Words starting with 'C'
2,548 Somali words beginning with 'C' — page 15 of 26.
catireysnaansho
/dh ld catirnaan.
catirid
ld catirayn, cartirid.
catirnaan
ld cartirnaan, cartirnaansho, catireysnaan, catireysan.
catirnaansho
/dh ld catirnaan.
catow
1. Hadal qof ku muujiya xumaan ama dhibaato gaartay, calaacal. 2. ld cataabid.
caw
1. Dhinac; dhan. 2. Aagga u dhow meel. ld caaw¹.
cawaag
1. Miraha geedka mayrada. 2. Summad gaar ah oo geela lagu dhigo.
cawaan
1. Dad jaahil ah oo aan diin lahayn. 2. Qof, qof kale hiil iyo hooba la garab taagan.
cawaandi
Qof isla weyni iyo kibir badan.
cawaannimo
Cawaan ahaan.
cawaansasho
ld cawaansad, cawaansi.
cawaanso
Cid kaalmo iyo taageero ka doonid.
cawaaqib
Waxa nasiib u noqda qofka ee nolooshiisa ku dambeyso.
cawaaqibxumaan
ld cawaaqibxumaansho, cawaaqibxumi, cawaaqibxumo.
cawaaqibxumaansho
/dh ld cawaaqibxumaan.
cawaaqibxumi
Cawaaqib aan wanaagsanayn ee qof noloshiisu ku dambeyo. ld cawaaqibxumaam.
cawaaqibxun
Wax aan cawaaqib wanaagsanayn ahaansho.
cawaarso
Maroodi, si uu u harraad beelo, dhir dhacaan leh ruugid.
cawabbari
1. Habeen meel nabad gelyo lagu baryo. 2. ld cawabbarid.
cawabbarii
Wax habeen meel ku nabad gelin. ld cawabbariisii.
cawabbariin
ld cawabbarisiin.
cawabbaryid
ld cawabbari¹ (2), cawabbarin.
cawaddaran
Waqtiga qorraxdu dhacdo oo mugdigu billaabmayo.
cawadhalad
Qof aad u nasiib badan.
cawadhaxmee
Meel loo socdo hal habeen u dhixid.
cawadhaxmo
Habeendhax.
cawaggud
Nooc quraanyada ka mid ah, gudguduudan, koox-koox u socota, qaniinyo kulul oo habeenkii socota.
cawaguddo
Caws balka galleyda u eg oo sida badan beeraha ka soo dhasha oo haddii la falo si dhaqso ah u soo baxa.
cawameer
1. Nafley habeenkii wareegta. 2. Dhillo. 3. Cuntub gaar ah, ilaalo.
cawan
Wax cawo leh ahaansho.
cawanaan
ld cawanaansho.
cawanaansho
/dh ld cawanaan.
cawar
1. Nooc ka mid ah libaax badeedka oo aad halis u ah. 2. Qof il la' ama nabar ku leh. ld cawir¹.
cawaran
Wax la cawiray noqosho. ld cawiran¹.
cawarid
ld cawaraad, cawiraad, cawirid.
cawarmid
ld cawirmid.
cawarnaan
ld cawarnaansho, cawirnaan, cawirnaansho.
cawarnaansho
/dh ld cawarnaan.
cawarnimo
Labada indhood oo kala qalloocda.
cawaroobid
ld cawiroobid.
cawarow
Wax il beelay ama nabar ka gaaray noqosho. ld cawirow.
cawaweer
Nooc ka mid ah libaaxbadeedka.
cawbaar
Caw ka baxda geedka baarka.
cawd
1. Ururinta xoolo badan meel lagu ururiyo. 2. Meel kulul oo dugsi ah oo neecawdu ka xirantahay.
cawdan
Wax la cawday ahaansho (xoolo badan).
cawdnaan
ld cawdnaansho.
cawdnaansho
/dh ld cawdnaan.
cawdo
Xoolo badan meel isugu ururid.
cawee
Habeenka gelinkiisa hore sheeko, ciyaaro iwm waqti isku dhaafin.
caweeran
Qof aan indhaha si fiican wax uga arag noqosho.
caweyn
ld caweys (3).
caweys
1. Ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo habeenkii lagu so jeedo. 2. (-syo, m.dh) Baar muusiga laga tumo oo habeenkii dhallintu ku soo jeeddo. 3. ld caweyn.
caweysin
Habeenka gelinkiisa hore. ld caweysimo.
caweysindambe
/dh Xilliga u dhexeeya sagaalka ilaa tobanka fiidnimo.
caweysinhoraad
Xilliga u dhexeeya siddeedda fiidnimo ilaa sagaalka.
cawggiir
1. Caw rinji la geliyay. 2. C. ka dhig: si xun wax u baabi'in.
cawi
/2 (-iyay, -iday/ -isay; -iyi) ld caawi.
cawiif
Midab cad oo boor ku dhafanyahay.
cawil
Wax ku dhaafay ama lumay beddelkood.
cawilceli
Wax dhumay beddelkood siin.
cawilcelin
ld cawilcelis.
cawirnaansho
/dh ld cawarnaan.

