haawilood
Uurjiifka libaax badeedka.
haawin
ld haawis.
haawis
1. Hardaf dheer. 2. ld haawin.
haawiya
Naar ka mid ah toddobada naarood.
haawo
1. Weel af bannaan dabayl qaadasho. 2. Si qarsoodi la'aan ah wax u sheegid.
haayid
Nooc kalluunka ka mid ah.
haayir
1. Col weyn oo hubaysan. 2. Libaax badeed weyn oo dadka cuna. 3. ld haajirid.
hab
1. Sida wax loo qabto ama loo sameeyo. 2. Caano ama biyo aan badnayn oo loogu talaggalay in carruurta la siiyo. 3. ld habid.
hab-farsamadeed
1. Hab gaar ee wax qabad, badanaa hab la xiriira xirfad gacan ka qabasho. 2. Xirfad iyo awood ee farshaxan, isboorti ama waxqabasho gacmeed, taasoo aad horay ugu martay tababar iyo hawl gacmeed.
hab-kulxidh
Hab kul daynaa-mikaad oo dhaca ama dhammaysyirma iyada oo aanu kul soo gelin kana bixin. Guud ahaan, isbeddelka kul-xidh waxa uu keenaa kor u-kaca ama hoos u-dhaca heerkulka.
hab4
/mg1 (-bay, -btay) 1. (f.g) Ilmo dhashay caano ama biyo ku qabasho. 2. (f.mg) Weel, hoore dhibic-dhibic u sii dayn.
habaab
H. ah: dabinkabood; lumid. ld habow¹ (2).
habaabi
Qof marinka toosan ka weecin.
habaabid
ld habow¹.
habaabin
ld habaabis.
habaar
Dhibaato cid Eebbe looga baryo.
habaaran
Wax habaar ku dhacay ahaansho.
habaarnaan
ld habaarnaansho.
habaarnaansho
/dh ld habaarnaan.
habaarqabe
1. Qof dhib badan. 2. Qof waalidkii habaaray.
habaarran
(dii.)In Eebbe cid waxyeello gaarsiiyo baryid.
habaartan
Is habaarramid (laba qof).
habaas
1. Ciid budo ah oo dabayshu kiciso. 2. H. ah: jimic (xoolo).
habaasi
1. Boor kicin. 2. Neef riman candho keenid; carin; gorin.
habac
1. Daal iyo kala daadsanaan wax ku yimaad. 2. Dhereg. 3. Biyo ceel ama weel ku raagey.
habacsan
Wax habac ku dhacay ahaansho.
habacsanaan
ld habacsanaansho.
habacsanaansho
/dh ld habacsanaan.
habaq
H. ku dheh: meel isku tuurid (daal iwm dartii).
habaqle
1. Socod si kala dambayn ah qofba mar u yimaado. 2. H. ah: dad si kala dambaysa qofba mar u yimaado. 3. Daal ama gaajo la luudidda.
habaqlee
Si habaqle ah u socosho.
habar
Haruubka haanta.
habar-ari
1. Roobka deyrta ugu horreeya. 2. Bilaha soomaaliga mid ka mid ah. ld habar-eri.
habardugaag
Dugaag oo dhan.
habarey-maanyo
Nafley la aaminsanyahay in ay badda ku nooshahay oo qaarka sare gabar ka ah qaarka dambena mallaay. ld gabarey-maanyo.
habarjinni
Naag jinni ah oo la aaminsanyahay in ay ku nooshahay meelaha biyuhu ku jiraan.
habaroobid
ld habarow¹.
habarow
Habar noqosho.
habarticaa
1. Nagaar buruq weyn iyo ubax qurxoon leh. 2. ld habarticay. Shimbir food dheer oo ci' badan.
habarticay
(2).
habarwacasho
ld habarwacad.
habarwaco
U h.: qof dhibaato haysato ehelo u qayladhaansasho.
habarwadaag
Walaalo isku hooyo keliya ah.
habaryar
Hooyada walaasheed.
habas
Shimbir yar oo midab dambas ah leh oo badanaa dhulka dhabbacda.
habay
1. H. ah: weel cusub oo la tolay, markaa la agloolay oo hoorihii lagu shubo sii daaya. 2. ld habyid. ld habayo.
habayn
ld habays.
