0

hanjamo

m dh

Eeg: hanjabid

0

hanjan

f mg1 (-amay, -antay)

Eeg: hanjab

0

hanjeel

f g1 (-eelay, -eeshay)

Da'yaraan ku dhimasho (dad iyo xoolo).

0

hanjeeli

f g2 (-iyay, -isay)

Nafley da' yar ku dilid.

0

hanjeelid

m f dh

Eeg: hanjeel

0

hanjeelin

m f dh

ld hanjeelis.

0

hanjeelis

m l

hantaatac¹

0

hanjiid

m l

Qob ka saaridda in yar oo gocoso ah gacan qobka looga saaro.

0

hanjiidan

f mg4 (-dnaa, -dnayd)

Gocoso gacan qob uga saarayo ahaansho.

0

hanjiidasho

m f dh

Eeg: hanjiido

0

hanjiidid

m f dh

hanjiid².

0

hanjiidnaan

m f dh

ld hanjiidnaansho.

0

hanjiidnaansho

m l

/dh ld hanjiidnaan.

0

hanjiido

f g3 (-daday, -datay)

Gocoso, qob gacan kaga saarasho.

0

hankaag

m l

Daal iyo dhibaato badan lagala kulmo socod muraadkii lagu hungoobay.

0

hankaagid

m f dh

Eeg: hankaag²

0

hankaagsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax hankaag la kulmay ahaansho.

0

hankaagsanaan

m f dh

ld hankaagsanaansho.

0

hankaagsanaansho

m l

/dh ld hankaag-sanaan.

0

hankool

m l (-llo, m.dh)

Eeg: hangool

0

hanna

m dh

Dembi ah wax ka baxsan ballannada herinta ama xeerka qofkii ku xad gudba ayaa la yiraahdaa (hannaa gashay) waxaana ugu culus, u galmoodka naageed inta ugaarsiga lagu jiro ama loo tabaabushaysanaayo, siiba waqtiyada oroobka.

0

hannaad

m l

Eeg: hanna

0

hannaan

m l (-nno, m.dh)

1. Wax si wanaagsan u agaasiman. 2. Qaab wanaagsan oo wax leeyihiin.

0

hannaani

f g2 (-iyay, -isay)

Wax hannaan wanaagsan u yeelid.

0

hannaanin

m f dh

Eeg: hannaani

0

hannas

m l

Kulayl badan.

0

hano

m dh

1. Finan madaxa ka soo baxa oo timaha hoolhoola. 2. Booli; xaaraan.

0

hanqaaran

m l

1. Luggooyo. 2. ld han-qaarmid.

0

hanqaare

m l

1. Xiiqid. 2. Qalbijab. 3. Wax si aan habboonayn loo qaado.

0

hanqaarmid

m f dh

ld hanqaaran¹, hanqaran¹, hanqarmid.

0

hanqabtirid

m dh

ld haqabtir¹.

0

hanqaji

f g2 (-iyay, -isay)

Qof u caga-jugleyn.

0

hanqajin

m f dh

ld hanqajis.

0

hanqajis

m l

Eeg: hanqajin

0

hanqal

m l

Qaarka sare ee dadka inta madaxa iyo caloosha u dhexeysa. ld hangal¹.

0

hanqalaal

m l (-llo, m.dh)

Daloolka meesha sanka iyo afku isaga furanyihiin ku yaal.

0

hanqalooc

m l

1. Qaadidda qaarka sare kor loo qaado, iyadoo caloosha gadaal loo riixayo, meel hoosana la eegayo. 2. ld hanqalooqsasho.

0

hanqaloocid

m dh

Eeg: hanqaloocsasho

0

hanqaloocsad

m l

Eeg: hanqaloocsasho

0

hanqaloocsasho

m f dh

ld hanqalooc¹, hanqaloocid, hanqaloocsad, hanqaloocsi

0

hanqaloocsi

m l

Eeg: hanqaloocsasho

0

hanqaloocso

f g3 (-saday, -satay)

Si wax meel hoose ku jira loo eego hanqal laalaadin.

0

hanqaltaag

m l

1. Si wax fog loo arko hanqalka oo kor loo taago. 2. Wax aan helitaankoodu sahlanayn oo la higsado.

0

hanqaltaagid

m f dh

Eeg: hanqaltaag²

0

hanqar

m l (-rro, m.dh)

1. Onkod, gugac. 2. Qarax, biriq.

0

hanqaraarac

m l (-cyo, m.dh)

Eeg: hanga-raarac

0

hanqaran

m l

Eeg: hanqaarmid

0

hanqarid

m f dh

Eeg: hanqar²

0

hanqarmid

m dh

Eeg: hanqaarmid

0

hanraar

m l (-rro, m.dh)

Eeg: harraan

0

hansad

m dh (-do, m.dh)

Dhul gariir iyo dabayl xooggan oo ka dhasha meel qarax weyn iwm ku dhacay.

0

hantaaq

m dh

meel cidla ah oo halis ah.

