hagnaansho
/dh ld hagnaan.
hagoog
1. Maro qaarka sare ee dadka oo aan indhuhu ku jirin lagu daboolo. 2. Sida marada hagoogta ah loo xirto. 3. Gambada haweenku madaxa saartaan. 4. Koofiyadda inteeda wejiga hareysa.
hagoogan
Wax hagoog leh ahaansho.
hagoogasho
ld hagoogad.
hagoognaan
ld hagoognaansho.
hagoognaansho
/dh ld hagoognaan.
hagoogo
1. Maro qaarka sare oo aan indhuhu ku jirin ku daboolasho. 2. Haweenay ganbo madaxa saarasho.
hagooji
Wax hagoog u yeelid.
hagoojin
ld hagoojis.
hagrasho
ld hagrad.
hagro
Si aan daacad ahayn wax u qabasho.
hah
Dhadhan ama ur kulul oo dhirta qaarkeed yeeshaan.
hakaabsasho
ld hakaabsad, hakaabsi.
hakaabso
1. Guri, xero iwm irriddiisa xirid. 2. Nafley dagaalamaysa booddo isu diyaarin.
hakad
1. Joogsad yar oo wax soconayey sameeyaan. 2. Astaan qoraal oo kala qoqobta ereyada iyo weeraha. 3. ld hakasho.
hakad-wadneed
(c.nafl) Wejiga garaaca wadnaha ka dhex dhaca labada isku soo urur ee wadnaha, marka ay muruqyada wadnuhu dabcaan ee caloolyaradana dhiiggu ka buuxsamo.
hakasho
ld hakad.
haki
Wax in yar joojin.
hakin
ld hakis.
hakis
Summad: X. Dhalanka mareeg leh saagin ama madhxin oo wadajir ahaan caabbiga mareegta kula dhaliya xayir. Hakiska waxaa lagu cabbiraa oom.
hako
In yar joogsasho.
hal
1. Tirada eber iyo laba u dhexeysa; kow. Tus. “Wuxuu dhalay hal wiil iyo hal gabar”. 2. Eray; hadal. 3. H. ah: Wax isku duuban ama wada jira. Tus. “Annagu hal baynu nahay”. 4. Meel; xag. Tus. “Halkan dhig: meeshan dhig”.
hal-abuur
Curinta maansada.
hal-abuurid
ld hal-abuuris.
hal-adayg
Dabeecad qof leeyahay oo ah in uusan go'aankiisa ka noqon. ld hal-adkaan.
hal-adkaan
hal-adkaansho.
halaag
1. Baaba'; le'asho. 2. ld halaagid.
halaagan
Wax baaba'ay noqosho. ld halligan¹.
halaagid
ld halaag¹ (2), halaajin, halaajis, hallig¹, hallig
halaagmid
ld halligmid.
halaagnaan
ld halaagnaansho, hallignaan, hallignaan-sho.
halaagnaansho
/dh ld halaagnaan.
halaalac
H. ah: dhalaal badan oo ka soo baxa wax aad u iftiimaya; dhaldhalaal.
halaamacoodka-sooh-maskaxeedka
Halaamacoodka maskaxda waxa keeni kara fiirus ama baktiiriya ama waxay ka iman kartaa jir kahsi ka yimid talaal.
halaammacaysasho
ld halaammacaysad, halaamma-caysi.
halaammacayso
Hilib halaammaco ka dhigasho.
halaammaco
Hilib dab lagu dubey oo aan la bisleyn.
halaammacood
Wax dab lagu dubay oo aan la bislayn
halaammacoodi
Waxiyadoo aan la bisleynayn dab ku dubid. ld halaammacee.
halaammacoodin
ld halaammacayn, halaamma-cays, halaammacoodis.
halaanhal
1. Hadal been ah oo cid lagu beerdulucsanayo. 2. Hees jiib leh, aan jaan lahayn oo wiglada la bah ah.
halaanhali
1.Hawl si degdeg ah u qabasho. 2. Halaanhal tirin.
halaanhalin
ld halaanhalis.
halaaq
1. Ruugista xooluhu ruugaan lafaha. 2. ld halaaqid.
halaaqid
ld halaaq¹ (2).
halaaqo
Kala qaadidda qof kala qaado afka hurdo ama daal awgiis; hamaansasho.
halaaqoo
Hurdo ama daal awgood af la kala qaadid; hamaanso.
halab
Timo rag, jilicsan oo dheer.
halabaysasho
ld halabaysad, halabaysi.
halabayso
1. Timo halab ah samaysasho. 2. Xoolo la soo dhacay hilib ka qalasho.
halabo
1. Hawl la qabtay wax ka soo baxa. 2. H. ah: Hilibka laga qasho xoolo la soo dhacay. 3. Hanti xoolaad.
halabsasho
ld halabsad, halabsi.
halabso
1. Wax ordaya fuulid. 2. Faras fuulid iyadoo aan rakaabka cagta la saarin.
halac
1. Uumi kulul. 2. Olol. 3. H. ah: qof hamuun gorayo leh ama aad u cir weyn.
halacsan
Wax la halciyay ahaansho (hilib).
halacsanaan
ld halacsanaansho.
halacsanaansho
/dh ld halacsanaan.
halacsasho
ld halacsad, halacsi.
halacso
1. Wax iyadoo aan la bisleynayn olol ku dubasho. 2. Iyadoo aan laga bogan wax eegid.
halakaysan
Wax halako ku dhacday ahaansho.
halakaysnaan
ld halakaysnaansho
halakaysnaansho
/dh ld halakaysnaan.
halakee
Nafley dhaawac culus gaarsiin.
halako
Dhaawac culus.
halalac
H. dheh: cod lagu muujiyo dhaldhalaal.

