0

harid

m f dh

ld haris².

0

harimayn

m f dh

Eeg: harimee

0

harimaysasho

m f dh

Eeg: harimayso

0

harimayso

f mg3 (-stay, -satay)

Qado cunid.

0

harimee

f g2 (-meeyay, -maysay)

Qado bixin.

0

harimo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Cuntada harkii la cuno; qado. 2. Wax jirro awgeed loo takooro.

0

harin

m f dh

ld harayn, haris¹.

0

haris

m l

Eeg: harin

0

harjacsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax si u kala laalaada ahaansho.

0

harjacsanaan

m f dh

ld harjacsanaansho.

0

harjacsanaansho

m l

/dh ld harjacsanaan.

0

harjad

m l

1. H. ah: qof sakaraad ah oo naftu dhibayso. 2. H. ah: qof mintid ah. 3. ld harjadid.

0

harjadid

m f dh

ld harjad¹ (3).

0

harmataan

m l (juqr.)

Dabayl xoog leh oo ka soo dhacda woqoogi-bari oo saamaysa galbeedka Afrika. Waxay si toos ah uga soo dhacdaa lamaddegaanka Saxara, waa kulayl, qallalayl, booryley - iyadoo sidaas u kulul una qallalan ayay haddana kala dillaacisaa jiridaha geedaha.

0

harmi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax nijaasayn. 2. Beer caws ka falid.

0

harmin

m f dh

Eeg: harmi

0

haro

m dh (-ooyin, m.l)

1. Biyo badan oo fadhiya oo aala macaan oo dhinac walba dhul kaga wareegsanyahay; balli weyn.harsiimo 2. Hungowga ku dhaca herinta marka ugaar la soo waayo.

0

haro-folkaaneed

m l (-dyo, m.dh)

(jool.) Biyo-fadhiisin ku samaysmay karaytar folkaano oo cidhib go'ay.

0

haro-xeebeed

m l

/dh (juqr.) Biyo gun gaaban oo qayb ahaan ama dhammaan uu liid dhuleed dhuuban badda ka gooyo.

0

harowsad

m l

Eeg: harowsasho

0

harowsasho

m f dh

ld harowsad, harowsi.

0

harowsi

m l

Eeg: harowsasho

0

harowso

f g3 (-saday, -satay)

Hadal been iyo khiyaamo ku jirto qof ka dhaadhicin.

0

harqaamaan

m f dh

ld harqaamaansho.

0

harqaamaansho

m l

/dh ld harqaamaan.

0

harqaaman

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax tolan ahaansho.

0

harqaamasho

m f dh

Eeg: harqaamo

0

harqaamid

m f dh

Eeg: harqaan²

0

harqaamo

f mg3 (-aantay, -aamatay)

Maro iwm tolasho.

0

harqaan

m l (-nno, m.dh)

1. Dhul beereed, aan carro madow ahayn, ee dhagxaanta iyo carro guduuddu ku badantahay, oo dhulka adablaha ah xagga dhagaxa ka xiga. 2. ld kharqaan, sharqaan. Makiinad dharka lagu tolo.

0

harqaanle

m l (-layaal, m.l/dh)

Qof dharka makiinad ku tola. ld kharqaanle, sharqaanle.

0

harqaboobe

m l (-bayaal, m.l/dh)

Galab ama subax marka qorraxdu gaabantahay.

0

harqad

m dh (-do, m.l)

1. Gabal maro ah. 2. Galka barkinta. 3. ld harqasho.

0

harqasho

m f dh

ld harqad (3), hirqad, hirqasho.

0

harqi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Cid biyo ku hafin. 2. Cid wax aad uga dhergin. 3. ld hirqi.

0

harqin

m f dh

ld hirqin. ld harqis.

0

harqis

m l

Eeg: harqin

0

harqo

f mg3 (-qaday, -qatay)

1. Nafley biyo ku hafasho. 2. Nafley wax aad uga dhergid. ld hirqo.

0

harqood

m l (-dyo, m.dh)

Qalab ay jiidaan laba dibi oo beeraha lagu falo.

0

harqoodaal

m l (-llo, m.dh)

Harka galabtii walxaha iyo nafleydu yeeshaan.

0

harraad

m l

Baahi biyo loo qabo.

0

harraadan

f mg4 (-dnaa, -dnayd)

1. Wax harraad hayo ahaansho. 2. U h.: Wax, wax aad u jecel ahaansho. ld harraadsan.

0

harraadbeel

m l

Cabidda la cabo wax oonka bi'iya.

0

harraadbeelid

m f dh

Eeg: harraadbeel²

0

harraadi

f g2 (-iyay, -isay)

Nafley harraad badid.

0

harraadid

m f dh

Eeg: harraad²

0

harraadin

m f dh

Eeg: harraadi

0

harraadnaan

m f dh

ld harraadnaansho, harraadsanaan, harraadsanaansho.

