caarootiyid
ld caarooti¹ (3).
caarow
Caaro dareemid (dad ama xoolo). ld caaroo.
caarran
Wax dardartiisii qaba ahaansho; firfircoonaan iyo himmo ka buuxdo.
caarranaan
ld caarranaansho.
caarranaansho
/dh ld caarranaan.
caarsii
Badda si xoog leh wax uga soo jiidid.
caaryaysasho
ld caaryaysad, caaryeysi.
caaryayso
Weel, maro iwm mardhacyo uskag ah yeelasho.
caaryid
ld caarin.
caaryo
Uskag caddaan xigeen ah oo weel, dhar iwm yeeshaan marka ay muddo meel ku huursanaadaan.
caashacarrabdheer
Qaansarroobaad; jeegaan.
caashaq
1. ld cishqi. Kalgacal qoto dheer oo aadanaha labkiisa iyo dheddigiisa dhex mara; jacayl. 2. ld caashaqid.
caashaqan
Ku c.: markab, baabuur, xolo iwm meel lagu caashaqay ahaansho.
caashaqid
ld caashaq¹ (2).
caashaqnaan
caashaqan. ld cashaqnaansho.
caashaqnaansho
/dh ld caashaqnaan.
caashaqo
Ku c.: markab, baabuur, xoolo iwm meel ku abbaarasho.
caashaqsan
Qof, wax caashaq hayo ahaansho.
caashaqsanaan
ld caashaqsanaansho.
caashaqsanaansho
/dh ld caashaqsanaan.
caasi
1. Qof wixii Eebbe faray aan fulin. 2. Qof waalidkii aan addeecin. 3. Qof madax adag, diiddo badan.
caasimad
Magaalammadax.
caasinnimo
Caasi ahaansho.
caasiyid
ld caasin.
caasiyow
Ku c.: caasi noqosho.
caataysan
1. Wax caato ah ahaansho. 2. Wax dallan ahaansho.
caataysii
1. Wax caato ah ka dhigid. 2. Wax dallan ka dhigid. ld caatee.
caataysiin
ld caatayn, caataysiis.
caataysnaan
ld caataysnaansho.
caataysnaansho
/dh ld caataysnaan.
caatibawaa
C. ah: caalwaa.
caato
1. Caataysnaanshada. 2. C. ah: nafley hilibka iyo baruurta jirkiisu yaryartahay. 3. Hilib aan dux lahayn.
caatoobid
ld caatow¹.
caatow
1. Caato noqosho. 2. Wax dallan noqosho.
caaw
a m.dh.fk 1. Maalinta la joogo habeenka ku soo fool leh. 2. Habeenka markaa la joogo.
caawi
/2 (-iyay, -iday/-isay;-iyi) Cid kaalmo ama taageero u fidin. ld cawi.
caawin
Cid kaalmo ama taageero u fidin. caawinaad m.dh ld caawino.
caawinid
ld caawimid, cawimid, cawinid.
caawino
Deeq ama kaalmo loo fidiyo dad tabaalaysan. ld caawimaad, caawimo, caawinaad, cawimaad, cawimo.
caawiyid
ld caawin, caawis, cawin¹, cawis, cawiyid.
caay
(1).
caayan
Wax, cay leh ahaansho.
caayanaan
ld caayanaansho.
caayanaansho
/dh ld caayanaan.
caayib
Qof caajis ah oo shaqada ka wahsada.
caayibnimo
Caayib ahaansho.
caayid
cay³.
cab
1. Hoore si isdabajoog ah u liqid. 2. Sigaar dhuuqid.
cabaad
1. Dhawaaq dheer oo geelu sameeyo marka la xanuujiyo. 2. Calaacal,
cabaad-dheere
Afkuxuuble.
cabaadi
Ka c.: neef geel ah xanuujin si uu cabaad u sameeyo.
cabaadid
ld caabad¹ (3).
cabayo
1. C. ah: haan qab ama argeeg ka samaysan oo loo diyariyay in caanaha lagu shubto. 2. Biyo, weel caanood lagu shubay oo yeeshay dhadhan la kahdo; cabo.
cabbaad
ąbbaar.
cabbaar
1. Waqti aan badnayn ama aan fogayn. 2. Masaafo aan dheerayn.
cąbbaar
1. Meerisyo kuul yaryar ah, hab quruxsan la isugu tolo, rucubyo leh oo haweenka qoorta ku xirtaan. 2. Midab baraashirix ah oo lo'da iyo riyuhu yeeshaan. 3. (w) Qaab qurux badan oo dadka cayillan ama hablaha surkoodu yeesho. ld cabbaad.
cabban
Wax adkaysi yar leh ahaansho; nuglaansho (qof).
cabbanaan
ld cabbanaansho.
cabbanaansho
/dh ld cabbanaan.
cabbane
Geed saliiddiisa la isku qaras falo.
cabbaysan
Wax la cabbeeyey ahaansho.
cabbaysnaan
ld cabbaysnaansho.
cabbaysnaansho
/dh ld cabbaysnaan.
cabbee
1. Jawaan, sanduuq iwm suuf, dhar iwm ku cidid. 2. Buntukh dhuunta xabbad u dhigid si ay dhicid diyaar ugu noqoto.
cabbid
ld cabid².
cabbir
1. Qiyaas lagu heshiiyey oo caddeyneysa wax dhererkiisa, muuqiisa iwm. 2. Habka loo qiyaaso dherer, mug, culays iwm. 3. Qalab lagu cabbiro wax dhererkiisa, culayskiisa, muggiisa iwm.
cabbir-dhuleed
Sayniska cabbiraadda qaabka iyo xajmiga dhulka oo ay ku jiraan miisaankiisa, cufnaantiisa iwm, iyo isla markaas sahaminta qaybaha waaweyn ee dhulka dushiisa ah si loo garawsado xoodnaanta dhulka.
cabbiran
Wax la cabbiray ahaansho.
cabbire-selsiyas
(fiis.) Cabbir heerkul ee barta barafku yahay 0ø; barta karkuna tahay 100°. Digriiga selsiyas (Summad: °C) waa 1/100 gaaliska heerkulka, waxana uu laxaad ahaan le'egyahay kelvin (°K).
cabbirid
ld cabbiris.
cabbirnaan
ld cabbirnaansho.
cabbirnaansho
/dh ld cabbirnaan.
cabbur
Xirmidda sanku neeftu ku xiranto, duray, sanboor iwm awgood. ld cabburid.
cabburi
Cabbur ku ridid, neef ku celin.
cabburid
ld cabbur¹.
cabbursan
Wax la cabburiyey ahaansho.
cabbursanaan
ld cabbursanaansho.
cabbursanaansho
/dh ld cabbursanaan.
cabbuur
Dhismo yar oo badanaa geedo iyo caws ka samaysan oo hargaantigu u galo gorayada, marka uu gaadayo.
cabdo
Naf; ruux.

