Words starting with 'H'
2,494 Somali words beginning with 'H' — page 14 of 25.
haysamo
Cankuhays, uur, uurdhaj, wax dhalaya (masaggada, galleyda iwm marka ay uurka yihiin).
haysasho
ld haysad, haysi.
haysimo
1. Filka wanka loo hayn karo (idaha). 2. Laboodka iyo dheddiga xoolaha isu hayntooda. 3. ld haystimo. Wallac (naag).
hayso
/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax ku dhegid. 2. (f.g) Wax gacan ku hayn. 3. (f.mg) U h.: wax, wax u malayn. “Cali waxaan u haystaa in uu wanaagsanyahay”. 4.(f.mg) U h.: cid wax u qabsasho. 5. (f.mg) Isu h.: cid wax aanay ahayn ismoodid. 6. (f.mg) La h.:cid xiriir fiican la yeelasho. 7. (f.mg) La h.: hees, war iwm dhegeysigooda dhegta u raaricin.
haystimo
(3).
hebdi
Hebed ka dhigid (dheddig xoolaad).
hebdid
ld hebdin.
hebdin
ld hebdid (2).
hebed
H. ah: neef irmaan oo ilmo kasta nuugi karo ama qof kasta maali karo.
hebednimo
Hebed ahaansho.
hebel
Qof aan la aqoon magaciisa ama aan la doonayn in la sheego.
heblaayo
Haweeney aan magaceeda la aqoon ama aan la doonayn in la sheego. ld heblaa.
hed
Wax la cuno. ld hąd (3).
hedo
Geeri.
hee
fk. Erey “ku maqlay” ka dhigan oo qofka loo yeeraa yiraahdo. ld heeh.
heec
Itaaldarro ka muuqata dad ama xoolo ay baahi, cudur, iwm hayso.
heeco
Nayl rajo ah.
heed
Nooc badarka ka mid ah oo miro yaryar leh.
heedaddaamid
ld heedaddaan¹.
heedaddaan
1. Socod tartiib ah oo qof wareersani socdo. 2. ld heedaddaamid.
heedhe
fk. ld hee.heer²
heeg
Neef lug hore iyo lug dambe iskaga xirid.
heegan
/dh 1. Col yar oo col weyn dib u reeba; raacdareeb. 2. Wax diyaar ah. 3. ld heegmid. ld heeggan¹.
heegganaansho
/dh ld heegnaan.
heegmid
ld heegan¹.
heegnaan
ld heegganaan, heegganaansho, heegnaan-sho.
heegnaansho
/dh ld heegnaan.
heego
Daruurta saymaha da'aya ka korreysa oo aan weli di'in..
heehaabid
ld heehow¹.
heehow
Sabbeynta wax fudud biyo dushooda ama hawada dhexdeeda dul sabbeeyaan. ld heehaabid.
heekaheeko
Wax heegan ah. ld heegaheego.
heel
1. Meel, ood, buuro iwm ay ku wareegsanyihiin. 2. Agagaar.
heelad
1. Sabo. 2. Buur dhaadhaceed oo gabbaad laga dhigto. 3. ld heelasho.
heelasho
ld heelad.
heeli
Miraha higlaha oo bislaaday.
heellan
1. Qof wax u dhega nugul ahaansho. 2. Qof wax u diyaar ah ahaansho. ld heelloon.
heellanaan
ld heellanaansho, helloonaan, helloonaan-sho.
heellanaansho
/dh ld heellanaan.
heello
Nooc heesaha jacaylka ah ka mid ah oo waayadii hore la qaadi jirey.
heelloonaansho
/dh ld heellanaan.
heelo
Wax ku dhowaasho.
heemaal
1. Dhiil la culay oo caano lagu garooriyey marka laga shubo murudka ku hara. 2. Qaab wanaagsan oo wax leeyihiin. 3. (-lo, m.dh) Agagaar.
heemaar
1. Budo yar oo lagu bitiyo subag la shiilayo si xantadu hoos u degto. 2. Heerka uu sameeyo dareere weel ku jira. 3. Hoore yar oo weel salkii ku jira.
