0

cuqdi

m l

Eeg: cuqdad²

0

cuqdo

m dh

Eeg: cuqdad²

0

cuqubayn

m f dh

Eeg: cuqubee

0

cuqubaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Qof cuqubo ku dhacday ahaansho.

0

cuqubaysnaan

m f dh

ld cuqubaysnaansho.

0

cuqubaysnaansho

m l

/dh ld cuqubaysnaan.

0

cuqubee

f g2 (-beeyay, -baysay)

Cid nabsiyid.

0

cuqubo

m dh (-ooyin, m.l)

Dhibaato weyn, cid ku dhacda oo kaga timaada nabsi uu galay.

0

cuquul

m dh w

Eeg: caqli

0

cuquulayn

m f dh

Eeg: cuqulee

0

cuquule

m l

Rajo weyn oo wax in la helo laga qabo.

0

cuquulee

f g2 (-leeyay, -laysay)

Wax in la helo rajo ka qabid.

0

cur

m l

1. Carjawda qulaanqulshaha hunguriga cad oo ku taal cunaha ragga oo xagga dibadda u soo taagan; halcun. 2. Qoorta hor ee dhuuban o weelasha qaarkood leeyihiin; sida: dhalada, ubbada iwm.

0

curaar

m dh

1. Hanti laga sii hayo cid wax amaahatay; rahan. 2. Cid xoog lagu haysto, si haystayaashu wax gaar ah ugu helaan.

0

curad

m l (-ddo, m.dh)

Wiilka ugu horeeya ee qof u dhasha. ld corad.

0

curadnimo

m dh

Curad ahaansho.

0

curadweyn

m l

Riyaha intooda curada ah.

0

curadxige

m l

/dh (-gayaal, m.l/dh) Wiil ama gabar dhalasho ku xiga curadka. ld curadxigeen.

0

curadxigeen

m l

/dh ld curadxige.

0

curan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax neeftu ku xirantay ahaansho (san).

0

curasho

m f dh

curato m.dh (-ooyin, m.l) Xoolo inta wax dhashay.

0

curcur

m l (-rro, m.dh)

1. Meesha ay dhudhunka iyo calaacasha iska galaan. 2. Lafta dheer oo gacanta ee u dhexeysa suxulka iyo jalaqleyda.

0

curcuri

f g2 (-iyay, -isay)

Dhudhun wax ku cabbirid.

0

curcurin

m f dh

ld curcuris.

0

curcuris

m l

Eeg: curcurin

0

curcurrey

m dh

Shimbir qoolleyda u eg kana yar.

0

curdaalo

m l

Roobka jiilaalka dhammaadkiisa da'a; garabcas. ld cordaalo.

0

curdan

m l

1. Naq ama miro markaa soo baxay oo aan weli gahayroobin. 2. Wax dhowaan dhashay oo aan weli adkaan. ld cardun, curdin, curdun.

0

curdansad

m l

Eeg: curdansasho

0

curdansasho

m f dh

ld curdansad, curdansi.

0

curdansi

m l

Eeg: curdansasho

0

curdanso

f mg3 (-saday, -satay)

Curdan gurasho.

0

curdin

m l

Eeg: curdan

0

curdun

m l

Eeg: curdan

0

cureeji

m dh

Guntiino xariir ah oo haweenku qaataan.

0

curfi

m l (-iyo, m.dh)

Xeer aan qornayn ee la isku maamulo; xisti. ld curuf.

0

curi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax aan hore u jirin samayn, sida maanso, muusika iyo qoraal allifid.

0

curin

m f dh

ld curis (3).

0

curis

m l (-syo, m.dh)

1. (-syo, m.dh) Maanso ama sheeko la allifay. 2. (-syo, m.dh) Curiye kiimikaad. 3. ld curin.

0

curiye

m l (-yayaal m.l/dh)

(riw.) Qofka wax curiya.

0

curmid

m f dh

Eeg: curan¹

0

curnaan

m f dh

ld curnaansho.

0

curnaansho

m l

/dh ld curnaan.

0

curo

f mg3 (-rtay, -ratay)

1. Dad ama xoolo ilmihii ugu horreeyey dhalid. 2. Cir, di'id billaabid.

0

curqid

m f dh

ld curuq¹ (3).

0

curraaf

m l (-fyo, m.dh)

1. Xiddigaha ka faalliga; xiddigiye. 2. Qof faalka yaqaan. ld curraf, curraafiye.

0

curraafee

f mg2 (-feeyay, -feysay)

Xiddiga ka faalin. ld curraafi, currafee, currafi.

