0

hataaqood

m l

Eeg: hantaaqood

0

hataq

m l

Eeg: hantaq

0

hataticid

m dh

Eeg: hantaaticid

0

haw

m dh sh r

Cod lagu muujiyo hororidda ama haliilidda.

0

hąw

m dh sh r

Cod lagu muujiyo dabeysha foorinteed.

0

hawaan

m l

Wax la is yeelsiiyo; xoog; dirqi; sandulle, khasab.

0

hawaar

m l

1. Si bahardaad ah oo geelu u fariisto. 2. ld hawaarid.

0

hawaaran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

1. Neef geel ah wax hawaar leh ahaansho. 2. ld hawaarsan.

0

hawaari

f g2 (-iyay, -isay)

Neef geel ah hawaar u yeelid.

0

hawaarid

m f dh

ld hawaar¹ (2).

0

hawaarin

m f dh

Eeg: hawaari

0

hawaarnaan

m f dh

ld hawaarsanaan. ld hawaarnaansho.

0

hawaarnaansho

m l

/dh ld hawaarnaan.

0

hawaarsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax barraaq u fadhiya ahaansho. ld hawaaran.

0

hawaarsanaan

m f dh

ld hawaarnaan, hawaarnaansho, hawaarsanaansho.

0

hawaarsanaansho

m l

/dh ld hawaarsanaan.

0

hawaawi

m l

1. Haynta niyadda lagu hayo wax helitaankooda. 2. ld hawaawiyid.

0

hawaawir

m l sh r

Cod weyn oo xabbado la ridayo bixiyaan.

0

hawaawiri

f mg2 (-iyay, -isay)

Hal riman candha keenid.

0

hawaawirid

m l

Rididda xabbado aan dan laga lahayn la rido.

0

hawaawiridid

m f dh

Eeg: hawaawirid³

0

hawaawirin

m f dh

Eeg: hawaawiri

0

hawaawiyid

m f dh

ld hawaawi¹(2).

0

hawadi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax si tartiib ah u wadid.

0

hawadin

m f dh

ld hawadis.

0

hawadis

m l

Neef xoolo ah sabaalin. ld hawadin.

0

hawaggeddi

f mg2 (-iyay, -isay)

U h.: cid meel ay ku nasato ama cafimaadka hesho geyn.

0

hawaggeddin

m f dh

ld hawaggeddis (2).

0

hawaggeddis

m l

1. Tegidda laga tago meel, oo la aado meel ka hawo duwan, si loo nasto ama caafimaad looga helo. 2. ld hawaggeddin.

0

hawakac

m l

Eeg: hiyikac¹

0

hawakicid

m dh

Eeg: hiyikicid

0

hawammareen

m l

Xubnaha neeftu marto ee nafleyda.

0

hawd

m l (-dad, m.l)

1. Dhul dhir dhaadheer oo cuur ah leh, buuro lahayn oo aan biyo badnayn. 2. Xarigxarig.

0

hawee

f g2 (-weeyay, -weysay)

1. Wax fallisid. 2. Wax hammi gelin.

0

haween

m l u

Dheddigga dadka guud ahaan; dumar.

0

haweeney

m dh

Qof dumar ah oo la guursaday.

0

haweyn

m f dh

ld haweys.

0

haweys

m l

Eeg: haweyn

0

haweysad

m l

Eeg: haweysasho

0

haweysasho

m f dh

ld haweysad, haweysi.

0

haweysi

m l

Eeg: haweysasho

0

haweyso

f g3 (-stay, -satay)

Hawo ka gelid; niyaysasho; isu qaadid.

0

hawir

m l

1. Gelinta wax khatar la geliyo. 2. Dhibaato weyn oo wax loo gaysto. 3. ld hawirid.

0

hawiran

f mg1 (-rmay, -rantay; -rmi)

Wax dhibaato weyn gaartay noqosho.

0

hawirid

m f dh

ld hawir¹ (3).

0

hawirmid

m f dh

Eeg: hawiran¹

0

hawirnaan

m f dh

ld hawir-naansho.

0

hawirnaansho

m l

/dh ld hawirnaan.

0

hawkar

m l kh

Dhibaato, daal, cabsi iwm oo lagala kulmo socdaal.

0

hawl

m l

Wax ijaar ahaan loo siiyo qof shaqo qabtay.

0

hawl-abuur

m l

Hawl abuurid.

0

hawl-obtikeed

m dh (fiis.)

Awoodda ay u leeyihiin iskudhisyada qaarkood in ay ku wareegaan sallaxa ciriflanimada ee sallax ilays cirifaysan marka ilays la dhex mariyo. H.o.da waxaa laga arki karaa wiriqaha, neefaha, hoorarka iyo milannada.