heemaari
Wax heensasho.
heemaarsasho
ld heemaarsad, heemaarsi.
heemaarso
1. Wax heensasho. 2. Wax dufan ka qaadasho.
heemi
1. Wax ilaa dhibicda ugu dambaysa cabbid; gorori. 2. Wax heen ka qaadid.
heemo
Illin ama duuf aan layska tirin.
heen
1. Dufanka kor fuula fuudka, hilib la karinayo. 2. Hoore yar oo weel salkiis ku haray.
heensarraar
Tiirar gaagaaban, tarraarro leh oo aqalka guradiisa lagu mudo lana saaro duubashida iwm.
heensasaar
Alaab fardaha lagu qurxiyo.
heensasho
ld heensad, heensi, hiinsad, hiinsasho, hiinsi.
heensaysan
Faras heense la saaray ahaansho.
heense
Inta fardaha la saaro kolka la fuulayo (koore, xakame iwm).
heensee
Faras heense saarid.
heenseysnaan
ld heenseysnaansho.
heenseysnaansho
/dh ld heenseyanaan.
heenso
Hoore ilaa dhibicda ugu dambaysa gororsasho. ld hiinso.
heer
1. Dareere weel lagu shubay raadka uu reebo. 2. Jago; derejo.
heer-badeed
(juqr.) Heerka baddu haddii aaney jirin mowjado, hirar ama haraaci.
heer-dhul
Xaalad tamareedka neg, uguna hoose, ee molikiyuul, atam ama bu'. Tusaale ahaan, marka elektaroonka atamka hydaroojin ugu dhow bu'da, ayaa heerka tamarta atamka haydaroojin ugu hooseeyaa. Taas ayaa ah heer dhulka atamka.
heer-diirane
Inta jeer ee la sammeeyo xigsinaynta.
heer-suge
(xis.) Tirada dhinac u taxyada ama joog u taxyada ee ku jira sugaha.
heer-tamar
(Atam). Dhiska elektarooneed ee tilmaamaya sida elektaroonada ku gadaaman bu'du u habaysanyihiin, gaar ahaan heertamarrada ay ku sugan yihiin. Elektaroon kasta waxa xaaladdiisa. Lagu asteeyaa afarta tiro kuwaantam.
heer-tamar-electaroon
(kiim.) Kuwantamka ugu muhimsan tiradiisa n waxay soo saarta heerka ugu muhimsan ee tamarta, waxayna leedahay qiimaha 1, 2, 3 iwm (markastoo tirada badato, elegtoroonku wuu ka sii fogaadaa bu'da).
heer-tirobeel
yare.
heer-xood
Darajada isle'egta u taagan xood ama dul.
heeraab
Docda hoose ee doonyaha tiir dheer oo ku yaal oo isu haya, shalmaankuna madaxa hoose ku hayo.
heeraar
1. Timo wareeg ah oo gabdhaha aan weli qaan gaarin loogu reebo madaxa. 2. Ood iwm oo meel ku wareegsan.
heeraaran
1. Wax heeraar loo yeelay ahaansho (gabar). 2. Ood iwm meel ku wareegsan.
heeraarnaan
ld heeraarnaansho.
heeraaro
Heeraar samaysasho.
heeran
1. Wax la jaray noqosho. 2. Heerin u safrid.
heerin
H. ah: gabdho in la guursado darteed isu raaca oo dalka u mara. ld heeran¹.
heerkul
(fiis.) Garaadaha kulka shay, inta baddanna waxaa lagu cabbiraa qiyaasta garaadaha santigiraydh (selsis) ama qiyaasta fahranhayt ama waxa lagu qiyaasaa heerkulbeeg.
heerkul-qiirqiir
Heerkulka heer ka sareeya, aanay neefi ku hooroobeyn, xataa haddii la kordhiyo cadaadiska saaran.
heerkulbeeg
(fiis.) Aalad loo isticmaalo qiyaasta heerkulka badanaa iyada oo isbeddelayo mugga meerkuriga ama isbiirada ku jirta dhuun quraarad ah oo dabo wareegsan leh. ld heerkulbeege.

