dh

Eeg: xiiqley

0

hiir

m dh

1. Arooryo hore. 2. Salxanyo dhaadheer. ld hiiro.

0

hiirammaal

m l

Maalidda xoolaha subax hore intaysan qorraxdu soobixin la maalo.

0

hiirammaalid

m f dh

ld hiirammaalis.

0

hiirammaalis

m dh

Eeg: hiirammaalid

0

hiireysad

m l

Eeg: hiireysasho

0

hiireysasho

m f dh

ld hiireysad, hiireysi.

0

hiireysi

m l

Eeg: hiireysasho

0

hiireyso

f mg3 (-stay, -satay)

Arooryo hore kallihid.

0

hiiro

m dh

Eeg: hiir

0

hiirtaayo

m dh

Xusuusashada ama gocoshada dhib hore u dhacay. ld hiitaanyo.

0

hiitaanyo

m dh

Eeg: hiirtaayo

0

hijra

m dh

Eeg: hijro

0

hijro

m dh

Dhibaato dhacday awgeed oo meel laga tago. ld hijra.

0

hikaad

m dh

Eeg: higgaad

0

hikaadi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: higgaadi

0

hikaadin

m dh

Eeg: higgaadin

0

hikaadis

m l

Eeg: higgaadin

0

hil

m l (-lal, m.l)

1. Boqol siib oo caw ah oo isku xiran. 2. Meel jiq ah oo webiga jiinkiisa ah. 3. Suuman ama xargo lagu xiro weelasha. 4. In culays ah oo nafley mar qaadi karto (h.kiisa, h.keeda). 5. Jawaan, derin iwm oo dhowraarin looga dhigo qarbadka la dhaansado.

0

hilaad

m dh

Wax aan tiradoodu sugnayn.

0

hilaadi

f g1

/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Wax qiyaastooda malayn. 2. Wax odorosid(roob).

0

hilaadin

m dh

Eeg: hilaadiyid

0

hilaadis

m l

Eeg: hilaadiyid

0

hilaadiyid

m f dh

ld hilaadin, hilaadis.

0

hilan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

1. Wax hil lagu xiray ahaansho (weel). 2. Wax tankiisu u dhanyahay oo aan wax kale qaadi karin ahaansho (gaadiid).

0

hilasho

m f dh

Eeg: hilo²

0

hilay

m l

1. Xarig weel lagu hilo. 2. (-yo, m.dh) Derin yar oo duug ah. 3. (-yo, m.dh) Callaal caw ka samaysan oo timirta lagu rito.

0

hilbawadaag

m l

Xiriir qaraabannimo.

0

hilbawadaageen

m l

Eeg: hilbawadaag²

0

hilbee

f g2 (-beeyay, -beysay)

1. Wax cad-cad u googoyn. 2. Neef qalid. 3. Qof tumid ilaa uu jilco.

0

hilbeyn

m f dh

Eeg: hilbee

0

hilbeysad

m l

Eeg: hilbeysasho

0

hilbeysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax tumid lagu jilciyey ahaansho.

0

hilbeysasho

m f dh

ld hilbeysad, hilbeysi.

0

hilbeysi

m l

Eeg: hilbeysasho

0

hilbeysnaan

m f dh

ld hilbeysnaansho.

0

hilbeysnaansho

m l

/dh ld hilbeysnaan.

0

hilbeyso

f g3 (-stay, -satay)

1. Neef qalasho. 2. Nafley naaxid.

0

hile

m l

Xarig aan dheereyn oo xababka lagu raro marka la dhaansho.

0

hilib

m l (-lbo, m.l)

Jiirta iyo baruurta ka baxda oogada nafleyda.

0

hilib-ure

m l (-rayaal, m.l/dh)

Hilib ku yaal sarcanyaha iyo kilkilooyinka xoolaha.

0

hilibcinjir

m l (-rro, m.dh)

Dhiig fariistay dhaawac awgiis.

0

hilibcune

m l (-nayaal, m.l/dh)

(c.nafl.) Xayawaan quuta cunto ka timid xayawaan. Hilib cunayaashul waxay leeyihiin ilko fiiqfiiqan oo si fiican u jar jari kara hilibka. Tusaale: libaaxa.

0

hilibdalqe

m l

Hilib yar oo dhuuban oo dalqada korkeeda ka soo laallaada. ld hilibdalqo.

0

hilibdalqo

m dh

Eeg: hilibdalqe