hadimee
Cid hadimo gaarsiin.
hadimo
Dhibaato weyn oo khiyaamo ku jirto.
hadiyad
Hanti yar oo cid la sharfayo loo geeyo; deeq
hadiyee
Qof dhintay quraan u akhrin.
hadli
Ka h.: hadalsii.
hado
1. Geeri. 2. ld hadaayad.
hadoodil
1. Balbalo. 2. Dedidda meel dusha sare laga dedo si har loogu yeelo. 3. ld hadoodilid.
hadoodilan
Wax dusha laga dedey si har loogu yeelo ahaansho. ld hadoodillan.
hadoodilid
ld hadoodil¹(3).
hadoodillanaansho
/dh ld hadoodilnaan.
hadoodilnaan
ld hadoodillanaan, hadoodillanaansho, hadoodilnaansho.
hadoodilnaansho
/dh ld hadoodilnaan.
hadoof
Hadal aan waxba ka jirin.
hadur
1. War badan oo aan murti lahayn. 2. H. ah: qof hadal badan oo aan murti lahayn ku hadla.
hadwasho
ld hadwad.
hadwo
Dad, Xoolo wax kala aqoon meel uu ka yimid iyo meel uu u socdo noqosho.
haf
1. Wax, wax kale ku qaldid. 2. Wax halmaamid.
hąf
Cod lagu muujiyo hąfidda.
hafar
Masabididda wax been ah oo aan cid la siin lagu masabido. ld hafaryo, hafriin, hafriinyo.
hafaran
Qof la hafray noqosho.
hafasho
ld hafad.
hafeef
1. Dabayl kulul. 2. Kulaylka gubashada jirka laga dareemo.
hafeefo
Jir gubtey xanuun ka dareemid.
hafi
1. Nafley si uu u harqado biyo quusin. 2. Hilib dab ku yacyacoodin.
hąfid
ąf².
hafin
ld hafis.
hafisan
Hilib wax karin carunka looga saaray ahaansho.
hafisnaan
ld hafisnaansho
hafisnaansho
/dh ld hafisnaan.
hafo
Nafley biyo ku qaraqmid.
hafran
Qof wax aan la siinin lagu masabiday ahaansho.
hafranaan
ld hafranaansho.
hafranaansho
/dh ld hafranaan.
hafrid
ld hafaryo, hafriin, hafriinyo.
haftayn
Eeg haftee. ld hafteys.
haftee
Nafley aad u cayrin si ay u xiiqdo.
haftibbax
Xiiqid la'aanta nafleydu gaarto markay muddo oroddo kaddib. ld haftabbax¹.
haftibixid
ld haftabbixid.
hafto
Daal aan lala ordi karin, markay nafley muddo orodo kaddib; neeftuur.
haftoo
Xiiqid ama xuurto dareemid.
hag
Cod lagu isticmaalo in dameer socodsiiyo; yalla!
hąg
Qof indho la' hoggaamin.
hagaag
1. Oogada dadka inteeda hore; soojeed. 2. H. ah: toos; wanaag; sax. 3. ld hagaagid.
hagaagid
ld hagaag¹ (3).
hagaagsan
1. Wax wanaagsan ama toosan ahaansho. 2. Ku h.: Wax, wax ku habboon ahaansho.
hagaagsanaan
ld hagaagsanaansho.
hagaagsanaansho
/dh ld hagaagsanaan.
hagaagso
Wax si toosan ama wanaagsan ka dhigasho.
hagaaji
1. (f.g) Wax toosin ama wanaajin. 2. (f.mg) Ku h.: wax meel uu u socdo ku toosin. 3. (f.mg) Ku h.: warqad, farriin, alaab iwm cidda ay u socoto meesha laga heli karo u dirid.
hagaajin
ld hagaajis.
hagaas
1. H. ah: xumaanshaha korriimada hore ee ubadka nafleyda. 2. ld hagaasid.
hagaasi
Nafley korriimo xumo dhaxalsiin.
hagaasid
ld hagaas¹ (2).
hagabsasho
ld hagabsad, hagabsi, hakabsad, hakab-sasho, hakabsi.
hagabso
1. Aragti yari awgeed tartiib u socosho. 2. Wax aan la garanayn ka hadlid. ld hakabso.
hagag
Inkiridda laysku inkiro wax laysku ogaa.
hagan
Wax la hagay ahaansho (awr).
hagar
Isku ladidda hawl ama arrin wax ka qabashadeeda la isku lado; xoogdhabiil; dhagar.
hagarbax
1. Si aan hagari ku jirin oo wax loo qabto. 2. ld hagarbixid.
hagarbey
Hanti la siiyo cid wax dhexdhexaadisey.
hagarbixid
ld hagarbax¹(2).
hagardaamee
Cid hagardaamo ku samayn.
hagardaamo
Dhibaato cid aan ka digtoonayn lagu sameeyo. ld hagardaanyo.
haghag
Iin qof yeesho oo u diidda in uu hadalka si bayaan ah u yiraahdo; shigshigid. ld haghago.
haghagle
Qof hadalka shigshiga; shigshigow.
haghaglee
Shigshigid. ld haghag².
haghagleyn
ld haghagid.
hagid
ąg. ld hagis.
hagnaan
ld hagnaansho.

