0

humburuq

m dh (-qyo, m.l)

Nooc qoolleyda ka mid ah oo yaryar.

0

humhumasho

m f dh

Eeg: humhumo

0

humhumo

f g3 (-saday, -satay)

Maro duug ah toltolasho.

0

humid

m f dh

Eeg: hun²

0

hummaag

m l (-gyo, m.dh)

Muuqaal aan si fiican loo arag.

0

hummaagsad

m l

Eeg: hummaagsasho

0

hummaagsasho

m f dh

ld hummaagsad, hummaagsi.

0

hummaagsi

m l

Eeg: hummaagsasho

0

hummaagso

f mg3 (-saday, -satay)

Wax aan si fiican u muuqan eegid.

0

hummaaji

f g2 (-iyay, -isay)

Wax cid u baacin si loo cabsi geliyo.

0

hummaajin

m f dh

ld hummaajis.

0

hummajis

m l

Eeg: hummajin

0

humo

f g3 (-untay, -umatay)

Maro duug ah tolasho.

0

hun

m l

Maro aad duug u ah.

0

hundho

m l

Gobaha qoriga ka samaysan.

0

hundhur

m l

Madax foorarinta qof madaxa hoos u foorariyo murugo ama ciil dartiis.

0

hundhurid

m f dh

Eeg: hundhur²

0

hundhursad

m l

Eeg: hundhursasho

0

hundhursan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax hundhura ahaansho (qof).

0

hundhursanaan

m f dh

ld hundhursanaansho.

0

hundhursanaansho

m l

/dh ld hundhur-sanaan.

0

hundhursasho

m f dh

ld hundhursad, hundhursi.

0

hundhursi

m l

Eeg: hundhursasho

0

hundhurso

f mg3 (-saday, -satay)

Ciil murugo darteed madaxa hoos u foorarin (qof).

0

hundo

m dh

Dhul carrasan ah, hawd ahayn, leh bannaanno, kuro, togag, biyaqabatinno, iwm.

0

hundud

f mg1 (-day, -dday)

Cid hoos u foorarid. ld rundud.

0

hundudid

m f dh

ld rundudid.

0

hunfey

m dh (-yo, m.l)

Nooc shimbiraha ka mid ah oo hilibka iwm dafta; dafo.

0

hungee

f g2 (-geeyay, -geysay)

Cid hungo badid.

0

hungeyn

m f dh

Eeg: hungee

0

hungid

m dh

Eeg: hongid

0

hungo

m dh

1. Meel aan waxba oollayn. 2. ld hingo¹.

0

hungod

m dh

Eeg: hongod

0

hungoobid

m f dh

Eeg: hungow

0

hungow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Cid wax seegid.

0

hunguri

m l

1. (-iyo, m.dh) Dhuunta afka, sanka iyo caloosha nafleyda isu haysa oo cuntadu marto. 2. ld hunguri-cad. 2. Cun-to.

0

hunguricad

m l

1. Xubin dhuunta ka mid ah oo neeftu marto. 2. ld hunguri.

0

hungurijuqjuq

m l

Rabitaan dheeraad ah oo cid ku dhaliya in ay cuntada sugi weydo.

0

hunguriweyn

f mg4 (-naa, -nayd)

Qof dhuuni ah ahaansho.

0

hunguriweynaan

m f dh

ld hunguriweynaansho, hunguriweyni.

0

hunguriweynaansho

m l

/dh ld hunguri-weynaan.

0

hunguriweyne

m l (-nayaal, m.l/dh)

Qof dhuuni ah.

0

hunguriweyni

m dh

Eeg: hunguriweynaan

0

hungurixume

m l (-mayaal, m.l/dh)

Qof dhuuni ah.

0

hungurixumo

m dh

Si xun oo wax loo doono.

0

hunguriyee

f g2 (-yeeyay, -yeysay)

Wax damcid.

0

hunguriyeyn

m f dh

Eeg: hunguriyee

0

hunguriyoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

U h.: wax damcid (qof).

0

hunguriyood

m f l

Eeg: hunguriyoo

0

hunnati

m l (-iyo, m.dh)

1. Sun qatar ah. 2. Waxmatare.

0

hunnuhunnu

m dh

1. Hadal hoos loo yiri oo aan si wacan loo maqlayn. 2. War aan la hubin.

0

hunqaac

f mg1 (-cay, -cday)

Mantagid.