0

hawlaysan

f mg4 (-snaa, snayd)

Qof shaqo haya ahaansho.

0

hawlaysnaan

m f dh

ld hawlaysnaansho.

0

hawlaysnaansho

m l

/dh ld hawlaysnaan.

0

hawldabre

m l (-rayaal, m.l/dh)

Qof ama wax shaqo curyaamiya.

0

hawldiid

m l (-dyo, m.dh)

Qof shaqo neceb. ld hawldiiddo, hawldiidid.

0

hawldiiddo

m dh

Necbaanta hawsha la necbaado. ld hawldiid.

0

hawldiidid

m dh

Eeg: hawldiid

0

hawldiidnimo

m dh

Hawldiid ahaansho.

0

hawlfududayn

m dh

1. Wax shaqada qabashadeeda sahla. 2. Wax la siiyo qof la rabo in uu shaqo qabto.

0

hawlgab

m l (-byo, m.dh)

H. ah: qof gabow awgii shaqo uga fariistay. ld hawlgeb¹.

0

hawlgabid

m f dh

ld hawlgebid.

0

hawlgacmeed

m l

Shaqo gacmaha laga qabto.

0

hawlgal

m l

1. Gaashaanqaad. 2. Si hawsha loo qabto. 3. Waqtiga shaqada la billaabo.

0

hawlgebid

m dh

Si dhakhdo ah oo kala daadsanaani ku jirto u socosho. ld hawlgabid.

0

hawlgeli

f g2 (-iyay, -isay)

Shaqo gelin.

0

hawlgelid

m f dh

Eeg: hawlgal²

0

hawlgelin

m f dh

ld hawlgelis.

0

hawlgelis

m l

Eeg: hawlgelin

0

hawlid

m f dh

Eeg: hawl³

0

hawlkar

m l kh

H. ah: qof hawsha qabashadeeda karti dheeraad ah u leh.

0

hawlkarnimo

m dh

Hawlkar ahaansho.

0

hawlla'

f mg4 (-'aa, -'ayd)

Qof aan hawl hayn ahaansho.

0

hawlla'aan

m f dh

'. ld hawl-la'aansho.

0

hawlla'aansho

m l

/dh eeg hawlla'ow. ld hawlla'aan.

0

hawlla'ow

f mg3 (-'aaday, -'aatay)

Wax aan shaqo lahayn noqosho.

0

hawllan

f mg4 (-naa, -nayd)

Qof wax hawl haya ahaansho. ld hawlloon, hawshoon.

0

hawllanaan

m dh

ld hawlla-naansho, hawlloonaan, hawlloonaansho.

0

hawllanaansho

m l

/dh ld hawllanaan.

0

hawllanow

f mg1 (-way, -wday)

Wax hawl kumashquulsan noqosho.

0

hawlloon

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: hawllan

0

hawlloonaan

m dh

Eeg: hawllanaan

0

hawlloonaansho

m l

/dh ld hawllanaan.

0

hawlmaalmeed

m l

Shaqo maalin la qabto.

0

hawlqaad

m l kh

Qof shaqayn awood leh.

0

hawlwadaag

m l

Ishtiraakiya; hantiwadaag.

0

hawlwadeen

m l (-nno, m.dh)

1. Qofka hawsha kala haga ama maamula. 2. Shaqaale.

0

hawlyar

f mg4 (-raa, -rayd)

Dhib yar; fudud.

0

hawlyaraan

m f dh

ld hawlyaraansho, hawlyari.

0

hawlyaraansho

m l

/dh ld hawlyaraan.

0

hawlyarayn

m f dh

Eeg: hawlyaree

0

hawlyaraysad

m l

Eeg: hawlyaraysasho

0

hawlyaraysasho

m f dh

ld hawlyaraysad, hawlyaraysi.

0

hawlyaraysi

m l

Eeg: hawlyaraysasho

0

hawlyarayso

f mg3 (-stay, -satay)

1. Ka h.: hawl wax ka qabashadeeda sahlasho. 2. Ka h.: arrin ka welwelid la'aan.

0

hawlyaree

f g2 (-reeyay, -raysay)

U h.: wax qabashadooda cid u fududeyn.

0

hawlyari

m dh

Si aan dhib lahayn oo lagu suganyahay. ld hawlyaraan.

0

hawo

m dh

1. Dabayl gabow. 2. Inta cirka iyo dhulka u dhexeysa oo eberka ah. 3. Wax maanka laga jecelyahay. 4. Damac.

0

hawohankaag

m l

Waayidda la waayo wax rajo ama han weyn loo lahaa. ld hawohankaagid.