0

holon

m l

1. Dabayl kulul; hongorre. 2. Gaajo iwm. 3. Carro, dambas iwm.oo kulul. ld holan.

0

hongid

m f dh

ld hungid.

0

hongod

m dh

Garbaha oo hore yara u soo gota. ld hungod.

0

hongorre

m l

Dabayl kulul; hanfi.

0

honog

f mg1 (-ngay, -nogtay; -ngi)

Sanka dhiig ka sii deyn. ld hunug.

0

honono'

m dh

Marka geelu xilligii uu dhali lahaa muddo yar ka hor dhalo; horaadis.

0

honono'id

m f dh

'³.

0

hontorro

m dh

Geed bixiya miro kulku-lucsan oo tiinka u eg oo macaan badan markay bislaadaan. ld ontorro.

0

hoo

f g1 (-ooyay, -oyday; -ooyi)

1. Cid wax loo soo taagay ama la siiyey qaadasho. 2. H.!: qabo!, qaado!

0

hoobaalayn

m dh

Eeg: hooyaalayn

0

hoobaale

m l

Eeg: hooyaale

0

hoobaalee

f mg2 (-leeyay, -leysay)

Eeg: hooyaalee

0

hoobaan

m dh u

Miro aad u bislaaday.

0

hoobad

m l (-dyo, m.dh)

1. (-dyo, m.dh) Meel degaandeg ah. 2. ld hoobasho.

0

hoobal

m l (-llo, m.dh)

1. (riw.) Qof heesaa ah ama jila riwaayadaha. 2. Qof dheela ciyaaraha. 3. Shaydaanka ugu weyn cayaaraha la tunto. ld hobol.

0

hoobalad

m dh

Haweeney u go'day fanka iyo suugaanta; fannaanad.

0

hoobale

m l

Eeg: hooyaale

0

hoobasho

m f dh

ld hoobad.

0

hoobeyaa

m l

Halqabsi lagu billaabo ama loo adeegsado huwaaleyda oo ah heesta carruurta lagu hurdisiiyo.

0

hoobi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Ka h.: wax meel ka soo daadin. 2. Nafley layn.

0

hoobin

m f dh

ld hoobis.

0

hoobis

m l

Eeg: hoobin

0

hoobiye

m l (-yayaal, m.l/dh)

Qori boobe culus ah, lugo lagu istaajiyo leh oo xabbado badani ka dhacaan.

0

hoobo

f mg3 (-btay, -batay)

1. Meel taag ah ka daaddegid. 2. Nafley le'asho.

0

hoobsad

m l

Eeg: hoobsasho

0

hoobsasho

m f dh

ld hoobsad, hoobsi.

0

hoobsi

m l

Eeg: hoobsasho

0

hoobsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Weel buux-dhaafay si uusan u daadan wax qof ka cabsiin.

0

hoobsiin

m f dh

ld hoobsiis.

0

hoobsiis

m l

Eeg: hoobsiin

0

hoobso

f g3 (-saday, -satay)

1. Weel buuxdhaafay si uusan u daadan in ka cabid. 2. Wax meel ka daadasho. 3. Miro xaabsasho.

0

hoodaar

m l

1. H. ah: qof karti badan; diric; rag. 2. H. ah: qof nasiib badan. 3. (e.d) H.!: waa tahay!. ld hooddaar.

0

hoodaddee

f g2 (-deeyay, -deysay)

Qof danihiisa ka jeedin.

0

hoodaddeyn

m f dh

Eeg: hoodaddee

0

hoodaddo

m dh

Ka jeedinta qof danihiisa laga jeediyo.

0

hoodadee

f g2 (-deeyay, -deysay)

1. Qof danihiisa ku jeedin. 2. Qof si qarsoodi ah ugu hiilin.

0

hooddaar

m l

Eeg: hoodaar

0

hooddeyn

e d

Jawaabta loo celiyo qofka yiraahdo hooddi.

0

hooddi

e d

Erey la yiraahdo kolka la doonayo in la galo guri cid kale leedahay, yacnii “ma soo geli karaa!”. ld hoodi.

0

hoodeyn

e d

Eeg: hooddeyn

0

hoodi

e d

Eeg: hooddi

0

hoodo

m dh

Naasib.

0

hoog

m l

Dhacdo leh dhibaato lagu hoobto; ba'; belo.

0

hoogaami

f g2 (-iyay, -isay)

Madaxa iyo gacmaha hoos u laallaadin.

0

hoogaamin

m f dh

Eeg: hoogaami

0

hoogaansad

m l

Eeg: hoogaansasho

0

hoogaansasho

m f dh

ld hoogaansad, hoogaansi.

0

hoogaansi

m l

Eeg: hoogaansasho

0

hoogaanso

f mg3 (-saday, -satay)

Madaxa iyo gacmaha hoos u laallaadsasho.

0

hoogey

e d

Waa belo!

0

hoogid

m f dh

Eeg: hoog²

0

hoohey

e d

Eeg: haadey

0

hooji

f g2 (-iyay, -isay)

Cid hoog ku ridid.

0

hoojin

m f dh

Eeg: hooji

0

hool

f g1 (-olay, -oshay)

1. Wax xoqid. 2. Timo, dhogor iwm hoobin. 3. Wax dub ka qaadid.

0

hoolan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

1. Wax la xoqay ahaansho. 2. Timo ama dhogor la xiiray ahaansho. 3. Wax dubka laga qaaday ahaansho.

0

hoolato

m dh

Cudur madaxa ku dhaca oo timaha ka hoobiya.

0

hoolhool

f g1 (-oolay, -ooshay)

Harag ama saan gaashiye banbannaan u yeelid iyadoo timaha ama dhogorta laga rifayo.

