Words starting with 'H'
2,494 Somali words beginning with 'H' — page 17 of 25.
hilible
1. Qof hilibka ka ganacsada; kawaanle. 2. Kawaan.
hiliblee
Hilib ka ganacsasho.
hilibsafan
Dildillaac cirbaha dadka yeeshaan. ld safan.
hilibtahan
Qof hilibka aad u cuno. ld hilibyahan.
hilif
/dh (-fyo, m.l/dh) 1. Cad yar oo maro, derin, raar iwm oo duug ah. 2. Ruux bar yar.
hilin
Waddo ay samaysay cagta dadka ama xoolaha.
hillaac
Daruuro isku dhacay iftiin bixin.
hilnaan
ld hilnaansho.
hilnaansho
/dh ld hilnaan.
hilo
Webiga meelaha xooluhu biyaha ka cabbaan.
hilow
Xiiso qof ama meel u qabid.
hilqad
1. Biro sida faraatiga u galgaloolan oo daahyada iyo qoriga lagu xirayo isku haya. 2. Dhegaha dumarku ay qaataan middood. 3. Fadhi dad badan si wareeg ah u fadhiyaan. 4. Summad xoolaha lagu dhigo.
himbiriirsasho
ld himbiriirsad, himbiriirsi.
himbiriirso
Indho biniixin si wax aan si fiican u muuqan loo arko.
himil
Laamo la isku xirey oo wax lagu dhiso.
himilaqaad
Qof gaashaanqaad ah.
himilee
Wax cabbirkooda ama qiyaastooda raadin.
himilo
1. Hawo; riyo. 2. Himmad galmo.
himir
Geed-mirood, miro macaan, laf adag, oo fandhaallada, dhurayaasha iwm laga qoro. ld hamir.
himise
Iftiinka liciifka ah ee qorrax soo baxa iyo qorrax dhaca.
himli
Wax culayskooda qiyaasid.
himmadjabsanaan
/dh ld himmajabsa- naan.
himmadjabsanaansho
/dh ld himmajab-sanaan.
himmajab
Qof wax uu u hanweynyahay waayey niyadxumo dareemid. ld himmadjab².
himmajabid
ld himmadjabid.
himmajabsan
Wax himmajabay ahaansho. ld himmadjabsan.
himmajabsanaan
ld himmadjabsanaan, himmadjabsa-naansho, himmajabsanaa.
himmajabsanaansho
/dh ld himmajab- sanaan.
himmajebi
Cid himmadjab ku ridid. ld himmadjebi.
himmajebin
ld himmadjebin, himmadjebis, himma-jebis.
himmo
Niyad rabitaan oo wax loo hayo.
himmoo
Rabitaan galmo dareemid.
hinaas
Masayr dareemid.
hinaase
1. Hinaas. 2. Qof masayr badan.
hinaasi
Cid masayr ku abuurid.
hinaayo
Uurkutaallo.
hindhis
o sii dayn.
hindhiso
Neef kedis ah, xoog leh, wadata duuf oo laga sii daayo sanka iyo afka.
hindis
Wax cusub oo aan hore u jirin abuurid.
hindisaad
Abuuridda wax aan hore u jirin oo cusub la abuuro. ld hindisid.
hindise
1. Wax cusub. 2. Himilo. ld hindiso.
hindisid
ld hindisaad.
hindisoo
Wax gaaristood ku taamid.
hingilan
Wax dibbirsan ahaansho.
hingilnaan
ld hingil-naansho.
hingilnaansho
/dh ld hingilnaan.
hingoo
Higgo sii deyn. ld higgo², higgoo, hingo.
hingood
ld higgasho, higgood, hingasho.
hinifsasho
ld hinifsad, hinifsi.
hinifso
Dareere yar oo weel salkiisa ku jira ka laacid.
hinji
1. Wax culus in yar kor u qaadid. 2. Culays weyn qaadid.
hinjibiso
1. Hayaamiso; hayoomiso. 2. Cudur hinjibisadu keento.
hinjin
ld hinjis.

