Words starting with 'H'
2,494 Somali words beginning with 'H' — page 25 of 25.
hurgumeysnaansho
/dh ld hurgumeys- naan.
hurgumi
Meel hore oo bugtay caallir ku ridid.
hurgumo
Aroor hore socod gelid.
hurgun
Meel hore u bugtay hoos ka caalirid.
hurgunsanaansho
/dh ld hurgumeys-naan.
huri
1. Dab shididdiisa bilaabid. 2. Dab ololin.
hurid
ld huris².
hurin
ld huris¹.
huriwaa
H. ah: wax lagu qasbanyahay oo meel kale oo laga maro aysan jirin. ld huriweyto.
huriye
1. (dii.) Qof kaniisad ka heesa. 2. (riw.) Qof ka mid ah koox heesta.
hurmadow
1. Maduulka ay yeeshaan weelasha dabka la saaro. 2. Qoryo dab lagu shiday oo qaar ka mid ahi gubtay. ld hormadow.
hurnaan
ld hurnaansho, hurranaan, hurranaansho.
hurnaansho
/dh ld hurnaan.
hurranaansho
/dh ld hurnaan.
hurre
Midab madow-dhalaal ah.
hurrun
Meel dhir badan; jiq.
hursan
Wax la huriyey ahaansho (dab).
hursanaan
ld hursa-naansho.
hursanaansho
/dh ld hursanaan.
hurud
Hurdo dhex gelid.
huruud
1. Sacfaraan. 2. Budo hurdi ah oo haweenku wejiga, gacmaha iyo lugaha ku qurxistaan.
huruudsasho
ld huruudsad.
huruudso
Huruud marsasho.
huruuf
1. Astaan wejiga laga muujiyo oo cid colaad loogu muujinayo. 2. ld huruufid.
huruufid
ld haruuf¹, haruufid, huruuf¹ (2).
huruushad
Dhuxul noqosho (wax).
huruusho
Wax dhuxul noqday.
huruushoo
Dhuxul noqosho (wax dab ku gubtay).
huryo
1. Dawacada keeda dheddigga ah. 2. Shimbir yar oo ganfuur cas oo geela garbaha ka cunta; jirri.
hus
Aammus!; shib dheh!; us!
huubo
1. Meel qatar ah. 2. God aan si fiican loo arki karin oo lagu dhici karo. 3. Gufarka weel salkiis ku hara.
huufid
1. ld hiifid. 2. Qof soo orday neef gurid.
huufsan
Wax soo orday oo neeftuuraaya ahaansho.
huufsanaan
ld huufsanaansho.
huufsanaansho
/dh ld huufsanaan.
huugaan
Daruur.
huunfey
Haad hilib cun ah oo wax dafa.
huunyo
Deris ku nool yaryar oo digaagga gasha.
huuq
Nagaar aan caleen lahayn laamihiisu qodax leeyihiin, wada buruq ah, oo arigu aad u jecelyahay.
huur
Xaaladda gibilka marka la eego uumi biyoodka ku jira hawada.
huur-beeg
(fiis.) Qalab loo sameeyay in lagu cabbiro huur u eegidda (huurka la isu eegayo hawada inta ku jirta uumi biyood iyo inta ay qaadi karto) gibilka.
huur-tuse
(fiis.) Qalab tusinaya isbeddellada huurka hawada, habka tusinta wuxuu u adeegsadaa isbeddellada ku dhaca muuqaalka iyo addimada walax.
huur-u-eegid
Saamiga u dhexeeya xaddiga dhabta ah ee uumibiyooodka ku jira mug lagu siiyay ee hawada ah iyo xaddiga ku jiri lahaa iyadoo heerkulku isku midyahay, badanaa waxaa lagu tibaaxaa boqolley.
huuri
Gaadiid badeed yar, bedenka ka yar oo lagu kalluumaysto.
huuro
Wasaq ilkuhu yeeshaan.
huursan
1. Wax meel kulul la geliyey ahaansho. 2. Wax xabbis la geliyey ahaansho (qof).
huursanaan
ld huursanaansho.
huursasho
ld huursad, huursi.
huurso
Wax meel huur ah gashasho.
huutaan
H. ah: nafley aad caato u ah.
huwan
Cid wax ku daboolan ahaansho. ld hugan² (2).
huwanaan
ld huwa- naansho.
huwanaansho
/dh ld huwanaan.
huwasho
ld huwad.
huwi
Cid wax ku daboolid. ld huwisii.
huwin
ld huwis, huwisiin.
huwis
1. (-syo, m.dh) Go' weyn oo tol leh oo la siiyo ugaasyada. 2. ld huwin.
huwisii
lg2 (-iiyay, -iisay) ld huwi.
huwo
Wax dusha isaga daboolid (maro, buste iwm.).
huy
Nooc ciyaaraha biyaha korkooda lagu ciyaaro ka mid ah oo lugaha la isla dhaco; shaambo.
huyuc
Isbeddelidda wax huuray urkoodu isbeddelo. ld hunyuc¹.
huyucsan
Wax qaab xun oo aan kala baxsanayn leh ahaansho. ld hunyucsan.
huyucsanaan
ld hunyucsanaan, hunyucsanaansho, hu-yucsanaansho
huyucsasho
ld huyucsad, huyucsi
huyucsi
huyucso f.mg3 (-saday, -satay) Si qaab xun tabar darri ku jirto u socosho.
huyun
Geed dheer oo aan qodax lahayn, xabag la cunana leh, oo qoryihiisa weelasha siddo looga sameeyo.
huyuumas
Maatar kiimiko ahaan burburay ama qayb ka mid ah burburtay kana mid noqday carrada, kaasoo asal ahaan ka yimid dhir ama xayawaan. Dhulka aan beernayn huyumasku waxuu uga yimaadaa dhir hore oo si dabiici ah u quruntay; dhulka qodan ee la beeray huyumaska wuxuu ka helaa digada xoolaha lagu bacrimiyo.
huyuumiso
(2).

