0

hodanow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Qof hanti leh noqosho.

0

hodantinnimo

m dh

Eeg: hodannimo

0

hodantooyo

m dh

Lahaanshada hanti badan la yeesho. ld hodannimo.

0

hodid

m f dh

Eeg: hod²

0

hodmi

f g2 (-iyay, -isay)

Qof hodon ka dhigid.

0

hodmid

m f dh

Eeg: hodan²

0

hodmin

m f dh

Eeg: hodmi

0

hodon

m l

Eeg: hodan¹

0

hodontinnimo

m dh

Eeg: hodannimo

0

hog

m l

/dh (-gag/-go, m.l) 1. Meel hoos u qodan; god. 2. God deb lagu shido oo hilib lagu dubo. 3. God daawo ku jirto oo ariga ama lo'da lagu dhayo.

0

hogad

m l

Eeg: hogasho

0

hogagoo

f mg2 (-ooyay, -ooysay)

Xoolo jilaal soo maray naq-horaad ku qaboobid.

0

hogagoyn

m f dh

Eeg: hogagoo

0

hogasho

m f dh

ld hogad.

0

hogatus

m l (-syo, m.dh)

1. Tusaale cid arrin laga siiyo. 2. Sawir iyo wax u eg oo wax lagu muujiyo.

0

hogatusaalee

f g2 (-leeyay, -leysay)

Eeg: hogotusaalee

0

hogatusaaleyn

m dh

Eeg: hogotusaalee

0

hogatusid

m f dh

Eeg: hogatus²

0

hogbad

m l

Eeg: hogbasho

0

hogbasho

m f dh

ld hogbad.

0

hogbo

f mg3 (-baday, -batay)

U h.: wax samayntooda isku deyid.

0

hogdhagax

m l (-xyo, m.dh)

1. Meel hog ah oo dhagaxa laga guro. 2. Meesha dhagaxa lagu gubo si nuurad looga dhigo.

0

hogee

f g2 (-geeyay, -geysay)

Hilib hog ku bislayn.

0

hogeyn

m f dh

ld hogeys.

0

hogeys

m l

Eeg: hogeyn

0

hogeysad

m l

Eeg: hogeysasho

0

hogeysan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax hog lagu bisleeyey ahaansho.

0

hogeysasho

m f dh

ld hogey-sad, hogeysi.

0

hogeysi

m l

Eeg: hogeysasho

0

hogeysnaan

m f dh

ld hogeys-naansho.

0

hogeysnaansho

m l

/dh ld hogeysnaan.

0

hogeyso

f g3 (-stay, -satay)

Wax hog ku bislaysasho.

0

hoggaami

f g2 (-iyay, -isay)

1. Awr hoggaan ku wadid. 2. Dad hor kicid ama meel tusid. 3. Wafdi, hay'ad iwm madax u noqosho.

0

hoggaamin

m f dh

ld hoggaamis.

0

hoggaamis

m l

Eeg: hoggaamin

0

hoggaamiye

m l (-yayaal, m.l/dh)

1. ld hoggaanshe. Qof dad hor kaca. 2. Qof wax maamula.

0

hoggaan

m l (-aamo, m.dh)

1. Xarigga awrta la rarto luqunta iyo madaxa lagaga xiro oo lagu wado. 2. Maamul sare ee hay'ad dowladeed u qaabilsan arrimo gaar ah. 3. Qof howl- wadeen ah.

0

hoggaansamid

m f dh

Eeg: hoggaansan¹

0

hoggaansan

f mg1 (-amay, -antay; -ami)

Wax arrin, xeer iwm oggol noqosho (qof).

0

hoggaansanaan

m f dh

ld hoggaansanaansho.

0

hoggaansanaansho

m l

/dh ld hoggaansa-naan.

0

hoggaanshe

m l

Eeg: hoggaamiye

0

hogmacdan

m dh (-no, m.dh)

Godka macdanta laga qodo.

0

hogo

m dh (-ooyin, m.l)

Roobka ugu horreeya ee xilliga guga ama dayrta kulaylka ka dhasha.

0

hogob

m l

/dh (-byo, m.dh) Dhul hooseeya oo dhir badan leh.

0

hogocraac

f mg1 (-cay, -cday)

Eeg: hogolraac

0

hogocraacid

m f dh

Eeg: hogolraacid

0

hogof

m dh (-gfo, m.l)

Iin luguhu la qalloocdaan oo ay isku soo jeestaan.

0

hogoggoli

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax isku laabid. 2. Arrin go'aan ka gaarid.

0

hogoggolin

m f dh

Eeg: hogoggoli

0

hogol

m dh u

1. Daruur. 2. Sayn roob ah oo meel ka curtay.

0

hogolraac

f mg1 (-cay, -cday)

Meel roob ka da'ay u guurid; roobraac. ld hogocraac.

0

hogolraacid

m f dh

ld hogocraacid.

0

hogoraacid

m f dh

Eeg: hogoraac

0

hogotusaalee

f g2 (-eeyay, -eysay)

Arrin xaqiiqdeeda wax ka sheegid. ld hogatusaalee.

0

hogotusaaleyn

m f dh

ld hogatusaaleyn.

0

hoh

e d

Erey yaabka iyo baqdinta iyo xanuunku ay dadka ka soo saaraan; hoyey!, caku!, hah!.