0

hoolhoolid

m f dh

Eeg: hoolhool²

0

hoolid

m f dh

ld hoolis.

0

hoolif

m dh u

Timo badan oo shuruf leh.

0

hoolis

m dh

Eeg: hoolid

0

hoolmid

m f dh

Eeg: hoolan¹

0

hoolnaan

m f dh

ld hoolnaan-sho.

0

hoolnaansho

m l

/dh ld hoolnaan.

0

hoomaa

f mg1 (-aayay, -aayday, -ayi)

Meel sare hoos wax uga eegid.

0

hoomaayid

m f dh

Eeg: hoomaa

0

hoombaro

m dh

Naasley badda ku nool, leh afdheer oo u eg kan shimbiraha, kor ka madow hoosna ka cad, la aaminsanyahay inuu leeyahay garaad fiican oo la tababbari karo. ld hobbabboro.

0

hoomiyostaasis

m l (daaw.)

Sugidda xaaladaha joogtada ah ee gudaha noolaha, taas oo u oggolaanaysa unugyada inay si wanaagsan u shaqeeyaan, iyaga oo anay saamaynin isbeddel kasta oo ka dhaca degaanka dibadda ee noolaha.

0

hoomo

m dh u

1. Xoolo intooda tabarta daran ee aan sabadka dhaafin. 2. Dad cayr ah oo aan tabar lahayn.

0

hoon

m l (-nan, m.l)

Aalad ku rakiban gaadiidka (baabuurta, tareenka, iwm) oo la dhawaajiyo markii wax loo digayo.

0

hoonbaro

m dh (-ooyin, m.l)

Eeg: hobbob-boro

0

hoor

m l (kiim.)

Wejiga maatarka ee saxarrada walaxdu ay ka koobantahay isugu dabranyihiin si debecsan.

0

hǫor

m l

Nooc geela ka mid ah, caano badan, adkaysi yar, dhogor yar, bar gaaban.

0

hoori

f g

/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Hoore shubmaya weel u dhigid. 2. (f.g) Hees iwm cid la jiibin. 3. (f.g) Wax fiirin. 4. (f.mg) Ka h.: hoore weel ku jira ka wada shubid.

0

hoorid

m f dh

ld hoorrimaad.

0

hoorin

m f dh

ld hooris.

0

hooris

m l

Eeg: hoorin

0

hooromoon

m l (-nooyin, m.l)

(c.nafl.) Walax loo soo saaro loona dhiiqiyo xaddi yar iyada oo qulqulka dhiigga ku dhiiqiyo qanjirka mariinla'aha ama unug dareen wade gaar ah. Waxa uu joogteeyaa koritaanka ama shaqada nudo ama organno goonni ah oo jidhka ka mid ah.

0

hoorri

m l (-iyo, m.dh)

1. Aqal Soomaali. 2. Qof aad u madow. 3. Dabayl kulul.

0

hoorrimaad

m l

1. Inta uu da'ayo roob curtay. 2. Tifqidda muddo hoore tifqayo. 3. ld hoorid.

0

hoorsad

m l

Eeg: hoorsasho

0

hoorsasho

m f dh

ld hoorsad, hoorsi.

0

hoorsi

m l

Eeg: hoorsasho

0

hoorso

f g3 (-saday, -satay)

Weel, gacan iwm in wax lagu shubo u dhigasho.

0

hoos

m l (-sas, m.l)

Shey if ku qabtay oo ilees-ma-gudbiye ah harka ka soo baxa.

0

hoos-carreed

m l (jool.)

Lakab walxo ah oo hoos yaal carro rumeedka, ama carrada kore, walxa dhintayna way kaga yaryihiin kan ku xiga waxaana laga yaabaa in muxtawiyaadkiisa macdaneed kala duwan-yahay, wuuna ka yare dahsoonyahay wakiillada ogsidhaynta iyo haydaraynta. Wuu ka bacrimin yaryahay carrada kore. Laakiin waxa hoos u gala xididdada dhirta iyo deegaanta.

0

hoos-u-dhac

m l (dhaq.)

Xilli waddan dhaqaalihiisu uu hoos u dhaco, dhinaca wax soo saarka, beeraha, warshadaha, taaso ay keento hoos u dhac qiimaha lacagta, iyo shaqo la'aan.

0

hoosaas

m l

1. Hoos sameyn. 2. Hiillo la qarinayo. 3. Daruur roob.

0

hoosaasi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax hoos u yeelid. 2. Cid u garab-goroyeyn.

0

hoosaasin

m f dh

Eeg: hoosaasi

0

hoosaharre

m l (-rayaal, m.l/dh)

Dulin shilinta u eg dhiig-kunool ah oo badanaa laga helo meelaha digada xooluhu ku badan yihiin; hooskuhar. ld hooskuhar.

0

hoosayn

m f dh

Eeg: hoosee

0

hoosaysii

f g

/mg2 (-iiyay, -iisay) Ka h.: wax, wax kale ka hoos marin.

0

hoosaysiin

m f dh

Eeg: hoosaysii

0

hoosdadab

m l

H. ah: caws, raro iwm geed ama aqal hoos looga duggaaliyo.

0

hoosdaloolo

m dh (-ooyin, m.l)

Iin wax yeeshaan.

0

hoosdhaw

m l

1. Shaqalka carabiga mid ka mid ah oo xuruufta hoos loogaga dhigo. 2. ld hoosdhebid.

0

hoosdhebid

m f dh

ld hoosdhaw¹.

0

hoosdhig

m l

Eeg: hoosdhigid