hallaysan
Wax la halleeyey ahaansho.
hallaysnaan
ld hallaysnaansho.
hallaysnaansho
/dh ld hallaysnaan.
hallee
1. Wax qarribid. 2. Ku h.: qof wax ku aaminid.
halligis
halwo
hallignaansho
/dh ld halaagnaan.
hallow
1. ld hallaabid. Lumidda wax ka lumaan jidka toosan. 2. H. ah: nafley jidkii toosnaa ka luntay.
hallowsan
Nafley wax jidka toosan ka lumay ahaansho.
hallowsanaan
ld hallowsanaansho.
hallowsanaansho
/dh ld hallowsanaan.
halmaal
Wixii la halmaala: wixii la xariira.
halmaamid
ld halmaan¹, hilmaamid, hilmaan¹.
halmaan
1. Xusuus la'aanta la xusuusan waayo wax hore loo soo maray. 2. ld halmaamid.
halmaansii
Qof wax illoowsiin. ld hilmaansii.
halmaansiin
ld halmaansiis, hilmaansiin.
halmadow
Bara-baro mad-madow oo qof aan qubeysan jirkiisa ka muuqda.
halojiin
(kiim.) Urur curiyayaal ah (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayayaasha) oo ka kooban foloriin, koloriin, boromiin, ayoodhiin, iyo curiyaha cimriga gaaban ee astatiin.
haloosi
H. ah: jid weyn oo aan lahayn dhagxan, geedo, godad iwm. ld haloodi.
haloosiyid
ld haloosin.
halow
1. Midab madow oo dabku ku reebo wax gubtey. 2. Kulka ololka dabka ka soo baxa.
halqaad
1. Hog u banneynta shax la degey hog loo baneeyo si loo ciyaaro. 2. ld halqaadid.
halqaadid
ld halqaad¹ (2).
halqaban
Daboolka birta canjeerada ama laxooxda.
halqabsasho
ld halqabsad, halqabsi.
halqabso
1. Ku h.: qof in uu hadal guro u adeegsasho. 2. Ku h.: wax, wax kale tilmaan ugu qaadasho.
halqalbac
Abuurka miraha qaarkood oo ka kooban hal beer.
halqooq
1. Dabada (qanaanta) fardaha. 2. Wax walba kan ugu wanaagasan oo ugu qurux badan. 3. (u) Kalluunka biyaha iskiis uga soo booda.
halraac
Qaadid shax la halqaaday mid u dhow la qaado.
halrar
Qof ama wax, wax lagu salladay ahaansho.
haltiirle
Wax sida dhisme iwm oo hal tiir kaliya leh.
haltoddobaadyo
Cutubyo xiddigo ah oo midkiiba ka koobanyahay toddoba xiddigood oo la kala yiraahdo haltoddobaadyo weyn iyo haltoddobaadyo yar. ld haltoddobaaddo.
halunugley
Noole hal unug ka kooban.
halwac
Baaq uu ku dhawaaqo ninka halgamaha ahi marka uu ugaar soo dilo.
halwasho
ld halwad.
halwi
1. Wax dab ku madoobayn ama ku midabayn. 2. Wax la iibinayo qiimahooda mid ka yar ku gadid. 3. ld qalwi.
halwin
1. ld halwis. eeg halwi. 2. ld qalwin.
halwis
Miro qolof ka saarid. ld halwin (1).
halwo
Ku h.: Wax, wax ka weyn ku dhex shubmid ama ku dhex dhicid.
halxiraale
Su'aal adag oo sarbeeban oo ka jawaabiddeeda laysku xujeeyo.
halyey
1. Uubatada keeda lab. 2. Geesi, wabar.
ham
H. dheh/ h. siin: cod lagu muujiyo cantuugo aad u weyn samayn.
hamaan
Nin naxariis daran oo xalaal iyo xaaraan isugu mid tahay. ld haamaan.
hamaanid
ld hamaan-sad, hamaansasho, hamaansi.
hamaansad
; hamaa-nid.
hamaansasho
ld Hamaansi; hamaanid.
hamaanso
1. Hurdo ama caajis awgiis af la kala qaadid. 2. Naftii baa ka h. satay: wuu dhintay. 3. ld hamaan².
hamaday
Dhaxan aad u badan oo markay timaado geedaha qalajisa. ld haamadday.
hamag
1. ld amag. 2. (sh.r) Cod lagu muujiyo dhicitaan.
hambaabir
Hurdo degdeg uga soo boodid; baraarugid.
hambaabuq
Caabuq.
hambaas
Ku h.: hawl waqti isku dhaafin.
hambaasi
Cid maaweelin.
hambaasid
ld hambaas¹.
hambabar
Hurdo si degdeg ah uga soo boodid naxdin darteed; baraarugid.
hambalaal
Kalluunku meesha uu ka neefsado oo dhegaha ka hooseysa.
hambalaalaq
1. Kala daadsanaan. 2. ld humbuluuluq¹.
hambalaalaqid
1. eeg hambalaalaq². 2. ld humbululuuqid.
hambalaalaqsan
Wax kala daadsan ahaansho.
hambalaalaqsanaan
ld hambalaalaqsanaansho.
hambalaalaqsanaansho
/dh ld hamba-laalaqsanaan.
hambalyee
Cid hambalyo u jeedin.
hambalyo
Hadal xambaarsan shucuur farxad leh oo loo jeediyo cid heshay ama soo hoyisay wax lagu farxo.
hambaraac
Qof hunguri xun oo meelaha raqdu taal aan laga waayin. ld hamboraac.
hambasho
ld hambad.
hambee
Cunto la cunayo qaar reebid.
hambo
Cunto la cunay inta weelka lagu reebo.
hamboorri
Riixdin; jug; garabgal.
hamboraac
Qof hunguri xun oo meelaha raqdu taal aan laga waayin. ld hambaraac.
hamham
1 Hadal hoos loo yiri oo aan si fiican loo maqlayn. 2. Hadal aan micno lahayn. ld xamxam.
hamhamlee
Hadal hamham ah dhihid. ld xamxamlee.
hamhamleyn
ld xamxamleyn.
hammada
Nooc ka mid ah lamaddegaanka, gaar ahaan Saxarada woqooyi Afrika. Lamaddegaanka h., dhulka dushiisu sida badan waxay ka kooban tahay dhadhaab qaawan, oo dabayshu ay ka qaadday bataaxda iyo boorka.