habayo
1. Weel biyood. 2. ld habay¹.
habaysan
Wax la nadaamiyey noqosho.
habaysnaan
ld habaysnaansho.
habaysnaansho
/dh ld habaysnaan.
habbanaansho
/dh ld habboonaan.
habbi
1. Ku h.: Wax culus oo ballaaran ku daboolid. 2. Wax culus ku dhufasho.
habbin
ld habbis.
habbiso
Culays mar mar dadka fuula oo fahmada iyo waxqabadka ka qaada.
habboon
1. Wax hagaagsan ahaansho. 2. Ku h.: Wax, wax ku fiican ahaansho. ld habban.
habboonaan
ld habbanaan, habbanaansho, habboo-naansho.
habboonaansho
/dh ld habboonaan.
habciye
(daaw.) Dawooyin yareeya shaqada qaybaha jirka.
habdaran
Wax aan la nidaamin ahaansho.
habdarnaan
ld habdarnaansho.
habdarnaansho
/dh ld habdarnaan.
habdarro
Nidaamdarro.
habdhaqaaq
'egta socodka. Qaybta mekaanikada ee la xiriirta socodka walxaha, taas oo aan lagu tixgelinin xoogaggii dhaliyey socodkaasi.
habdhis
Xubno isku shaqo ah oo jirka nafleyda ka mid ah sida kuwa dheefshiidka, wareegga dhiigga iwm.
habdhis-dareen-wade
(baay.) Habdhiska unugyada iyo nudaha xayawaannada unugyo badanleyda ahi ay ugu kala gudbiyaan wararka unugyada dareenka iyo organnada dhaqdhaqaaqa, sida, muruqyada iyo qanjidhada.
habdhis-deegaan
(baay.) Beel bayolojiyeed iyo deegaanka muuqaaleed ee la xidhiidha iyada.
habdhis-kulan
(xis.) Qaanuun, bar kasta oo ku taalla dulalaati lagu muujiyo urur tirooyin ah.
habdhis-limfeed
(c.nafl.) Dhuumo shaqadoodu isku xidhantahay, kuwaas oo ka soo qaada hooraha nudaha una gudbiya qulqulka dhiigga.
habdhis-tiro-labaale
(xis.) Habdhis tiro oo ku salaysan sal laba godadka 0 iyo 1 oo keliya ayaa la adeegsadaa, halka habdhiska tobanle lagu adeegsado toban god. Godadka waxa ay u taaganyihiin koowaad, labaadyo, afraadyo, siddedaadyo, toban iyo lixaadyo iwm; halka habdhiska tobanle ay u taaganyihiin koowaadyo,tobnaadyo, boqollaadyo iwm.
habdhis-tobanle
(xis.)Habdhis tiro ee ku salaysan tirada toban. Tirooyinka waxaa lagu muujiyaa godadka 0, 1, 2, 3, 4, 5, 6, 7, 8, iyo 9 oo qiimahoodu kuhabsadxiran yahay hadba rugta ay yaalliin (eeg sal tiro).
habdhiska-dareen-iswada
Qaybta dareenwadka dhexe ee lafdha-barleyda taas oo ka qaada guyooyinka dareenwade qaabilayaasha, geysana miiq-yada muruqyada sisiban ee wadnaha, dheefmareenka iyo organnada kale ee gudaha.
habe
1. Weel aan biyaha ama caanaha si fiican u celin karin. 2. Dhulka ciiddiisu biyaha si sahlan u sii deyso.
habee
H./isku h.: wax kala daadsan ama aan nidaamsanayn isku duwid.
habeed
Raadka kaadida geelu lugihiisa dambe ku reebto.
habeedi
Isku h.: geel kaadi isku daadin.
habeedin
ld habeedis.
habeen
Waqtiga u dhexeeya kolka qarraxdu dhacdo iyo kolka ay soo baxayso. ld hameen.
habeen-firfircoone
Noolayaasha firfircoon habeenkii; xayawaanka noocan ahi wuxuu cuntadiisa raadsadaa habeenkii.
habeenbar
Bartamaha habeenka.
habeendhax
1. Safar habeen lagu dhaxo. 2. Gunno yar oo la siiyo qof shaqo meel u aaday.

