calgo
Xaskul.
caliqabsade
Nooc cayayaanka ka mid ah, soo baxa waqtiyada qabowga, lehna dhacaan laysku qaras falo.
callaal
1. Kiish yar oo caw ka samaysan oo hilibka, timirta iwm lagu rito. 2. In yar oo raashiin ah oo xayawaanka lagu dabo. 3. Deeq yar oo qof hawl qabtay la siiyo.4. Alaab yar oo meel loo wado. 5. ld callaalid. ld calaal¹.
callaalasho
ld calaalad, calaalasho, callaalad.
callaalid
ld calaal¹, calaalid, callaal¹ (4).
callaalo
Alaabo yar gaadiid saarasho. ld calaalo.
callaq
1. Wax meel ka laalaadin. 2. Wax jaho ku aaddin.
callaqan
Wax la callaqay noqosho.
callaqid
ld callaq¹.
callaqnaan
ld callaqnaansho.
callaqnaansho
/dh ld callaqnaan.
callayr
Garannuug dheddig oo aan weli gaarin da'dii rimay qaadka.
calman
Wax la calmaday ahaansho.
calmanaan
ld calmanaansho.
calmanaansho
/dh ld calmanaan.
calmi
Dersi; cashar.
calmo
Wax si aad ah u jecleysasho.
calool
1. Xubinta dheefshiidka nafleyda oo isku xirta hunguriga iyo xiidmaha. 2. Qaybta jilicsan oo u dhexeysa laabxuunshada iyo gummaarka.
calool-adag
1. Adkeysi iyo dulqaad loo yeesho dhibaato. 2. Naxariis iyo jixinjix la'aan.
calool-adayg
Ku c.: adkeysi iyo isbeddel la'aan muujin.
calool-engegnaan
Xaalad dhigidda saxarada ay aad u yaraato ama saxarada ay aad u adkaato yaraatana ama soo dhaafidda saxarada ay dhib ama xanuun keento.
calool-jilciye
(daaw.) Dawo badisa caloolbaxa, ayadoo jilcinaysa saxarada ama dhaqaajineysa xiidmaha.
calool-kusid
Qof xumaatada lagu sameeyo aan illaawin; uurkuqaad.
caloolacad
Dagaal dad badan ku hoobtay. ld caloolacaddo.
caloolacaddee
Nafley galgalasho hadba caloosha la soo kormarinayo samayn.
calooladkaan
ld calool adayg¹, calool-adkaansho.
calooladkaansho
/dh eeg calooladkow. ld calool-adkaan.
calooladkow
Calool adayg yeelasho.
caloolaweyn
1. (u) Koox dad ah oo hanti mood ah oo badan leh. 2. Marka balagga digirtu ka baxo miliqnimada ee ay iniinyihiisu yaryaryihiin.
caloolbax
Saxaro badan, jilicsan oo dulin nafleyda caloosha ka qooma keeno; shuban; dababbax.
caloolduubo
Ka c.: wax ka rajo dhigid.
caloolfayoobaan
ld caloolfayoobaansho.
caloolfayoobaansho
/dh eegcaloolfayoobow. ld caloolfayoobaan.
caloolfayoobi
Qof aan cadaawad iyo nacayb cid u haynin; uursami.
caloolfayoobow
Qof aan cadaawad iyo nacayb cid u haynin noqosho.
caloolfayow
Qof aan cadaawad iyo nacayb cid u haynin ahaansho.
caloolgal
1. Bilawga uurka haweenka, uurgal. 2. ld caloolgelid.
caloolgelid
ld caloolgal¹ (2).
caloolgo'
Ka c.: qof, cid uu jeclaa aad u nicid.
caloolgubyo
Dareen leh ciil, caro iyo murugo; tiiraanyo.
caloolgubyoo
Caloolgubyo dareemid.
calooljilcan
1. Qof naxariis badan ahaansho. 2. Qof wax uusan hubsan si sahlan u qaata ahaansho.
calooljilcanaan
ld calooljilcanaansho.
calooljilcanaansho
/dh ld calooljilcanaan.
calooljileec
1. Dareen naxariis iyo turaal leh oo aadanaha ku beerma. 2. Dareen nuglaan iyo debec leh oo loo yeesho arrin aan la hubsan.
caloolmajiir
(daaw.) Xanuun aad ah ee uurkujirtada oo ay ilbidhiqsiyo ama daqiiqado qabatinka u kala dhexeeyaan.
caloolqabasho
Xanuun qabatin ah oo caloosha maroojiya; caloolxanuun. ld caloolqabad.
caloolsamaan
caloolsan. ld caloolsami.
caloolsami
Cadaawad iyo neceyb la'aan. ld caloolsamaan.
caloolsan
Qof aan cadaawad iyo nacayb cid u haynin ahaansho.
caloolweyn
Qof buuran ahaansho.
caloolweynaan
ld caloolweynaansho.
caloolweynaansho
/dh ld caloolweynaan.
caloolweynad
Cudur kaneecada laga qaado oo beeryarada barariya; bu'; weled. ld uurweynaad.
caloolxanuun
Cudur kasta oo caloosha ku dhaca oo xanuujiya.
caloolxumaan
ld caloolxumaansho, caloolxumi, caloolxumo.
caloolxumaansho
/dh eeg caloolxumow. ld caloolxumaan.
caloolxumee
Cid caloolxumo badid.
caloolxumo
Dareen cadaawad iyo ciilqab leh. ld caloolxumi.
caloolxumow
Ka c.: caloolxumo dareemid.
caloolxun
Ka c./u c.: qof caloolxumo hayso ahaansho.
caloolyaro
(c.nafl.) Qaybta wadnaha ee ka soo qaadda dhiigga dhegyarada ee u tuurta habdhiska halbowlayaasha.
caloolyoobid
ld caloolyow¹.
caloolyow
Welwel iyo walaac ku dhasha qof marka uu la kulmo arrin adag oo uusan xal u haynin. ld caloolyoobid.
calooshi-lacayaar
Qof maalintaas hantidiisu sida ay tahay u dhaqma oo aan mustaqbalka ka fikirin.
calooshi-ushaqayste
Qof loo kireysto dil, dhac, qarbudaad iwm.
calow
1. C. ah: biyo dhoobo ku qasantahay. 2. C. ah: midab calas ah.
calwasaad
1. Hadal qof hurdayo uu ku hadlo; qarow. 2. ld calwasaadid.
calwasaadid
ld calwasaad¹ (2), carwasaad¹, carwasaadid.
calwi
Biyo, calow ka dhigid.
calwis
Wadaan aad u weyn.
calyee
Wax calyo ku halllayn; calyo ku qoyn. ld candhuufayn.
calyo
Dareere aan midab lahayn, qanjirrada xayawaanka ka yimaada oo cunnada jilciya; candhuufo.