0

hunqaaci

f g2 (-iyay, -isay)

Qof mantajin.

0

hunqaacid

m f dh

Eeg: hunqaac

0

hunqaacin

m f dh

Eeg: hunqaaci

0

hunqaaco

m dh

Matag.

0

hunri

m l

Kulayl badan ee qorraxeed.

0

hunug

f mg1 (-ngay, -nugtay)

Eeg: honog²

0

hunyuc

f mg1 (-cay, -cday)

Eeg: huyuc²

0

hunyucsad

m l

Eeg: hunyucsasho

0

hunyucsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: huyucsan

0

hunyucsanaan

m dh

Eeg: huyucsanaan

0

hunyucsanaansho

m l

/dh ld huyucsanaan.

0

hunyucsasho

m f dh

ld hunyucsad, hunyucsi

0

hunyucsi

m l

Eeg: hunyucsasho

0

hunyucso

f g3 (-saday, -satay)

Wax meel ku huursasho.

0

huq

m dh

1. Dareen xooggan oo murugo leh. 2. Uurkutaallo.

0

hur

f g

/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) U h.: cid wax u hibayn. 2. (f.mg) Dab bixid.

0

huraanhuriye

m l

Nooc ka mid ah mariidka oo neefka ku rida neeftuur badan, sidii isagoo orod aad u dheer soo galay neefta ku xiranta dabadeedna wuu dhintaa.

0

huran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Wax lagu khasbanyahay ahaansho. ld hurran.

0

hurdamid

m f dh

Eeg: hurdan²

0

hurdan

m l

Ciyaar gaar ah oo haraati ama laad dadban la isladhaco.

0

hurdansii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Laba wiil hurdan ciyaarsiin.

0

hurdansiin

m f dh

Eeg: hurdansii

0

hurdeysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Cid hurdo hayso ahaansho.

0

hurdeysii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Cid seexin. ld hurdisii.

0

hurdeysiin

m f dh

ld hurdisiin.

0

hurdeysnaan

m f dh

ld hurdeysnaansho.

0

hurdeysnaansho

m l

/dh ld hurdeysnaan.

0

hurdi

m l

Midab u dhexeeya midabka cagaarka iyo kan liinta una eg midabka sacfaraanka.

0

hurdid

m f dh

Eeg: hurud

0

hurdin

m f dh

huruusho

0

hurdisii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Eeg: hurdeysii

0

hurdisiin

m dh

Eeg: hurdeysiin

0

hurdo

m dh

Xaalad xubnaha jirka nafleydu nasasho ku jiraan, indhaha la isku hayo oo aan garaadka iyo maankuba shaqaynayn.

0

hurdo-diid

m l

Nooc ka mid ah ciyaaraha la raacsiiyo muusikada shareero, waxaana ciyaara beeraleyda ku sugan degaanka webiga Shabeelle.

0

hurdoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Cid hurdo dareemid.

0

hurdood

m f l

Eeg: hurdoo

0

hurdoqar

m l

Hurdo weyn oo aan qofka la kicin karayn.

0

hurdoyari

m dh (daaw.)

Hurdo imaasho la'aan ama seexasho la'aan muddo caadi ah, taas oo keenta daal joogto ah.

0

hurguf

m l

Jafidda habaas, biyo iwm wax laga jafo. ld hurgufid.

0

hurgufan

f mg4 (-fnaa, -fnayd)

Wax la jafay ahaansho.

0

hurgufasho

m f dh

Eeg: hurgufo

0

hurgufid

m f dh

ld hurguf¹.

0

hurgufnaan

m f dh

ld hurgufnaansho.

0

hurgufnaansho

m l

/dh ld hurgufnaan.

0

hurgufo

f g3 (-ftay, -fatay)

Maro, derin iwm habaas, biyo iwm ka jafasho.

0

hurgumasho

m f dh

Eeg: hurgumo

0

hurgumeysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax hurgumo ku jirto ahaansho. ld hurgunsan.

0

hurgumeysnaan

m f dh

ld hurgumeysnaansho, hurgunsanaan, hurgunsanaansho.