calaamadaysnaan
ld calaamadsanaan, calaamadsanaansho, calaamaysnaan.
calaamadaysnaansho
/dh ld calaamadaysnaan.
calaamadi
Wax calaamo u yeelid. ld calamadee, calaamee.
calaamadin
ld calaamadayn, calaamayn.
calaamadsanaansho
/dh ld calaamadaysnaan.
calaamadsasho
ld calaamadsad, calaamadsi, calaamadaysad, calaamaday
calaamadso
Wax calaamaad u yeelasho. ld calaamadayso, calaamayso.
calaamatu-su'aal
Astaan weyddiineed.
calaamaysnaansho
/dh ld calaamadaysnaan.
calaamberi
Nooc ka mid ah quraanyada waaweyn oo midabbo kala duwan leh oo jecel macaanka. ld calaambereg, calaameleg.
calaamo
1. (-ooyin, m.l) Tilmaan gaar ah oo wax leeyahay oo waxyaabaha la nooca ah looga garto; astaan. 2. Belo; masiibo. 3. C. ah: curyaan. ld calaamad.
calaan
1. Qof garaadkiisu aad u yaryahay. 2. Cilin.
calaanji
/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Cunno meyrax iwm gowsaha ku jilcin. 2. Wax si aan habboonayn isugu qasid.
calaanjiyid
ld calaanji¹, calaanjin, calaanjis.
calaaqo
Xiriirka ka dhexeeya laba qof, dowlado iwm. ld calaaqaad, calaaqad, cilaaqaad, cilaaqad, cilaaqo.
calaf
1. Dheef xag Ilaah ka qoran; risiq. 2. Nasiib.
calafsasho
ld calafsad, calafsi, calfad, calfasho.
calafso
Wax calaf ka dhigasho. ld calfo.
calako
Haweeney aad nacas u ah.
calakonnimo
Calako ahaansho.
calakud
Nooc deerada ka mid ah oo buuraha ku nool.
calal
1. Maro aad duug u ah. 2. Cad maro ah.
calalee
Maro, calal ka dhigid.
calali
Cunto, meyrax iwm gowsaha ku jilcin.
calalin
ld calalis (2).
calalis
1. Cuntada inteeda la calashado. 2. ld calalin.
calalow
Calal noqosho.
calalsasho
ld calalsad, calalsi, calashad, calashi.
calalso
Cunto gowsaha ku burburin. ld calasho.
calan
1. Cad maro ah oo dowlad, hay'ad, maamul iwm astaan u ah. 2. Midab madow oo ay iduhu qaarka hore ku yeeshaan.
calandejin
Calan dejinta.
calanhaye
Ciyaarta kubbadda cagta labada qof ee garsooraha caawiya midkood. ld calanwale.
calannaqsasho
ld calannaqsad, calannaqsi, calyannaqsasho, calyannaq
calannaqsi
Soo celinta iyo calalinta ay xooluhu ku sameeyaan cuntada calooshooda ku jirta. ld calannaqsasho.
calannaqso
Calannaqsi sameyn. ld calyannaqso.
calansaar
Maalinta dowladi calankeeda qaadato. ld calansaarid.
calanwallee
1. Calan ruxid. 2. Muddo barwaaqo iyo rayrayn ku noolaasho.
calaqaad
Wax calalin; raamsi.
calaqad
Nin madax ka ah ciyaarta mingiska.
calas
1. C. ah: biyo saafi ah. 2. C. ah: maraq dufankiisu yaryahay. 3. C. ah: midab casaan xigeen ah; maarniin.
calasee
1. Dhul qashin ka nadiifin. 2. Biyo calas ka dhigid.
calcalyo
Biyo xareed, saafi ah.
caleemasaar
U boqridda cid loo boqro in ay bulsho madax u noqoto. ld caleemasaarid.
caleemasaarid
ld caleemasaar¹, caleensaar¹, caleensaarid.
caleemaysasho
ld caleemaysad.
caleemayso
Geed caleen yeelasho.
caleen
1. Geedka qeybtiisa laamaha ka baxda ee u sameysa cuntada. 2. Caleenta geedka shaaha.
caleen-iskudhisan
(bot.) Caleenta iskudhisani waxay leedahay baabaca caleen u qaybsan caleen yarooyin girigirkoodu gaarsiisanyahay aroore caleenta.
caleendhacsade
Geedka lumiya ama ay ka hoobtaan caleemaha xilliyada qaarkood.
caleendhacsasho
ld caleendhacsad, caleendhaacsi.
caleendhacso
Caleemo iska ridid (geed).
caleensasho
ld caleensad, caleensi.
caleenso
Caleen cunid (riyo).
caley
Dhalo farshiidda ka weyn.

