habeenkahar
Hooska ay yeeshaan walxuhu subaxnimada hore.
habeennimo
Waqti habeen ah.
habeeno
Iin araggu yeesho oo si fiican habeenkii aan wax loo arag. ld habeeniso.
habhab
1. Socod ama orod gaabis ah oo culays ku jiro. 2. Fudfudayd si aan laga fiirsan hawl loo qabto.
habhablee
Habhab u socosho.
habhableh
Qof habhablaya ahaansho.
habheeb
Meel aan cidi degganayn oo halis ah.
habi
Caqli, maan.
habiiraq
Socod aayar ah oo si joogto ah hoore u socdo.
habila'aan
Caqli yari, nacasnimo.
habilaawe
Qof aan caqli badan lahayn.
habjaq
Socod cagajiid ah. ld habjaqle.
habjaqlee
Si habjaq ah u socosho.
hablo
Tiro gabdho ah oo hal ka badan.
habow
1. Dhumidda laga dhumo jidka toosan. 2. ld haabab. H. ah: qof jidkii toosnaa ka dhumay. 3. H. ah: dad cayr la dalaabay. 4. ld habaabid.
habqaad
Dhiil yar oo ilmaha caanaha loogu shubo.
habqan
1. Socod daal iyo dhibaato darteed dad wada socda ku kala haraan. 2. Dhawaaq dad kala dambeeyaa isdhaafsadaan.
habqoraxeed
Qorraxda iyo meereyaasha waaweyn ee ku dul wareega.
habrawadaag
Dad hooyooyinkood walaalo yihiin.
habro
Cid si wanaagsan oo aan hagrasho lahayn wax ugu qabasho.
habroor
Ilmo macluul ah abaydiminta aan ku habaysnayn darteed ahaansho.
habsaamid
ld habsaan¹.
habsaan
1. Daahid qof ka daaho meel laga sugayey. 2. H. ah: Qof ka daahay meel laga sugayey. 3. ld habsaamid.
habsabbuux
Baddu marka ay kacsantahay.
habsamaan
ld habsamaansho, habsami.
habsamaansho
/dh ld habsamaan.
habsami
Si asluub iyo maamuus leh oo loo dhaqmo. ld habsamaan.
habsan
Wax si fiican loo farsameeyey ahaansho.
habsasho
ld habsad.
habsii
Cid kalgacayl dartii isku duubid.
habso
Caaryidda ama buuxsamidda badda marmarka qaarkoodka dhaca.
habuuq
Sabuulka marka iniinihiisu jilacsanyihiin laakiin uu cunnimo galo; iniino meseggo ama galley oo curdun ah. ld haquuq¹.
habuuqid
ld haquuqid.
habuuqsasho
ld haquuqsasho.
habuuqso
Habuuq gurasho. ld haquuqso.
habxumaan
ld habxumaansho, habxumi, habxumo.
habxumo
Si aan wanaagsanayn oo wax yihiin. ld habxumaan.
habxun
1. Wax aan si habboon isugu dubaridnayn ahaansho. 2. Qof si aan wanaagsanayn wax u farsameeyey ahaansho.
had
1. Waqti la yaqaan oo bilaw iyo dhammaad leh; goor, kol, ammin. 2. H. iyo goor ama had iyo jeer: mar kastaba. 3. H.ahaa: goortan, waqti-gaan. 4. H.ba: kolkii in la joogaba; marmar. 5. H.da: goorta la joogo; amminka. 6. H.daa: waqtigaan, goortan. 7. H.daba: sidaas darteed. 8. H.dana: kol labaad, kol dambe; misana. 9. H.dee: sidaas darteed, haddaba. 10. H.deer: hadda, amminka.11. H.ma?: goorma? 12. H.diiba: waqtiga la joogo; amminka, hadda.
hąd
1. Dhimashada. 2. Wed. 3. ld hed.
hadaadumid
ld hadaadun¹ (2).
hadaadun
1. Cayrnimo iyo gaajo darteed oo la dalaabo. 2. ld hadaadumid.
hadaaf
1. Socod tartiib loo socdo. 2. ld hadaafid.
hadaafi
Nafley tartiib u wadid.
hadaafid
ld hadaaf¹ (2).
hadaafin
ld hadaafis.
hadaaq
1. Hadal aan la garanayn oo carruurta aan hadalbaran ku dhawaaqdo marka ay ciyaarayaan. 2. Hadal aan micno lahayn. 3. ld hadaaqid.
hadaaqid
ld hadaaq¹ (3).
hadaayad
Daboolka sufriyada. ld hado, hayaayad.
hadaf
1. Ujeeddo, himilo. 2. ld hadfid.
hadal
Dhawaaq afka dadka ka soo baxa, ereyo ka kooban oo macno leh.
hadalbadi
Dabeecad qof leeyahay oo ah in uu had iyo jeer sheego hadal tiro badan oo aan loo baahnayn. ld hadalbadni.
hadalcun
Qof aan hadalku si bayaan ah uga soo bixin.
hadalhee
1. Wax muhimad gaar ah la siiyo wax ku saabsan sheeggiddiisa ku celcelin. 2. Qof maqan wax ku saabsan sheegid.
hadaljeeli
Rabitaan qof rabo in uu kahadlo mar kasta meel hadal lagu hayo.
hadalla'aan
Aamusnaan.
hadalsii
Ka h.: Qof in uu hadlo ku qasbid.
hadaltiro
Hadal badan oo aan loo baahnayn.
hadalyaqaan
H. ah: qof cod kar ah.
hadar
1. Qof jirran ama waalan hadal aan micno lahayn ku hadlid. 2. Wax runta ka fog ku faanid.
haddaayey
fk. Goor dhoweyd.
haddee
fk. Sidaas darteed; haddaba.
haddid
Cid cabsi gelin. ld handad².
haddidaad
Hadal ama ficil cid lagu cabsi gelinayo. ld haddidid.
haddidid
ld haddid¹, haddidaad, handad¹, handadaad, handadid.
haddii
xi. 1. Erey lagu xiriiriyo weer shardiley ama waqtiley ah. Tus. “Haddii aad dersiga akhrin lahayd, imtixaanka waad ku gudbi lahayd”, “Haddii Warsame yimaado, farriintayda gaarsii”. 2. H. kale: haddii sidaas aysan noqon.
hadee
1. Qof dhintay quraan u akhrin. 2. Digsi dabool saarid.
hadeec
Socod luudid ah oo nafley aad u tamar yari socoto. ld hudeec¹.
hadeecid
ld hudeecid.
hadeysan
Digsi wax la daboolay noqosho.
hadeysnaan
ld hadeysnaansho.
hadeysnaansho
/dh ld hadeysnaan.
hadfid
ld hadaf¹.
hadhaaseera
Dumarka xadrada saarka Booranaha ugu sarreeya ama heerka labaad kaga jira.
hadhiin
Afarta haad ee turubka mid ka mid ah.
hadhiino
1. Qof dhaxalkii uu lahaa la seejijay. 2. Qof wax qabadkiisu aad u yaryahay.
hadhow
fk. Had dhow, goor aan fogeyn oo soo socota. ld hadhowto.
hadhowto
fk. ld hadhow.
hadi
Geed quwaax xabag udgoon oo laga ganacsado leh.
hadiid
1. Ku h.: si hunguri weyni ku jirto wax u boobid. 2. Ku h.: si ku celcelis ah qalab aan af lahayn wax ugu goyn.

