0

haysad

m l

Eeg: haysasho

0

haysamo

m dh

Cankuhays, uur, uurdhaj, wax dhalaya (masaggada, galleyda iwm marka ay uurka yihiin).

0

haysasho

m f dh

ld haysad, haysi.

0

haysi

m l

Eeg: haysasho

0

haysimo

m dh

1. Filka wanka loo hayn karo (idaha). 2. Laboodka iyo dheddiga xoolaha isu hayntooda. 3. ld haystimo. Wallac (naag).

0

hayso

f g

/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax ku dhegid. 2. (f.g) Wax gacan ku hayn. 3. (f.mg) U h.: wax, wax u malayn. “Cali waxaan u haystaa in uu wanaagsanyahay”. 4.(f.mg) U h.: cid wax u qabsasho. 5. (f.mg) Isu h.: cid wax aanay ahayn ismoodid. 6. (f.mg) La h.:cid xiriir fiican la yeelasho. 7. (f.mg) La h.: hees, war iwm dhegeysigooda dhegta u raaricin.

0

haystimo

m dh

(3).

0

hebdi

f g2 (-iyay, -isay)

Hebed ka dhigid (dheddig xoolaad).

0

hebdid

m f dh

ld hebdin.

0

hebdin

m f dh

ld hebdid (2).

0

hebed

m l kh

H. ah: neef irmaan oo ilmo kasta nuugi karo ama qof kasta maali karo.

0

hebednimo

m dh

Hebed ahaansho.

0

hebel

m l

Qof aan la aqoon magaciisa ama aan la doonayn in la sheego.

0

heblaa

m dh

Eeg: heblaayo

0

heblaayo

m dh

Haweeney aan magaceeda la aqoon ama aan la doonayn in la sheego. ld heblaa.

0

hed

m dh

Wax la cuno. ld hąd (3).

0

hedo

m dh

Geeri.

0

hee

fk. Erey “ku maqlay” ka dhigan oo qofka loo yeeraa yiraahdo. ld heeh.

0

heec

m l

Itaaldarro ka muuqata dad ama xoolo ay baahi, cudur, iwm hayso.

0

heecid

m f dh

Eeg: heec²

0

heeco

m dh (-ooyin, m.l)

Nayl rajo ah.

0

heed

m dh

Nooc badarka ka mid ah oo miro yaryar leh.

0

heedaddaamid

m f dh

ld heedaddaan¹.

0

heedaddaan

m l

1. Socod tartiib ah oo qof wareersani socdo. 2. ld heedaddaamid.

0

heedhe

fk. ld hee.heer²

0

heeg

f g1 (-gay, -gtay)

Neef lug hore iyo lug dambe iskaga xirid.

0

heegaheego

m dh

Eeg: heekaheeko

0

heegan

m l

/dh 1. Col yar oo col weyn dib u reeba; raacdareeb. 2. Wax diyaar ah. 3. ld heegmid. ld heeggan¹.

0

heeggan

m l

Eeg: heegan¹

0

heegganaan

m dh

Eeg: heegnaan

0

heegganaansho

m l

/dh ld heegnaan.

0

heegid

m f dh

Eeg: heeg

0

heegmid

m f dh

ld heegan¹.

0

heegnaan

m f dh

ld heegganaan, heegganaansho, heegnaan-sho.

0

heegnaansho

m l

/dh ld heegnaan.

0

heego

m dh (-ooyin, m.l)

Daruurta saymaha da'aya ka korreysa oo aan weli di'in..

0

heehaab

m l

Eeg: heehow¹

0

heehaabid

m f dh

ld heehow¹.

0

heehow

m l

Sabbeynta wax fudud biyo dushooda ama hawada dhexdeeda dul sabbeeyaan. ld heehaabid.

0

heekaheeko

m dh

Wax heegan ah. ld heegaheego.

0

heel

m l

1. Meel, ood, buuro iwm ay ku wareegsanyihiin. 2. Agagaar.

0

heelad

m l (-dyo, m.dh)

1. Sabo. 2. Buur dhaadhaceed oo gabbaad laga dhigto. 3. ld heelasho.

0

heelasho

m f dh

ld heelad.

0

heeli

m l

Miraha higlaha oo bislaaday.

0

heellan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Qof wax u dhega nugul ahaansho. 2. Qof wax u diyaar ah ahaansho. ld heelloon.

0

heellanaan

m f dh

ld heellanaansho, helloonaan, helloonaan-sho.

0

heellanaansho

m l

/dh ld heellanaan.

0

heello

m dh (-ooyin, m.l)

Nooc heesaha jacaylka ah ka mid ah oo waayadii hore la qaadi jirey.

0

heelloon

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: heellan

0

heelloonaan

m dh

Eeg: heellanaan

0

heelloonaansho

m l

/dh ld heellanaan.

0

heelo

f mg3 (-eeshay, -eelatay)

Wax ku dhowaasho.

0

heemaal

m l

1. Dhiil la culay oo caano lagu garooriyey marka laga shubo murudka ku hara. 2. Qaab wanaagsan oo wax leeyihiin. 3. (-lo, m.dh) Agagaar.

0

heemaar

m l

1. Budo yar oo lagu bitiyo subag la shiilayo si xantadu hoos u degto. 2. Heerka uu sameeyo dareere weel ku jira. 3. Hoore yar oo weel salkii ku jira.

0

heemaari

f g2 (-iyay, -isay)

Wax heensasho.

0

heemaarin

m f dh

Eeg: heemaari

0

heemaarsad

m l

Eeg: heemaarsasho

0

heemaarsasho

m f dh

ld heemaarsad, heemaarsi.

