caddaan
1. Midabka cad. 2. Dadka inta midabkoodu cadyahay. 3. C. ah: lacag wax lagu kala iibsaado oo aan badeeco ahayn. 4. Daacadnimo; run. 5. Dhagax dumnadeed aan dhibco lahayn. ld caddiin.
caddaan-bibiish
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac ka cad dhinacna shan dhibcood ku leh. ld biish-bicaddaan, caddaan-bibanji.
caddaan-bidooh
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talagalay dhinac ka cad, dhinacna laba dhibcood ku leh. ld dooh-bicaddaan.
caddaan-bijoohaar
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac ka cad, dhinacna afar dhibcood ku leh. ld joohaar-bicaddaan.
caddaan-bisaliim
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac ka cad, dhinacna saddex dhibcood ku leh. ld saliim-bicaddaan.
caddaan-bishiis
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac ka cad, dhinacna lix dhibcood ku leh. ld shiish-bicaddaan.
caddaan-biyeeg
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac ka cad, dhinacna hal dhibic ku leh. ld yeeg-bicaddaan.
caddaansadaf
Midab caddaan xigeen ah oo dhalaal ku jiro.
caddaansho
/dh eeg caddow². ld caddaan².
caddaato
Daruur waqti galabnimo ah biyo yar sii daysay.
caddad
1. Wax tiro ahaan inta uu ka koobanyahay. 2. Wargeys, qoraal iwm oo si isdabajoog ah u soo baxa, lambarka ay leyihiin inta isku mar soo baxda.
caddadhuuni
Shimbir yar garbaha ka madow, baalashana midab dahabi ah ku leh; dahabo.
caddallool
Ciyaar carruureed ilmuhu qoray la tuurayo ay ku ciyaaraan habeenkii iyaga oo labo labo koox isagasoo horjeeda.
caddayn
ld caddays (3).
caddays
1. Shaah caano yar lagu daray. 2. In yar oo caano ah oo loogu talaggalay in shaah lagu caddeeyo. 3. ld caddayn.
caddaysan
1. Wax la caddeeyey ahaansho. 2. Wax caano lagu daray ahaansho (shaah).
caddaysasho
ld caddaysad, caddaysi.
caddaysimo
1. C. ah: neef la rarto o aan rar saarnayn. 2. C. ah: fallaar aan waabaayo la marin. ld caddaysin.
caddaysnaan
ld caddaysnaansho.
caddaysnaansho
/dh ld caddaysnaan.
caddayso
1. Wax caddaan ka dhigasho. 2. Qof arrin iwm ee uu qarsanayey soo bandhigasho. 3. Shaah caano ku darsasho. 4. Neegatiif iyadoo kiimiko lagu meyrayo muuqaal u xambaarsanaa warqad ku muujisasho.
caddee
1. Wax caddaan ka dhigid. 2. Arrin la qarinayey soo bandhigid. 3. Shaah caano ku darid. 4. Neegatiif kiimiko ku meyrid si muuqaal uu xambaarsanaa warqad loogu soo saaro.
caddi
; ld caddo.
caddib
1. Luggooyo; kadeed. 2. ld caddibid.
caddiban
Wax la caddibay noqosho.
caddibid
ld caddib¹ (2), caddibaad.
caddibnaan
ld caddibnaansho.
caddibnaansho
/dh ld caddibnaan.
caddidiif
Harag yar oo ka dillaaca ciddida labadeeda dhinac. ld ciddidiif.
cąddiin
Hilibka intiisa cad; baruur.
caddiir
(2).
caddil
Wax caddilan ka dhigid.
cąddil
ąddilid.
cąddilaad
ąddilid.
caddilan
Wax la caddilay noqosho.
caddilid
ld caddil¹, caddilaad.
cąddilid
ąddil². ld cąddil¹, cąddilaad.
caddilnaan
ld caddilnaansho.
caddilnaansho
/dh ld caddilnaan.
caddilnimo
Caddaalad, gar, garsoor, garsoornimo.
