halalaco
Cudur geedka digirta ku dhaca oo caleenta ka daadiya.
halalicid
egg halalac³. ld halalac¹.
halamacood
Holac.
halamash
Socod kala daadsan oo si fool xun loo socdo. ld halamashle (1).
halamashle
1. ld halamash. 2. Daal, harraad iyo gaajo badan la kulmid. ld halamash.
halamashlee
Si halamash ah u socosho.
halaq
1. Xamaaratada inta bogga ku socota sida maska, goodka iwm. 2. Nooc ka mid ah masaska. 3. Jinni.
halaqdile
1. Nooc ka mid ah shimbiraha ugaarsada. 2. Geesi, halyeey.
halaqjaflayn
ld halaqjaflays.
halaqjaflaysasho
ld halaqjaflaysad, halaqjaflaysi.
halaqjaflayso
Saddexda goor ee wax la cuno ka hor halaqjafle cunid.
halaqjafle
Cunto yar oo saddexda goor ee wax la cuno maalinta, ka hor la cuno oo cuntada lagu sugo .
halaqjaflee
Halaqjafle cunid.
halaqjalaqlaysasho
ld halaqjalaqlaysad, halaqjalaq-laysi.
halaqjalaqlayso
Arrin laga hadlaayo wax yar ka sheegid.
halaqjalaqlee
Arrin laga hadlaayo wax yar ka sheegid.
halase
Dab korka dambas ka saaran-yahay hoosna ka nool. ld halas.
halaydh
(kiim.) Iskudhis uu ku jiro halojiin.
halbeeg
Xaddi lagu heshiiyey in uu u taaganyahay cabbir (mitir, dherer, seken, ammin, kiilogaraam, cuf iwm).
halbowle
1. Xididdaha waaweyn ee wadnaha dhiigga ka qaada oo oogada wada gaarsiiya midkood. 2. Meel ama wax muhiim ah.
halbowle-bawdeed
(c.nafl.) Halbowle ka soo baxa halbowle diba-deedka misigta, wuxuuna waraabiya muruqyada bawdada.
halbowle-buufiye
(c.nafl.) Halbowlaha ugu weyn ee dhiigga gaadhsiiya madaxa.
halcaamood
Nooc masaska dheereeya ka mid ah oo aan wax yeello lahayn. ld mascaanood.
halcasho
ld halcad.
halci
Hilib olol ku dubid.
halcin
ld halcis.
halco
Jir gubtay kul ka dareemid.
halcun
1. Carjawda ka soo fiiqan cunaha ragga. 2. Qof hadalka shigshiga.
haldhaa
Gorayada keeda lab.
haldhac
1. Eray ama hadal aan la doonayn in la sheego oo si aan loo qasdiyin u soo dhacay. 2. Deelqaaf; gaf. 3. (u) Miro bislaaday oo soo daatay.
haldhacsasho
ld haldhacsad, haldhacsi.
haldhacso
1. Geed miro bislaaday daadin. 2. Ka h.: xog la qari-nayey cid ka helid.
haldhami
Badar haldhan ka saarid.
haldhamin
ld haldhamis.
haldhan
Badar buunshadii laga saaray.
haldhansan
Badar wax haldhankii laga saaray ahaansho.
haldhansanaan
ld haldhansanaansho.
haldhansanaansho
/dh ld haldansanaan.
haldhansasho
ld haldhansad, haldhansi.
haldhanso
Badar haldhan kala bixid.
haldhurre
1. Haldhaa gooni daaq ah. 2. Cunug gorayo kali ku ah. 3. H. ah: miro sooc ah ama qof ama neef xoolo ah oo door ah.
haleel
1. Wax la kulmid. 2. Wax helitaankoodu muhiim yahay la kulmid.
haleela-rin
Hal marka ay dhasho si dhaqso ah u rinta.
haleelid
ld haleel¹.
haleelo
Geel markaa dhalay.
haleelsii
Wax, wax kale la kulansiin. ld haleeshii.
haleelsiin
ld haleeshiin.
halgaad
1. Wax sida ul, bur, qori ah oo gacanta lagu tuuro si wax loogu dhufto. 2. Tuuryo gacameed. 3. H. ah: ul weyn.
halgaadee
Ul weyn wax la dhicid.
halgame
Madaxa herinta, xagga toogta iyo ilaalinta habdhaqankooda.
halgan
Hawl ama wax kale oo qabashadooda loo dagaallamo ama loollan loo galo.
halhaleel
fk. Si dhaqso ah; degdeg. ld hallahalla, hallihalli.
halhayn
ld halhays.
halhays
1. Erey ama weer qof caadaysto in uu hadalkiisa soo dhexgeliyo had iyo jeer; halqabsi. 2. ld halhayn.
halhee
Mar kasta wax ama qof ka hadlid.
haliil
Ku h.: wax si xad dhaaf ah ugu degdegid (sida wax heliddood ama qof wax gaarsiintii).
halis
1. Xaalad waxyeello weyn keenta. 2. H. ah: khatar ah (meel).
halisnimo
Halis ahaansho.
haljalaflaysasho
ld haljaflaysad, haljaflaysasho, haljaflaysi.
haljalaflayso
Neef waddo ku socda siiba geela geedaha jidka dhinacyadiisa ku yaal hadba laan ka goosasho. ld haljaflayso.
haljalafle
Goosashada neef waddo ku socda siiba geela, uu geedaha jidka-dhinaciisa ku yaal hadba laan ka goosto. ld haljafle.
halkable
1. Qof aan gabay fiican aqoon oo hadba hal soo rida. 2. Gabarey-maanyo.
halked
Nooc libaax-badeedka ka mid ah.
halkudheg
1. Dulucda hadalka ku jirta. 2. Hadal kooban oo murti xambaarsan.
halladaadi
Wax baylahin.
halladaado
Isku ladidda wax qabashadooda la isku lado; baylax, dacdarro.
hallagaasheego
Istus tookh; faan.
hallayn
ld hallays.