0

harraadnaansho

m l

/dh ld harraadnaan.

0

harraadsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: harraadan

0

harraadsanaan

m dh

Eeg: harraadnaan

0

harraadsanaansho

m l

/dh ld harraadnaan.

0

harraadtir

f g1 (-ray, -rtay)

Nafley wax harraad ka bi'iya siin.

0

harraadtirid

m f dh

Eeg: harraadtir

0

harraan

m l (-no, m.dh)

Cayayaan lix lugoodle ah, dalalka kulul ku nool, oo dib sun xambaarsan oo uu wax ku qaniino leh. ld hanraar, harraar.

0

harraar

m l (-rro, m.dh)

Eeg: harraan

0

harraati

m dh

Eeg: haraati¹

0

harraatin

m dh

Eeg: haraatiyid

0

harraatir

m l

Wax yar oo harraadka bi'iya.

0

harraatiyid

m dh

Eeg: haraatiyid

0

harrar

m l (-rro, m.dh)

Gogol caws ka samaysan oo lagu seexdo ama guriga lagu dedo. ld harar¹.

0

harray

m l

Orgi markaas hooyadii goysay.

0

harreed

m l

Eeg: hareed

0

harreemi

f g2 (-iyay, -isay)

Cid baahan hanti yar ku taakulayn.

0

harreemin

m f dh

ld harreemis.

0

harreemis

m l

Eeg: harreemin

0

harsad

m l

Eeg: harsasho

0

harsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax intoodii badnayd tagtay, wax ka haray ahaansho. Tus. “Waqtigii wax baa inooga harsan ee hawsha wada”.

0

harsanaan

m f dh

ld har-sanaansho.

0

harsanaansho

m l

/dh ld harsanaan.

0

harsasho

m f dh

ld harsad, harsi.

0

harsi

m l

Eeg: harsasho

0

harsiimo

m dh

Eeg: harsimo

0

harsimo

m dh

Waqtiga maalinta bartankeeda ah ee qorraxdu ugu kulushahay. ld harsiimo.

0

harso

f mg3 (-saday, -satay)

1. Qorrax meel hoos ah ka gelid. 2. Goor maalin ah cid marti u noqosho. ld herso.

0

harsubaxeed

m l

Hooska ay walxuhu yeeshaan subaxii marka ay qorraxdu ku dhacdo; hoos-horaad. ld harsubxeed.

0

harsubxeed

m l

Eeg: harsubaxeed

0

harti

m l

1. Qori xabbad keliyaale ah oo la isticmaali jirey waayadii hore. 2. Awr; rati.

0

haruub

m l (-bbo/byo, m.dh)

1. Daboolka haanta ama dhiisha. 2. Weelcaanoodka aan daboolka lahayn.

0

haruubgaal

m l (-llo, m.dh)

Haruub weyn oo geela lagu liso.

0

haruubqori

m l (-iyo, m.dh)

Weel qori ka samaysan, dabool leh oo caanaha lagu kaydiyo. 2. Haruub qori la qoray ka samaysan.

0

haruuf

m l

Eeg: huruufid

0

haruufid

m dh

Eeg: huruufid

0

haruur

m l

Nooc dalagga la beerto ka mid ah, la cuno, oo leh bal, sabuul, iyo miro yar-yar.

0

harwaa

m l

Qof aan quusan.

0

harwaraable

m l

Waqtiga kulul meelaha aan geedaha lahayn isgelinta iduhu ay madaxa isgeliyaan.

0

harwaraablee

f mg2 (-leeyay, -leysay)

Waqti kulul meel aan dhir lahayn madaxa isgashasho(ido).

0

harwaraableyn

m f dh

Eeg: harwaraablee

0

haryuub

m dh (-byo, m.dh)

1. Duuduubka haragga dadka aad u duqoobay yeesho. 2. Buuryo.

0

has

m l

Bus fuula alaab aan mudda la isticmaalin.

0

hasad

m dh

Eeg: hansad

0

hasan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax nijaasi ku hallowday ahaansho.

0

hase-ahaatee

xi. ld hayeeshee.

0

haseyeeshee

xi. ld hayeeshee.

0

hashuur

m l (-rro, m.dh)

(juqr.) Xarriiqyo harayn oo gaagaaban oo khariidadda lagu dul sawiro si loo muujiyo farqiga u dhexeeya tiirada dhulka. Haddii tiiradu ay taagantahay xarriiqyadu waa dhumuc weynyihiin waana isku dhawyihiin; haddiise tiiradu ay sahlantahay, xarriiqyadu waa dhuudhuubanyihiin waana kala durugsanyihiin.

0

hasid

m f dh

Eeg: has²

0

hataaqayn

m dh

Eeg: hantaaqayn

0

hataaqee

f g2 (-qeeyay, -qeysay)

Eeg: hantaaqee

0

hataaqo

m dh

Eeg: hantaaqo

0

hataaqoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Eeg: hantaaqoo