caddo
1. Dayaxa labadiisa toddobaad ee hore. 2. Habayn dayax leh.
caddood
C. ah: meseggo cad.
caddow
(1).
cadduun
Dhul ciiddiisu jilicsantahay, aan boor lahayn oo geedgaab ka baxa.
cadduuro
1. Geedgaab leh caleen iyo miro yaryar oo ka baxa meelaha biyo mareenka ahi. 2. Midab cagaar khaafiif ah leh.
cadee
Neef la qalayo hilibkiisa xubin xubin u goyn.
cadgo'
Dhibaato hakisa dhaqdhaqaaqa; muruqgo'.
cadgo'id
'².
cadgoo
U c.: qof cayroobay kaalmayn; qof wax aan filanayn siin; qof tartan ku jira garab siin.
cadgooso
Ka c.: cid godob ka gashay ka aarsasho.
cadh
Dhibco-dhibcaha ka soo horreeya daruur markaas di'id bilaabaysa.
cadhee
1. Cadho ku daarasho. 2. Dhaliicayn.
cadho
Cudur nabarro iyo cuncun badan oo lays qaadsiyo.
cadhow
Wax cadho ku dhacday noqosho.
cadow
nimo m.dh Cadow ahaansho.
cadowtinnimo
Dareenka colaad iyo xumaan ee laba qof ama ka badan isu hayaan. ld cadowti, cadowtooyo.
cadrad
Bikrad.
caduuro
Geed leh caleemo yaryar, miro kuuskuusan, macaan iyo laamo dhuudhuuban. ld caduur.
cadwoob
Jidh huruud ah oo ku dhex samaysma moqorka Goonka garaaf ee ilma galeenka naasleyda marka ay ukunta sii daayaan kaddib. Waxay dhiiqdaa hormoonka borojestaroon.
cafash
Alaab badan, duug ah, noocya badan isugu jirta oo aan qiimo lahayn. ld xafash.
cafi
/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) Dembi ama qaan cid gashay u dhaafid.
cafiif
C. ah: suubban; san; aamin ah; lillaahi ah; toosan.
cafiifnimo
Cafiif ahaansho.
cafis
U dhaafidda dembi ama qaan cid gashay. ld cafi¹.
cafiyid
ld cafin.
cag
1. Canqawga inta ka hooseysa ee lugta dadka ama nafleyda qaarkeed. 2. (fk) C.ta/c.aha: imminka; hadda.
cag-adayg
Dhul aan la budlin oo ciiddiisu adagtahay.
cag-qoolaaban
Qaabdarro cageed oo lagu dhasho saameyn kartana hal cag ama labada cagoodba taasoo qofka qaba uusan cagta cad wada dhig karin dhulka. Nooca ugu badan (Talipes Equinovaris) lugtu waxay u godontahay hoos waxayna u qalloocantahay gudaha sidaas darteed qofka qaba wuxuu u socdaa girgirka dibadda xiga ee dusha cagta.
cagaag
1. Wax sida dhagax, gaxandho iwm oo cagaha waxyeela marka kabo la'aan lagu socdo. 2. Meel leh dhagax, gaxandho iwm oo cagaha waxyeela marka kabo la'aan lagu socdo. 3. Dhibaatada caguhu ka mutaan marka lagu socdo meel leh dhagax, qaruurax, gaxandho iwm. 4. ld cagaagid.
cagaagan
Wax aan kabo haysan ahaansho.
cagaagid
ld cagaag¹ (4).
cagaagnaan
ld cagaagnaansho.
cagaagnaansho
/dh ld cagaagnaan.
cagaagsan
Wax cagaag hayo ahaansho.
cagaagsanaan
ld cagaagsanaansho.
cagaagsanaansho
/dh ld cagaagsanaan.
cagaaji
Wax si ay meel uga fogaadaan aad u cayrin.
cagaajin
ld cagaajis.
cagaar
1. Midab u eg kan caleenta iyo cawska marka ay dooganyihiin. 2. Doog. 3. Qudaar.