0

curraafeyn

m f dh

curraafee. ld currafeyn, curraafin, curraafis, currafin, currafi

0

curraafi

f mg2 (-iyay, -isay)

Eeg: curraafee

0

curraafid

m f dh

Eeg: curraaf³

0

curraafin

m dh

Eeg: curraafeyn

0

curraafis

m dh

Eeg: curraafeyn

0

curraafiye

m l

/dh (-yayaal, m.dh) ld curraaf¹.

0

curraf

m l (-fiin/-fyo, m.dh)

Eeg: curraaf¹

0

currafee

f mg2 (-feeyay, -feysay)

Eeg: curraafee

0

currafeyn

m dh

Eeg: curraafeyn

0

currafi

f mg2 (-iyay, -isay)

Eeg: currafee

0

currafin

m dh

Eeg: curraafeyn

0

currafis

m dh

Eeg: curraafeyn

0

curre

m l (-rayaal, m.l/dh)

Bisad ama mukulaal lab. ld curri.

0

curri

m l

Eeg: curre

0

curub

m dh (-byo, m.dh)

Doog aad u jilicsan.

0

curuf

m l (-fyo, m.dh)

1. Dhib; shiddo. 2. ld curfi.

0

curun

m l

Xirmo xaskul, caws, mayrax iwm. ah.

0

curuq

f mg1 (-rqay, -ruqday; -rqi)

1. Shay la tolay ama la falkiyey guntiin yeelasho. 2. Kaddib markii fadhi lagu raago xanuun yar murqaha ka dareemid. Tus. “Lug baa i curuqday”.

0

curuuq

m dh u

Xididdada yaryar ee dhiigga qaada.

0

curyaami

f g2 (-iyay, -isay)

1. Curyaan ka dhigid. 2. Hawl, arrin iwm xannibid.

0

curyaamid

m f dh

Eeg: curyaan²

0

curyaamin

m f dh

ld curyaamis.

0

curyaamis

m l

Eeg: curyaamin

0

curyaan

m l (-nno, m.dh)

1. Qof labada lugood beelay. 2. Hawl socon waayday.

0

curyaanad

m dh (-do, m.l)

Qof haween ah oo labada lugood la'.

0

curyaannimo

m dh

Curyaan ahaansho.

0

curyaansan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Qof xanniban oo wax u suurtaggeli waayeen ahaansho. 2. Hawl, wax xannibaadi gashay ahaansho.

0

curyaansanaan

m f dh

ld curyaansanaansho.

0

curyaansanaansho

m l

/dh ld curyaansanaan.

0

cusayb

m l

1. Wax jiritaankiisu markaa ugu horreyso. 2. Waxaan weli la isticmaalin. 3. ld cusbaan.

0

cusbaan

m f dh

ld cusayb (3), cusbaansho.

0

cusbaansho

m l

/dh eeg cusbow. ld cusbaan.

0

cusballab

m dh

Nooc cusbada ka mid ah oo dawo ahaan carruurta yaryar dabada looga xoqo.

0

cusbataal

m l

Eeg: isbitaal

0

cusbayn

m f dh

Eeg: cusbee

0

cusbaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

1. Wax cusbo lagu daray ahaansho (cunto). 2. Wax cusbo la mariyey ahaansho.

0

cusbaysnaan

m f dh

ld cusbaysnaan.

0

cusbaysnaansho

m l

/dh ld cusbaysnaan.

0

cusbee

f g2 (-beeyay, -baysay)

1. Cunto cusbo ku darid. 2. Harag cusbo marin. 3. Ilmo, dabada cusbo kaga xoqid si loogu daaweeyo.

0

cusbo

m dh

Wax cad oo leh dhadhan dhanaan oo cuntada lagu dhanaaniya. Dhulka ayaa laga qodaa, biyaha baddana waa ay ku jirtaa; milix.

0

cusbo-beysaysan

m dh (-ooyin ..., m.l)

(kiim.) Iskudhis u dhexeeya caadiga ah iyo haydarogsaydhka ama ogsaydhka.

0

cusboon

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax cusub ah ahaansho.

0

cusboonaan

m f dh

ld cusboonaansho.

0

cusboonaansho

m l

/dh ld cusboonaan.

0

cusboonayn

m f dh

ld cusboonaysiin.

0

cusboonaysii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Eeg: cusboonee

0

cusboonaysiin

m dh

Eeg: cusboonayn

0

cusboonee

f g2 (-neeyay, -naysay)

Wax, wax cusub ka dhigid. ld cusboonaysii.

0

cusbow

f mg3 (-baaday, -baatay)

Wax cusbadu ku badatay noqosho.

0

cusbur

m l

Budo midab hurdi ah leh oo qurxin awgeed haweenku u marsadaan.

0

cusburasho

m f dh

Eeg: cusburo

0

cusburo

f mg3 (-rtay, -ratay)

Cusbur marsasho.

0

cuskad

m l

Eeg: cuskasho