Words starting with 'H'
2,494 Somali words beginning with 'H' — page 10 of 25.
hanweynaansho
/dh 1. eeg hanweynow. 2. ld hanweyni.
hanweyni
Dareen qof ku dhaliya in uusan qaadan, waxyaabaha uu u qabo in aanay u qalmin; qab weyn leh. ld hanweynaan.
hanweynow
Qof hanweyni qaba noqosho.
haq
Harraad iyo gaajo badan.
haqab
Baahi, dan.
haqabbeel
Baahibeelidda wax laga baahibeelo. ld haqabbeelid.
haqabbeelid
ld haqqabbeel¹.
haqabtir
Cid baahi tirid.
haqad
1. Cad yar, beer ka mid ah oo qof maalin fali karo. 2. ldhardafin haqasho. 3. Qarar dhaadheer oo xeebaha ku yaal.
haqasho
ld haqad (2).
haqi
Cid harraad iyo gaajo ku dilid.
haqo
Haq u dhimasho.
har
1. Wax if qabtay hooska uu bixiyo. 2. Meel dusha ka dedan, waab, guri iwm hooskooda qabow.
haraa
1. H. ah: Neef xoolo ah oo weligiiba ka hara xoolaha uu la soofo. 2. Baaqi. ld hardabaa.
haraahirsanaansho
/dh ld hiraahirsanaan.
haraanhirsanaansho
/dh ld hiraahir-sanaan.
haraaryo
Neef-tuur xooluhu samee-yaan wakhtiga kulaylaha markay qooraxdu qabato.
haraaryoo
Haraaryo samayn.
haraati
Nooc ka mid ah warmaha waaweyn.
haraatiggeelle
Kobajaa.
haraatiyid
haraati³. ld haraatin, harraatin, harraatiyid.
harac
Hoos weyn oo qabow oo ay geedaha waaweyni yeeshaan.
harag
Maqaar nafleyda oogada kore uga rogan.
haragmaqaar
Harag si gaar ah loo tolay oo nafleyda irmaan oo ay ilmuhu ka dhinteen lagu godliyo; gandool.
haragwaxar
Maqaarka waxaraha oo inta la qalajiyey laysku tolay, oo gogol ahaan loo isticmaalo.
haram
(xis.) Muuqaal adke ah.
haramcad
Naasley duur joog ah, hilib ku nool ah, oo laga helo Afrika, una eg shabeel, laakiin ka jurmi weyn. ld haramcas.
harame
Caws iyo nagaar iskood uga baxa beeraha. ld harammo.
haramee
1. Beer caws xun ka gurid. 2. Wax nijaasayn.
harammo
Caws yaryar oo beeraha ka baxa oo dalagga guba haddii aan laga falin. ld harame.
haran
Wax nijaaso leh.
harari
Nooc jaadka ka mid ah oo Harar ka baxa.
haraysan
Meel hoos leh ahaansho.
haraysnaan
ld haraysnaansho.
haraysnaansho
/dh ld haraysnaan.
harbi
Wax biyo ku dhex jira horay u riixid.
harbin
ld harbis.
hardaf
1. Nooc orodka fardaha ka mid ah. 2. ld hardafid.
hardafi
Si hardaf ah faras u ordisiin.
hardafid
ld hardaf¹ (2).
hardamid
ld hardan¹, hertamid, hertan¹.
hardan
Isku dhufashada laba nafley madaxa isku dhuftaan. ld hardamid.
hardi
Madaxa oo wax lagu dhufto. ld herti¹.
hardiyid
ld haratin, hardin, hertin.
haree
1. Wax har u yeelid. 2. Wax iftiin ka qarin.
hareed
Timo ka soo baxa labada dhaban ee ragga. ld harreed.
hareef
1. Qof tabar daran. 2. Qof aan muuqaal wanaagsanayn. 3. Wax soo haray. 4. Derin duug ah.
hareer
Dhinac; barbar.
hareeree
Wax dhinac kasta ka marid.
hareereysan
Wax hareer kasta looga meersan yahay ahaansho.
hareereysnaan
ld hareereysnaansho.
hareeri
Geed aan qodax lahayn, dhirta waaweyn ka mid ah oo toos u baxa.
hargaamee
Si nac ku jiro qof wax u yeelid.
hargaamo
Si nacabnimo ah oo qof loo waxyeelleeyo.
hargaanti
/dh (-iyo, m.l) 1. Qof ugaarsashada aad u yaqaan. 2. Qof hawlkar ah.
hargab
Xanuun qufac, hindhiso iyo xummad leh oo dadka ku dhaca; duray. ld hergeb.
hargabsan
Wax hargab hayo ahaansho.
hargabsanaan
ld hargabsanaansho.
hargabsanaansho
/dh ld hargabsanaan.
hargal
1. Waqtiga u dhexeeya duhurkii iyo casirkii. 2. ld hargelid. ld hargalmo, hergel¹, hergalmo.
hargaweylaalis
Hargo weylo yaryar oo inta laysku tolay gogol laga dhigto.
hargeli
Xoolo meel hoos leh oo ay qorraxda ka galaan geyn. ld hergeli.
hargelid
ld hargal¹, hergelid.
hargelin
ld hargelis, hergelin, hergelis.
hari
Wax meel hoos ah gayn.

