Words starting with 'H'
2,494 Somali words beginning with 'H' — page 21 of 25.
hoosdhigid
ld hoosdhig¹.
hoose
s. Meel hoos ah ku sugan; hooseeya.
hoosee
Wax meel hoose jirid.
hooseeye
Lambarka hooseeya lambarada jajabka.
hooseeye-ay-wadaagaan
(xis.) Dhufsanaha ay wadaagaan hooseyeyaasha laba ama dhawr jajab, ama tirada haraa la'aan u qaybsanta hooseeye kasta ee jajabka. Hooseeye yaraha ay wadaagaan waa tirada ugu yar ee ah dhufsane ay wadaagaan hooseyeyaasha jajab.
hoosgal
Cid maganteeda gelid.
hoosgashi
Dharka intiisa hoos laga xirto ee aan waxba ka hooseyn.
hoosgeli
Neef riyo ah oo la lisayo madaxiisa bowdyaha dhexdooda gelin.
hoosgunti
Maro raggu hoos ka xirto.
hoosh
Boobidda wax la boobo.
hoosi
Wax hoos u yeelid.
hoosiis
Hooska ay daruuruhu bixiyaan.
hoosiman
Wax hoosin loo yeelay ahaansho (guro awr).
hoosimo
Guro awr hoosin u yeelasho.
hoosinnaan
ld hoosinnaansho.
hoosinnaansho
/dh ld hoosinnaan.
hoosjoog
Cid ku hoos noolaansho.
hoosjooge
Qof dad kale ka hoos shaqeeya.
hooskalla'
Qof u muuqda inuu wanaagsanyahay oo aan wax tar lahayn. ld hoosgalla'.
hooskatuur
Colaad yar oo dad ka dhexeysa.
hoosmari
Wax, wax kale hoostooda dhigid.
hooso
1. Dhis yar oo la harsado. 2. Meel dhisan oo hawl lagu qabto; garaash.
hoosubbax
Qof bar yar oo da'du aysan ka muuqan.
hootanuug
Ilmo geel, yar, oo aan hooyadiis laga maalin.
hooto
1. Waran oo lagu dagaallamo; eebo. 2. Neef dhashiisa ma ahee dhasha kale nuugto.
hooy
1. War h.!: erey qof lala hadlayo dareenkiisa lagu soo jeediyo; waryaa! 2. Naa h.!: marka qof haween ah lala hadlayo ayaa la adeegsadaa naayaa. 3. Hooyaay!: marka dad badan lala hadlayo ayaa la adeegsadaa waryaadahee.
hooyaalayn
ld hoobaalayn.
hooyaale
Ereyo lagu luuqeeyo ama lagu heeso, si jaangooyo looga dhigo tixaha gabayga ama heesaha. ld hoobaale, hoobale.
hooyaalee
Hooyaale ku luuqayn. ld hoobaalee.
hooyannimo
Hooyo ahaansho.
hooyo
1. Qof dumar ah oo wax dhashay. 2. Erey gacalo. 3. U.j: hooyoy! 4. U.j: wiilkaygiyow!; gabadhaydiyey!
hor
1. Had la soo dhaafay; hore ah. 2. Dhanka loo jeedo. 3. (fk) horta: marka hore, calaakullixaal.
hor-imow
/mg3 (-maaday, -maatay) 1. Ka h.: qof hortiisa ka imaansho. Tus. “Xasan baa Cali jidka uga hor yimid”. 2. Ka h.: cid arrin, hadal iwm ku qilaafid.
horaad
Haan ama dhoon loogu horreysiiyo rarka ratiga dhaanka ah. ld kalsaar.
horaadi
Hal irmaan horaad ka marid, ama ka lisid.
horaadin
ld horaadis.
horaadis
hormarid
horan
Xoolo wax biyo loo horay ahaansho.
horatibyee
1. Wax dedejin si ay u dhammaadaan. 2. Wax taqaantuqin. ld horatabyee, horutibyee, horutubyee.
horatibyeyn
ld horatabyeyn, horutibyeyn, horutub-yeyn.
horatibyo
Dedejinta wax la rabo in ay dhaqso u dhammaadaan la dedejiyo. ld horatabyo.
horay
Dhanka loo jeedo; hagaag; fool. ld hore.
horayn
ld horid, horis, hormo, horniin.
hordeg
Cayaar turub, haad socda haad kale oo aan la nooc ahayn ku darid.
hordhaan
Neefka xoolaha ugu horreeya marka ay soconayaan.
hordhac
1. Arar (suugaanta); gogol. 2. Hadal kooban oo qoraal ah, oo ujeedada buugga lagu koobo.
hordhalad
1. Curad. 2. Horgal.
hordhig
1. Wax, wax kale ku hor gudbid. 2. Arrin, dacwad iwm cid wax ka qaban karta hor gayn. 3. Cunto, cabbid iwm cid u gayn.
hordiyuulam
(daaw.) Halaamacood muddo gaaban ee qanjir ku yaal baalka isha salkeeda oo uu keeno baktiiriya. Qanjirku waa adkaanaayaa dhexdiisana malax baa ku jirta.
hore
fk. Wax safan ama socda caaradkooda ku sugan; horreeya. ld horay¹.
horee
/mg2 (-reeyay, -reysay) 1. (f.g) Xoolo meel ku reebid. 2. (f.mg) Ka h.: xoolo meel ka reebid. ld hor².
horfiiq
Qof dad hoggaa-miya.
horfiiqsasho
ld horfiiqsad.
horfiiqso
Qof, garwade ka dhigasho.
horgal
Meher-kaweyne.
horin
1. In xoolo ah oo mar biyo loo sii daayo. 2. Koox dad ah. ld hormo.
horjeed
Ka h.: wax, wax kale hortooda jooga ahaansho.
horjoog
/mg1 (-gay, -gtay) 1. (f.g) Nafley hortooda taagnaansho. 2. (f.mg) Ka h.: cid wax u diidid.
horjooge
Qof koox madax u ah.
horjoogsasho
ld horjoogsad, horjoogsi.
horjoogso
Cid wax ka hor istaagid.
horjoogto
Haweeney koox madax u ah.
horkabe
Lifaaq ku dhega ereyga bilowgiisa. Tus. “aqaan, taqaan, yaqaan”.
horkac
1. Cid hoggaamin. 2. Xoolo hor socosho si loo wado.
horkannac
Nicidda la naco wax la arkay markii ugu horreysay.
horkeen
/lg1 (-nay, -ntay) 1. (f.lg) Qof wax hor dhigid. 2. (f.g.) Ka h.: laba qof is tusid. 3. (f.g) Iska h.: dad isku dirid.
horkeenid
ld horkeen¹.
horkicid
ld horkac¹ (2).
horleh
Wax aan hore u jirin ahaansho.
hormar
Koritaan dhaqaale, siyaasad, dhaqan oo la gaaro. ld horummar.
hormari
1. Dad horumar gaarsiin. 2. Cid safka hore gelin. 3. Lacag iwm cid hore u siin. ld hoummari.
hormarin
ld hormaris, horummarin.