0

hohob

m dh

1. Geed aan qodax lahayn oo miro la cuno oo macaan bixiya una eg gomoshaaga. 2. (w) Miraha geedkaas.

0

hoji

f g

/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax socda joojin. 2. (f.mg) U h.: cid wax u jeedsiin.

0

hojin

m f dh

ld hojis.

0

hojis

m l

Eeg: hojin

0

hol

f g1 (-olay, -oshay)

Wax isku dayid; tijaabin.

0

holac

m l (-yo, m.dh)

Kulayl; dab; olol; holoc.

0

holac-cad-hunguri

m l (-cyo .., m.dh)

(daaw.) Halaamacood hunguriga cad oo neeftu marto sida badan ka yimaada infekshin marka hore ku dhaca cunaha iyo sanka, oohonono'² ay keeneen fiirus ama baktiiriya. Cudurku wuxuu keena xanfaf laabta hoose, qufac xanuun leh, waxaa aalaaba weheliya dhuun-neef-holac (bronchites).

0

holac-dulul

m l (-cyo .., m.dh)

(daaw.) Halaamacoodka mid ama ka badan ee dulalka agagaarka sanka ku yaal oo hawadu ku jirto.

0

holac-kaadihays

m l (-cyo .., m.dh)

(daaw.) Halaamacoodka kaadihaysta, inta badan waxa keena baktiiriyada “escherichia coli”. Astaamo: kaadirabid badan, kaadi gubid iwm.

0

holac-kaadimareen

m l (-cyo .., m.dh)

(daaw.) Halaamacoodka kaadi mareenka cadkiisa hore, waxaana sida badan keena jabti (specific urethritis), ama infekshin ka yimaada cudurrada galmada (nonspecific urethritis).

0

holac-kiishyaro

m l (-cyo ..., m.dh)

(daaw.) Halaamacoodka kiish yar oo ka sameysma hunguriga iyo xiidmaha. Marka ay xiidmaha ka sameysmanto waxay keentaa; xanuun uurkujirtada hoose, shuban ama calool joogsi.

0

holac-qabsiinood

m l (-cyo .., m.dh)

(daaw.) Jirrada ama h. q. oo astaanta ugu horreysa ay tahay uur xanuun dhinaca midig ee hoose. Waxaa weheliya, sida badan, matag iyo qandho.

0

holac-xuub-ubuceed

m l (-cyo ..., m.dh)

(daaw.) Halaamacoodka xuubka ubacda. Infekshinka Iaad ee xuubka waxa keena baktiiriya dhiigga la socda, sida: bleeumokooko, baktiiriyada qaaxada, iwm. Astamo: xanuun ku faafsan uurkujirtada, qandho, iyo culeyska jirka oo is dhima. Biyo ayaa xuubka fariisan kara ama infekshinka ayaa sii kordhiya uur biyood horay u jiray. Infekshinka 2aad xuubka waxa keena dalooshamid ama dillac ka dhaca xubin ka mid ah uurkujirtada xubnaheeda - sida boog xiidmeed, qabsin waxaana u sabab ah soo gelitaanka jeermi iyo dhacaanka xubnaha uurkujirtada oo waxyeelleya xuubkaas.

0

holac-xuub-wadneed

m l (-cyo .., m.dh)

(daaw.) Halaamacood muddo gaaban ama muddo dheer ee xuubka wadnaha (pericardium) ku daboolan.

0

holan

m l

Eeg: holon

0

holansad

m l

Eeg: holmisasho

0

holansan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax holan lagu dubay ahaansho.

0

holansanaan

m f dh

ld holansanaansho

0

holansanaansho

m l

/dh ld holansanaan.

0

holansasho

m dh

Eeg: holmisasho

0

holanso

f g3 (-saday, -satay)

Eeg: holmiso

0

holce

m l (-cayaal, m.l/dh)

Waxyaabo si sahlan dabka u qabsan og, sida aalkolada, baansiinka iwm.

0

holci

f g2 (-iyay, -isay)

1. Dab holac ka keenid. 2. Wax gubid.

0

holcid

m f dh

Eeg: holoc²

0

holcin

m f dh

Eeg: holci

0

holgan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Qof dulman ahaansho. 2. Qof diifi ka muuqato ahaansho.

0

holganaan

m f dh

ld holga-naansho.

0

holganaansho

m l

/dh ld holganaan.

0

holid

m f dh

ld holis.

0

holis

m l

Eeg: holid

0

hollad

m l

Eeg: hollasho

0

hollasho

m f dh

ld hollad.

0

holli

f g2 (-iyay, -isay)

Wax tijaabin.

0

hollin

m f dh

Eeg: holli

0

hollo

f mg3 (-laday, -latay)

U h.: wax samayntooda damcid.

0

hollob

m dh (-bo, m.l)

Xuub yar, khafiif ah oo ka kaca jirka dadka markuu basaaso ama uu la kulmo cimilo uusan u baran.

0

holmi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax holan gelin.

0

holmin

m f dh

ld holmis.

0

holmis

m l

Eeg: holmin

0

holmisad

m l

Eeg: holmisasho

0

holmisasho

m f dh

ld holansad, holansasho, holmisad.

0

holmiso

f g3 (-istay, -isatay)

Wax holan ku dubasho. ld holanso.

0

holoc

m l

Ololka uu bixiyo dabka marka uu huro. ld holac¹.