0

heemaarsi

m l

Eeg: heemaarsasho

0

heemaarso

f g3 (-saday, -satay)

1. Wax heensasho. 2. Wax dufan ka qaadasho.

0

heemasho

m f dh

Eeg: heemo

0

heemi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax ilaa dhibicda ugu dambaysa cabbid; gorori. 2. Wax heen ka qaadid.

0

heemin

m f dh

Eeg: heemi

0

heemo

m dh

Illin ama duuf aan layska tirin.

0

heen

m l

1. Dufanka kor fuula fuudka, hilib la karinayo. 2. Hoore yar oo weel salkiis ku haray.

0

heensad

m l

Eeg: heensasho

0

heensarraar

m l (-rro/ryo, m.dh)

Tiirar gaagaaban, tarraarro leh oo aqalka guradiisa lagu mudo lana saaro duubashida iwm.

0

heensasaar

m l

Alaab fardaha lagu qurxiyo.

0

heensasho

m f dh

ld heensad, heensi, hiinsad, hiinsasho, hiinsi.

0

heensayn

m f dh

Eeg: heensee

0

heensaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Faras heense la saaray ahaansho.

0

heense

m l (-sayaal, m.l/dh)

Inta fardaha la saaro kolka la fuulayo (koore, xakame iwm).

0

heensee

f g2

Faras heense saarid.

0

heenseysnaan

m f dh

ld heenseysnaansho.

0

heenseysnaansho

m l

/dh ld heenseyanaan.

0

heensi

m l

Eeg: heensasho

0

heenso

f g3 (-saday, -satay)

Hoore ilaa dhibicda ugu dambaysa gororsasho. ld hiinso.

0

heer

m l (-rar, m.l)

1. Dareere weel lagu shubay raadka uu reebo. 2. Jago; derejo.

0

heer-badeed

m l (-dyo, m.dh)

(juqr.) Heerka baddu haddii aaney jirin mowjado, hirar ama haraaci.

0

heer-dhul

m l (fiis.)

Xaalad tamareedka neg, uguna hoose, ee molikiyuul, atam ama bu'. Tusaale ahaan, marka elektaroonka atamka hydaroojin ugu dhow bu'da, ayaa heerka tamarta atamka haydaroojin ugu hooseeyaa. Taas ayaa ah heer dhulka atamka.

0

heer-diirane

m l (xis.)

Inta jeer ee la sammeeyo xigsinaynta.

0

heer-suge

m l (-gayaal, m.l/dh)

(xis.) Tirada dhinac u taxyada ama joog u taxyada ee ku jira sugaha.

0

heer-tamar

m dh (kiim.)

(Atam). Dhiska elektarooneed ee tilmaamaya sida elektaroonada ku gadaaman bu'du u habaysanyihiin, gaar ahaan heertamarrada ay ku sugan yihiin. Elektaroon kasta waxa xaaladdiisa. Lagu asteeyaa afarta tiro kuwaantam.

0

heer-tamar-electaroon

m l (-nno, m.dh)

(kiim.) Kuwantamka ugu muhimsan tiradiisa n waxay soo saarta heerka ugu muhimsan ee tamarta, waxayna leedahay qiimaha 1, 2, 3 iwm (markastoo tirada badato, elegtoroonku wuu ka sii fogaadaa bu'da).

0

heer-tirobeel

m l

yare.

0

heer-xood

m l (-rar xood, m.l)

Darajada isle'egta u taagan xood ama dul.

0

heeraab

m l (-bo, m.l)

Docda hoose ee doonyaha tiir dheer oo ku yaal oo isu haya, shalmaankuna madaxa hoose ku hayo.

0

heeraar

m l (-rro, m.dh)

1. Timo wareeg ah oo gabdhaha aan weli qaan gaarin loogu reebo madaxa. 2. Ood iwm oo meel ku wareegsan.

0

heeraaran

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Wax heeraar loo yeelay ahaansho (gabar). 2. Ood iwm meel ku wareegsan.

0

heeraarasho

m f dh

Eeg: heeraaro

0

heeraarid

m f dh

Eeg: heeraar²

0

heeraarnaan

m f dh

ld heeraarnaansho.

0

heeraarnaansho

m l

Eeg: heeraaran

0

heeraaro

f g3 (-rtay, -ratay)

Heeraar samaysasho.

0

heeran

f mg1 (-rmay, -rantay; -rmi)

1. Wax la jaray noqosho. 2. Heerin u safrid.

0

heerid

m f dh

Eeg: heer²

0

heerin

m l kh

H. ah: gabdho in la guursado darteed isu raaca oo dalka u mara. ld heeran¹.

0

heerkul

m l (-lyo/-lo, m.l/dh)

(fiis.) Garaadaha kulka shay, inta baddanna waxaa lagu cabbiraa qiyaasta garaadaha santigiraydh (selsis) ama qiyaasta fahranhayt ama waxa lagu qiyaasaa heerkulbeeg.

0

heerkul-qiirqiir

m l (fiis.)

Heerkulka heer ka sareeya, aanay neefi ku hooroobeyn, xataa haddii la kordhiyo cadaadiska saaran.

0

heerkulbeeg

m l (-gyo, m.dh)

(fiis.) Aalad loo isticmaalo qiyaasta heerkulka badanaa iyada oo isbeddelayo mugga meerkuriga ama isbiirada ku jirta dhuun quraarad ah oo dabo wareegsan leh. ld heerkulbeege.