Words starting with 'H'
2,494 Somali words beginning with 'H' — page 15 of 25.
heernaan
ld heernaan-sho.
heernaansho
/dh ld heernaan.
heertis
Summad: Hz. Halbeegga Caalamiga ee rakaadka loona qeexo rakaadkafafaalo kaleed oo leh kal hal seken ah.
heeryee
Wax heeryo saarid. ld reeryee.
heeryeyn
ld reeryeyn.
heeryeysan
Wax heeryo la saaray ahaansho. ld reeryeysan.
heeryeysnaan
ld heeryeysnaansho, reeryeysnaan, reeryeysnaansho.
heeryeysnaansho
/dh ld heeryeysnaan.
heeryo
Rarada awrka kolka la rarayo dusha laga saaro. ld reeryo.
hees
/dh (-so, m.l) Tix hab dhisan leh oo lagu luuqeeyo.
heesaa
Qof heesta ku luuqayn yaqaana.
heesaannimo
Heesaa ahaansho.
heeshi
Barwaaqo.
heetee
Si wareeg ah u safasho (dad).
heeti
1. Xarrago la liicliicid. 2. ld hiti.
heetin
1. eeg heeti. 2. ld heetis.
heetis
(2).
heeto
Saf wareegsan oo dad ah.
hegtar
Cabbir beereed u dhigma boqol mitir oo isku wareeg ah.hiddoside
hel
Wax lumay arkid.
helengee
Nafley helengo la dhicid.
helengo
Dhenged.
helikobtar
/dh (-rro, m.l/dh) Nooc ka mid ah diyaaradaha oo qumaati u kaca.
helli
Neef irmaan canug uu dhalay si uu u godliyo ku sii dayn.
hellin
ld hellis.
helloon
Wax la heli karo ahaansho.
helloonaan
ld helloonaansho.
helloonaansho
/dh ld helloonaan.
hengel
Dibibiro; buurnaan. ld hingil¹.
her
1. Riyo ama ido ku nool degaan aysan u dhalan. 2. Nooc idaha ama riyaha ka mid ah oo baryari u dhashay.
her-isle'eg-xigsineed
(xis.) Heerka diiranaha ugu sarreeya ee ku jira isle'eg xigsineed.
herin
/l Qof soo dhammaystay tababbarka xeeladaha ugaarsiga oo heri-noobay.
heshii
La h.: qof arrin ku raacid.
heshiin
ld heshiis.
heshiis
1. Isku raacidda arrin go'aankeed la isku raaco. 2. ld heshiin.
heshiisii
Dad heshiis ka dhex dhalin.
hey'ad
Maamul xafiis iyo shaqaale u gaar ah leh; wakaalad. ld hay'ad.
heyr
Shiir; shohor.
heys
H. ah: kurus in yar dhan u janjeera.
hib
Cod lagu muujiyo wax ilaa qarka la buuxiyo.
hibaaq
1. Ubax udgoon. 2. Udgoon.
hibee
Wax, hibo u bixin.
hibitiq
1. Daadashada hoore dhibic-dhibic uga daato wax; hibiiriq. 2. ld hibitiqid.
hibitiqid
ld hibitiq¹ (2).
hibnoosis
Xaalad hurdo ahaaneed ee lagu sameeyo sida badan qof u jenjera duufsashada iyo xasuusta dhacdooyinkii hore; waxaana sameeya qof xeeladda hibnoosiga yaqaan (hypnotist).
hibo
Deeq aan dan gaar ah laga lahayn oo cid la siiyo.
hiddarraac
1. Baaridda dad ama xoolo meesha asalkoodu ka soo jeedo la raadiyo. 2. Qof ku dhaqma caadooyinka soo jireenka ah ee dadkiisa. 3. ld hiddarraacid.
hiddarraacid
(3).
hidde
Soo yaal fil weyn oo la iska dhexlo oo ummad gaar ahi leedahay. ld hiddo.
hiddiwaale
1. ld hirimmaale. 2. Qof dadka been ku maaweeliya.
hiddo-barasho
Laan ka mid ah cilmiga bayoolojiga oo ku shuqul leh barashada hiddaha iyo kala duwanaanshaha.
hiddo-barasho-tirada-dadka
Barashada filiqsanaanta, dhaxlidda, kala duwananshaha koox noole ah oo isku sinji ah.
hiddo-sheeg
(baay.) Samayska hiddo-side ee noole, taa waxa loola jeedaa isku darka aliilada uu leeyahay.
hiddoside
(baay.) Halbeeg hidde oo ka kooban DNA. H. waxa loo qeexi karaa in uu yahay dhererka ugu gaaban ee koromosoom kaas oo aan la jejibin karin, ama mari karo dhalan geddis-hiddoside; labada halbeegba waxa loo garan karaa hal lammaane oo sal u ah taxanaha niyukliyootaydhka, kaas oo sameeya DNA.
hididdiilo
Filasho la fisho wax la sugayey. ld yididdiilo.
hidin
Kartida loo yeesho wax bixinta.
hifo
Dhacdo hore ka eed sheegasho.
hig
Cod lagu muujiyo buuxidda.
higaag
1. Suun ama xarig weelasha qaarkood lagu dhuujiyo si aysan u furmin. 3. Dibbiro, fuur.
higaagan
Wax fuursan ama dibbirsan noqosho.
higaagasho
ld higaagad.
higaagnaan
ld higaagnaansho.
higaago
Weel higaag ku dhuujisasho
higgaad
Ku dhawaaqidda ama qoridda xuruufta erey ka koobanyahay. ld hikaad, hingaad.
higgaadi
Xuruufta erey ka koobanyahay qorid ama ku dhawaaqid. ld hikaadi.
higgaadin
ld higgaadis, hikaadin, hikaadis, hingaadin, hingaadi

