Words starting with 'H'
2,494 Somali words beginning with 'H' — page 23 of 25.
hud
Dhar dillaacsan tolid.
hud-hud
1. Shimbir yar oo dhoor, dabo dheer iyo midab qurxoon leh. 2. Qof dadka isku dira.
hudaanhutee
1. Godad isu daloolin. 2. Turaanturree.
hudaanhuteyn
ld hudaanhuteys.
hudaanhuto
1. Godad dudumooyinku leeyihiin oo hoos isaga dal-daloola. 2 Nabar dhaawac ah oo aan hoos kabiskoon. 3. Turaanturro.
huddan
Socod tabar darro ku jirto.
huddanaan
ld hudda-naansho.
huddanaansho
/dh ld huddanaan.
hudo
Dhar dillacsan tolasho.
hudqayl
Kuray.
huduf
Kalluun yaryar; sardiin. ld haduuf.
huf
1. Wax sifayn. 2. Wax kala saarid. 3. Wax jifid (gogol iwm).
hufan
1. Wax la sifeeyey ama boor laga qaaday noqosho. 2. Wax la kala saaray noqosho.
hufi
Dab babbin.
hufnaan
ld hufnaansho.
hufnaansho
/dh ld hufnaan.
hug
Neef ari ah harag ka bixin. ld xug².
hugasho
ld hugsasho.
hugi
Dhar, derin iwm wax dusha ka saarid.
hugis
H. ah: maro, busto iwm oo dusha la iska saaro.
hugnaansho
/dh ld hugsanaan.
hugo
Maro, buste iwm dusha iska saarid ld hugso.
hugsan
Maro, raar iwm wax dusha laga saaray ahaansho. ld hugan².
hugsanaan
ld hugnaan, hugnaansho, hugsanaansho.
hugsanaansho
/dh ld hugsanaan.
huguf
Dabayl firo leh oo ay wax soconayaa kacshaan.
hugun
Shanqar xoog leh.
hujuum
Weerar cid lagu qaado. ld hujuun¹.
hujuun
Cid weerar ku qaadid.
hul
God yar oo ciriiri ah.
hulaan
/dh Hul dheer oon salkiisu muuqan, bahalladuna galaan.
hulaaq
Dab shidmid.
hulaaqid
ld hulaaq¹.
hulan
God si hul ah loo qoday ahaansho.
hulbi
1. Ari cayrin. 2. Wax dedejin.
hule
Cudur qanjirrada gala oo baabi'iya.
huleeli
Ka h.: cid wax ay lahayd ka dhaqaajin iyadoo xoog lagu muquuninayo.
huleelid
ld huleel¹.
huleelin
ld huleelis.
hulgan
Wax aan wax u dhammeystirnayn ahaansho.
hulganaan
ld hulganaan-sho
hulganaansho
/dh ld hulganaan.
hulge
H. ah: qof wax matare ah.
hulkamid
ld hulkan¹.
hulkujir
Feer yarada geelu meesha ay ka haysato lafdhabarka hilibka ku yaal. ld dhuumato, hulkujire.
hulkujire
hundo
hullaab
1. Qaabka marada qaarka sare looga huwado. 2. Marada qaarka sare laga qaato inteeda madaxa lagu dedo. 3. ld hullaabid.
hullaabasho
ld hillaabad, hillaabasho, hullaabad.
hullaabid
ld hillaab, hillaabid, hillaab¹ (3).
hullaabo
Maro qaarka sare ku dedasho. ld hillaabo.
hullo
Ugu h.: cid wax ugu gambasho.
hullow
Wax ku hilid. ld hillow.
hulnaan
ld hulnaansho.
hulnaansho
/dh ld hulnaan.
hulqe
Waxmatare; liid.
hululuf
1. Maro weyn oo dumarku qaataan; saddexqayd. 2. (sh.r) Cod lagu muujiyo shanqar maro ah.
huluulo
/mg3 (-uushay, -uulatay) ld xaluulo.
huluuq
Si debacsan oo kala fog-fog dhar u tolid.
huluuqan
Dhar si debacsan oo kala fog-fog loo tolay ahaansho.
huluuqid
ld huluuq¹ (2).
huluuqnaan
ld huluuqnaansho.
huluuqnaansho
/dh ld huluuqnaan.
humbaalle
1. Qaab orod ama socod ah oo qof wax cabsiinaya sameeyo. 2. ld humbaalleyn.
humbaallee
Hum-baalle samayn.
humbaalleyn
ld humbaalle (2).
humbul
Wax, wax ku hilid.
humbulan
Wax qaab humbul ah leh ahaansho.
humbulnaan
ld humbulnaansho.
humbulnaansho
/dh ld humbulnaan.
humbuluuluq
Meel gubatay biyo gashasho. ld hambalaalaq².
humbuluuluqid
ld hambalaalaqid.
humbuqo
Laalaabka tolmada xumi maryaha u yeesho; canyayuub.