0

hantaaqayn

m f dh

ld hataaqayn, hintaaqayn, nitaaqayn.

0

hantaaqee

f g2 (-qeeyay, -qaysay)

1. Qof hantaarurrayn. 2. Wax dhibaato gaarsiin. ld hataaqee, hintaaqee, nitaaqee.

0

hantaaqo

m dh

1. Turaanturro. 2. Wax lagu turaanturroodo. 3. Dhibaato. ld hataaqo, hintaaqo, nitaaqo.

0

hantaaqoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Hantaaqo la kulmid. ld hataaqoo, hintaaqoo, nitaaqoo.

0

hantaaqood

m f dh

ld hataaqood, hitaaqood, nitaaqood.

0

hantaatac

m l

Hadal aan milgo lahayn. ld hantatac¹.

0

hantaaticid

m f dh

ld hantaticid.

0

hantaaturree

f g2 (-reeyay, -reysay)

Wax ordaya ama soconaya turaanturro u dhigid.

0

hantaaturreyn

m f dh

Eeg: hantaaturree

0

hantaaturro

m dh

1. Wax soconaya ama ordaya waxa horay u rida. 2. Dhibaato.

0

hantaluul

m dh

Hamuungorayo.

0

hantaq

m l (-qyo, m.dh)

Meel dhulka ka hoosaysa oo yara godan. ld hataq.

0

hantatac

m l

Eeg: hantaatac¹

0

hantaticid

m dh

Eeg: hantaaticid

0

hanti

m dh

1. Wax mood iyo nool ah ee cidi leedahay. 2. Maal badan.

0

hanti-abuur

m l

Aruurin hanti ah. ld hanti- abuurid.

0

hanti-abuurad

m l

Aruursashada hanti ah. ld hanti-abuursasho.

0

hanti-abuurasho

m dh

Eeg: hanti-abuursad

0

hanti-abuurid

m dh

Eeg: hanti-abuur

0

hantidhawr

m l

1. Xaafiis dawlad, hay'ad, qof iwm u qaabbilsan ilaalinta lacagta in sidii loogu talaggalay loo isticmaalay. 2. H. ah: qof xaafiiskaas ka shaqeeya.

0

hantiggelin

m dh

Maalggelin.

0

hantiggoosad

m l

Eeg: hantiggoosi

0

hantiggoosi

m l

Hab dhaqan-dhaqaale oo qalabka waxsoosaarka iyo faa'iidadaba dad gaar ahi leeyahay. ld hantigoosad.

0

hantigoosad-dawladeed

m l (siyaa.)

Hab dhaqaale, ama siyaasad, ee hantida ganacsiga, iyo warshadaha ay leeyihiin dad gaar ah, oo aan ahayn dawlad, kuwaas oo ku tartama fa'idada.

0

hantihur

m l

Hanti isku hallayn loo qaato iyadoo aan la isa siin.

0

hantihurid

m f dh

Eeg: hantihur²

0

hantiile

m l (-layaal, m.l/dh)

1. Qof hanti leh. 2. Qof maaliyad badan leh.

0

hantin

m f dh

Eeg: hantiyid

0

hantiwadaag

m l

Hab dhaqan-dhaqaale oo qalabka waxsoosaarka iyo waxa la soo saaraba dadweynuhu u simanyahay.

0

hantiwadaag-dawladeed

m l (siyaa.)

Qaran siyaasaddiisa iyo dhaqaalahiisu ku nidaamsanyahay mabda'a hantiwadaagga.

0

hantiwadaagee

f g2 (-geeyay, -geysay)

Hanti gaar ah hanti guud ka dhigid.

0

hantiwadaageyn

m f dh

Eeg: hantiwadaagee

0

hantiwadaagnimo

m dh

Hantiwadaag ahaansho.

0

hantiyid

m f dh

ld hantin.

0

hantiyoobid

m f dh

Eeg: hantiyow

0

hantiyow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

U h.: wax uu qof leeyahay noqosho.

0

hantool

m l

Naxash.

0

hanuun

m l

Raacidda la raaco waddada toosan ee Eebbe jideeyey.

0

hanuuni

f g2 (-iyay, -isay)

1. Cid dawga san ku toosin. 2. Dhaqan, figrad, ama aragti cid ku barbaarin. 3. Cid meel aanay garanayn tusid.

0

hanuunid

m f dh

Eeg: hanuun³

0

hanuunin

m f dh

ld hanuunis.

0

hanuunis

m l

Eeg: hanuunin

0

hanuuniye

m l (-yayaal, m.l/dh)

Qof wax hanuuniya.

0

hanuunsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax hanuunsan ahaansho.

0

hanuunsanaan

m f dh

ld hanuunsanaansho.

0

hanuunsanaansho

m l

/dh ld hanuunsa-naan.

0

hanweyn

f mg4 (-naa, -nayd)

U h.: qab weyn lahaansho.

0

hanweynaan

m dh

ld han-weynaansho, hanweyni.